Hargeysa(ANN) Dab ayaa caweyskii xalay ka kacay duleedka dhinaca Koonfureed ee Saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa, kaas oo ka bilaabmay goob dhisme hargar ah oo ay deganaayeen Farsamayaqaanada Birta Tuma ee loo yaqaan Tumaalaha iyo Kaboolayaal. Dabkaa oo dhawr saacadood
holcayay ayaa sababay inuu gebi ahaanba gubto Hangarkaa oo ay ka buuuxeen qalabka loo adeegsado shubista iyo tumista Birta iyo waxyaabo kale sida Taayiro iyo buufimooyin. Gaadiidka dabdamiska ee dawladda ayaa goor danbe goobta yimi, kuwaas oo aan sidan wixii ay ku bakhtiin lahaayeen dabkaa. Laakiin laba gaadhi oo kuwa dabdamiska ah oo ay leedahay Shirkada Dahabshiil ayaa ku guulaystay inay xakameeyaan dabkaa oo ay bakhtiiyaan, iyadoo goobta dabku ka kacay ay wax ka yar boqol talaabo u jirtay kaalin shidaal, isla markaana dhismayaal iyo meherado kale oo qalab kala duwan iibiyaa hareeraha ka xigaan goobta hangarka ee dabku ka kacay.
Ma jirto ilaa hada cid la sheegay inay dabkaa wax ku noqotay, marka laga reebo hantida khasaaraha ka dhashay ee ay lahaayeen Farsamayaqaanada Birta iyo kaboolayaasha deganaa goobtu, kuwaas oo xiliga dabku kacay ka maqnaa goobta oo ay maalintii ku shaqeeyaan.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *