Hargeysa(Arraweelo News) Diyaar-garawga munaasibada Ciida ee Udxa ayaa ku beegan maalinta beri ah, waxaana jira dhaqdhaqaaq dhinaca diyaar-garawga ah

 

oo laga dareemayo suuqyada waaweyn ee magaalada Caasimada Hargeysa iyo magaalooyinka kale.
Hase yeeshee diyaar-garawga ciida ee sanadkan ayaa uga duwan kuwii sanadkii hore, iyadoo laga dareemayo suuqyada ganacsiga in aanay sidii hore u camirnayn, taas oo dad badani ku tilmaameen in ay la xidhiidho dhaqaale xumo.
Dhinaca kale Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed (Siilaanyo), ayaa  shacbiga Somaliland u diray hanbalyo ku waajahan munaasibada Ciida Udxa. Sidoo kale Masuuliyiinta axsaabta mucaaradka aya hanbalyo taa la mid ah u diray shacbiga Somaliland , waxayna u rajeeyeen in sanadka sanadkiisa ay ku gaadhaan.
Dhinaca kelana  Munaasibada Maanta oo ah 9-ka bisha Dil-xijjah waxaa banka carafa taaganaa malaayiin qof oo kamid ah xujeyda Beytullaahi xaraam,qoraxda oo kulul ayay xujeydu maanta oo idil ku sugnaanayaan Buurta carafah halkaasi oo ay ku gudan doonaan Rukunka ugu weyn ee Xajka.

Maamulka magaalada Makka Al-mukaramah wuxuu sheegay in uu diyaariyay kooxo dhanka caafimaadka ah iyo nidaaminta dadka si looga feejignaado in dadku is jiidhaan inta lagu-guda jiro Jamaraatka,waxaa laga cabsi qabaa in dadku is jiidhaa, iyagoo  gelinta dambe ee maanta kolkaa kasoo rawaxaya Banka carafa.

Xujeyda ayaa salaadaha casarka iyo duhurka ku tukanaya carafa jamac iyo qasri iyagoo usii caraabi doona Muzdalifa waxayna ku tukan doonaan cishaha iyo maqribka,1.3 milyuun muslimiin ah ayaa maanta Marti u ah allaha raxmaanka ah.

Malaayiin kale oo aanay  usuurtagelin in ay sanadkan tagaan muusamka xajka ayaa maanta allaah dartiis usuumay si ay laba sanadood u helaan dambi dhaaf iyo naxariis.
info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *