Hargeysa(ANN)Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Somaliland Xuseen Axmed Caydii ayaa maanta soo saaray Wareegto uu xilkii kaga qaaday, isla markaana magacaabis iyo isku bedel ku sameeyay qaar ka amid ah Garsoorayaasha Dalka iyo Guddoomiyayaasha Maxkamaddaha Hoose ee

 

Goboladda Dalka.
Wasiirka Wasaaradda cadaaladdu Digreetada uu soo saaray maanta ayaa  u qornayd sidan:-
Isku-bedelka Guddoomiyayaasha iyo Garsoorayaasha
Axmed Iidle Saleebaan waxa laga bedelay Gudoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Sanaag, waxaa loo bedelay Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Togdheer
C/raxmaan Jaamac Hayaan waxa laga bedelay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa, waxa laga dhigay Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Hargeysa
Axmed C/laahi Bakaal waxa laga bedelay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Awdal, waxa laga dhigay Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Awdal
Cali Suudi Diiriye waxa laga bedelay Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Saaxil
Xuseen Aw Diiriye Maxamed waxa loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Sanaag
Axmed Saalax Yoonis  waxa laga bedelay Garsoore Maxkamadda Rafcaanka Hargeysa, waxaana loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Sanaag
Maxamed Jaamac Cashuur waxa laga bedelay Guddoomiyaha Maxkamadda Degmadda Burco,  waxaana loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Togdheer
Ibraahim Cabdi Yaasiin waxa laga bedelay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Togdheer . waxa loo bedelay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Saaxil .
C/rashiid Maxamed Maxamud (Duraan) waxa loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex
10. C/raxmaan Rooble Barre waxa laga bedelay Garsoore Maxkamadda Gobolka Awdal. Waxa loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Awdal
11. Faysal C/laahi Ismaaciil waxa laga bedelay Garsoore Maxkamadda Gobolka Hargeysa waxaana loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka/Degmadda Gebilay.
Ka saarid Liiska Garsoorka iyo Magacaabid
C/raxmaan Sh Cumar Xasan waxa laga saaray Liiska Garsoorka kadib markii shaqada laga waayay
Cumar Sheekh Maxamud Axmed. Waxa loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Degmadda Laascaanood.
Sh Siciid C/laahi Axmed waxaa loo magacaabay Maxkamadda Demadda Qoryaale.
Fulinta go’aankan wasiirka Wasaaradda Cadaaladdu waxa uu u cuskaday qodobka 106aad ee Dastuurka Qaranka Faqradiisa 1aad, taas oo qeexaysa inay Wasaaradda Cadaaladdu u xil saran tahay fulinta go’aanada Guddida Cadaaladda.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *