Hargeysa(ANN)Golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay saddex xubnood oo  wasiiro ah oo uu Madaxweyne Siilaanyo magcaabay dhowaan iyo laba xubnood oo gudida cadaaladda ah oo golaha wakiiladu soo xulay. Xubnaha golaha wasiirada
ee Golaha Wakiilada Somaliland fadhigoodii maanta codka  aqlabiyada  ah ku ansixiyeen ayaa kala ah  Chief Cabinet-kii Madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali   oo loo magcaabay dhowaan Wasiirrka  Madaxtooyada,  Wasiirka Ciyaaraha, iyo Wasiirka dib u dejinta iyo Horumarinta reer Miyiga.
Fadhigii maanta ee Golaha Wakiilada oo uu Guddoominayay Gudoomiyaha Golahaasi C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxa Xildhibaanada loo akhriyay ka hor cod bixinta CV-yadii iyo taariikh nololeedkii Wasiirrada la hor keenay.
Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxa ogolaaday 62 Mudane, hal Mudane ayaa diiday, cid aamustay may jirin Guddoomiyuhuna muu codayn.
Wasiirka Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga Md. Maxamuud Maxamed Siciid (Gacamay) waxa ogolaaday 63 Mudane, cid diiday iyo cid ka aamustay midna may jirin gudoomiyuhuna muu codayn.
Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Md. Cabdi Siciid Faahiye waxa ogolaaday 63 Mudane, cid diiday iyo cid ka aamustay midna may jirin gudoomiyuhuna muu codayn.
Wasiirka Dib u dejinta Md. C/Risaaq Cali Cismaan, waxa ogolaaday 63 Mudane, cid diiday iyo cid ka aamustay midna may jirin gudoomiyuhuna muu codayn.
Waxa kale oo Goluhu ansixiyay laba xubnood oo ka tirsan Gudida cadaalada qaranka oo golaha wakiiladdu soo xulay kuwaasi magacyadoodu kala yihiin Farxaan Cabdi Guuleed iyo Aadan Jaamac Maxamed.
Nmarkii xubnahan loo codaynayay madasha fadhiyay 59 Mudane, Farxaan Cabdi Guulleed waxa ogolaaday 55 Mudane, waxa diiday laba Mudane, hal mudane ayaa ka aamusay Guddoomiyuhuna muu codayn.
Aadan Jaamac Maxamed waxa ogolaaday 54 Mudane, cid diiday may jirin waxase ka aamusay 4 Xildhibaan.
Dhinaca kale waxay tani meesha ka saartay sheekooyin mudooyinkii u danbeeyay suuqa lasoo geliyay oo sheegayay inay shirkado ganacsi iyo shaqsiyaad kooxo ah oo ay ku hawlan yihiin sidii ay u hor istaagi lahaayeen Wasiirka Madaxtooyada oo hore u ahaa Chief Cabinet-ka madaxtooyada, balse maanta si aqlabiyad ah ugu codooyay golaha wakiiladu.

Hase yeeshee Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka hadlay hawlihiisa shaqo ee xilagn xilka loo magcaabay iyo xilkii uu hore u hayay ayaa sheegay inuu Golaha Wakiiladda u balan qaadayo inuu ka soo bixi doono shaqadan wasiirnimo ee loo magacaabay isla markaana uu madaxweynaha ka kaalin doono gudashada xilkiisa.
Wasiirka Madaxtooyaddu waxa uu sidaasi ku sheegay maanta hadal kooban oo uu ka jeediyay fadhigii Golaha Wakiilada ka hor intii aan la ansixin.
Wasiirku waxa kale oo uu sheegay arrimaha siyaasada kaalin ka qaadan doono waxaanu ka waramay farqiga u dhaxeeya xilkan wasiirnimo iyo Chief of cabinet-kii.
Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo la hadlayay Mudaneyaasha Wakiilada waxa uu yidhi “Salaan ka dib, waxaan halkan (Golaha) u imid waa dastuuri in Wasiirradu ay yimaadaan Golaha marka la magacaabo si looga ansixiyo oo loo xalaaleeyo shaqada ay qaranka u qabanayaan. Kalmadda halkan la iga siiyay waxaan filayaa inay tahay inaan sheego shaqada aan qabanayo maadaama oo aqoontayda iyo waayo aragnimadayda laga akhriyay Golaha hortiisa. Waxa madaxweynaha Somaliland ii igmaday xilkan si waafaqsan Qodobka 94-aad ee dastuurka Somaliland oo odhanaya Wasiirraddu waxay ka caawinayaan ama ka kaalmaynayaan Madaxweynaha xilkiisa sida qodobkaasi ku cad waxa madaxweynuhu ii igmaday inaan ka kaalmeeyo shaqadiisa.”

“Shaqada aan qaabilsan ahay ee Wasiirka Madaxtooyaduna waxay tahay inaan agaasimo, isku dubo-rido, qorsheeyo u diyaariyo Madaxweynaha hawl maalmeedkiisa shaqo ee xafiiskiisa xidhiidhiyana xafiisyada la xidhiidha madaxtooyada,”ayuu yidhi Wasiirka madaxtooyadu.
Waxaanu intaasi ku daray “Waxaan rajaynayaa in xilkayga shaqo uu yahay mid siyaasadeed oo Madaxweynaha ka kaalinaysa shaqada uu Hoggaamiyaha ka yahay, waxa is bedelaya shaqadii xafiiskii aan hore uga shaqayn jiray ee Chief of cabinet-ka oo aan ahaa madaxa shaqaalaha madaxtooyada. Waxa isbedelaya inaan awood u yeesho inaan ka hadli karo, cabiri karo oo aan u guntan karo hawlaha siyaasadeed halka markii hore shaqadaydu ahayd shaqo ku koobnayd madaxtooyada ayna ka baxsanayd arrimaha siyaasada.”
“Golahan markii u horeysay ee aan hor imaado ma aha, waxaan hor imid anigoo Komishan Doorasho ah, waxaan kala kulmay inay shaqadii igu adkaato waxaanan si iskay ah u iclaamiyay xiligaasi inaan ka tagay. Waxaan shaqadan maanta aan rajaynayaa inaan ka soo baxo. Siday ay Gudida arrimaha guduhu u yidhaahdeen wuu u qalmaa shaqadan. Waxaan qabaa inaan u qalmo shaqadan oo aan qaban karo waxaanan rajaynayaa inaan arrimaha qaranka kaalin mugleh ka qaato,”ayuu yidhi Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan ka dibna waxa mudaneyaashii ay mar qudha isla oogsadeen oo ay u garaaceen sacab aad u badan.

Araweelonews Mobile  Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *