Sool(ANN)Wefti uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland  Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa gaadhay Degmada Yagoori oo ka tirsan Gobolka Sool. Wefdigaa oo ay xubno kayihiin  Wasiirrada Gaashaandhiga iyo Ganacsiga ayaa ujeeedada booqashadooda deegaankaa ku sheegay

xalinta mushkilad todobaadkii hore ka dhacday deegaankaa oo u dhaxaysay askari ka tirsan Ciidanka Qaranka ee fadhiisinkoodu yahay halkaa iyo mid Boolis ah, kadib markii muran ka dhashay gabadh oo dhexmaray laba askari oo ciidamadaa ka tirsan uu keentay dhimasho hal askari iyo kii kale oo dhaawac soo gaadhay.
Wasiirka Madaxtooyada Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo weftigan hogaaminaya, isla markaana ay kusoo biireen  Gudoomiyaha Gobolka Sool iyo Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka Booliska ayaa hadal kooban oo uu warbaahinta siiyay waxa uu ku sheegay inay kulamo kala duwan la yeesheen Madaxdhaqameedyo ka tirsan Bulshada deegaankaa iyo kuwo ka yimi jiido kale,  isla markaana ay isla qaateen sidii xal dhamaystiran looga gaadhi lahaa dhimasho ka dhacday deegaankaa , isagoo xusay inay go’aamo dhaxal gal ah ka soo saari doonaan marka ay ka gudbaan wejiga koowaad ee hawshan maadaama xukuumaddu u xil saartay gudidaa xalinta mushkiladaa sida uu seegay Xirsi Xaaji Cali oo ah Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland.
Dhinaca kale xukuumadda ayaa hore ugu dirtay halkaa masuuliyiin wasiirka Ganacsigu ka midyahay, balse waxa durbadiiba arrintaa duray aabaha dhalay Askariga la dilay Col, C/llaahi Xaaji Jaamac Calas oo sheegay inaan lagu kalsoonaan karin qaabka ay hawsha u galeen masuuliyiintaa hore.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *