Korodhka Xawliga Ah Ee Ajaanibka Kusoo Qul-qulaya Somaliland Oo Hafiyay Shaaracyada Magaalooyinka Waaweyn , Xeerkii Lagu Maamuli Lahaa Oo Laalan Iyo Saadaasha Sannado Kadib Faaqidaadda Araweelonews

Download MVC-003S.JPG (50.8 KB)

Hargeysa(ANN)Kumanaan qof oo ajaanib soo galooti ah ayaa sannadii u danbeeyay kusoo qul-qulayay Somaliland, gaar ahaan magaalooyinka waaweyn, waxaana six ad dhaaf ah looga dareemayaa korodhka dadkaa nolol raadiska ah suuqyada magaalada caasimada ah ee Hargeysa. Xukuumaddahii

 

Somaliland ee kala danbeeyay  ayaa ku guul daraystay inay qorshe iyo nidaam u sameeyaan dadkaa oo aan wax sharci ah kusoo gelin dalka, isla markaana saamayn ku yeeshay dhinacyada shaqooyinka, Caafimaadka iyo nabadgelyadaba, mana jirto tiro rasmi ah ee la ogyahay oo ku saasabsan dadkaa oo kasoo gala maalin walba xuduudaha Somaliland la leedahay dalalka jaarka sida Ethiopia, Somalia iyo meelo kale.

Download MVC-007S.JPG (50.8 KB)

 

 

Dadka oo ku shaqaysta xirfado kala duwan, waxay qaarkood qabtaan shaqooyinka hoose ee adeegyada guryaha sida nadiifinta  iyo ilaalinta, qaar kalena waxay ka hawlgalaan shaqooyinka dhismayaasha oo shaqada inta baddan ugu dhaqdhaqaaqa baddan dalka ah. Laakiin waxa jira kuwo kale oo iyagu ku shaqaysta xirfado kale oo ka duwan kuwaa, waxayna iyagoo koox koox u socda soo galaan suuqyada magaalada Hargeysa, iyagoo wata caruurtooda, halkaas oo ay dewersi ka bilaabaan, halka kooxo iyaga ka mid ahina xaafadaha ku firdhaan iyagoo albaabada garaacaya oo aan meelna dhaafayn. Kooxaha noocan ah mararka qaar haddii aanu qofku hore dalka u joogin wuxuu u malayn karaa inay wadaan mudaharaad marka uu arko qaabka ay isu daba guurayaan, ama waxaad u malayn kartaa dad soo qaxay oo guuraya, iayagoo caruurtooda iyo haylohooda ku raran.

 

Laakiin waxa jira kuwo kale oo iyagu ku shaqaysta xirfado cabsi baddan ku abuuray bulshada Somaliland, kuwaas oo isticmaala sixirka iyo waxyaabo la mid ah oo ay ku kaxaystaan dadka, gaar ahaan hablaha yar yar,  ama ay hanti kaga dhacaan. Sidoo kale waxay sameeyaan foojari, Waxaana kooxdaa ay marar baddan qabteen Boolisku, tusaale ahaan  sannadkii 2005-tii ayay Booliska Somaliland  soo bandhigeen 19 musixir oo ay gacanta ku dhigeen, oo isugu jiray Ethiopian   Iyo Somaali ka soo jeeda Gobolada Bay iyo Bakool, balse taasi meesha kama saarin inay kooxdaasi ka caagaan Somaliland, waxayna ka mid yihiin dadka maalin walba kusoo qul-qulaya Somaliland.

Download MVC-005S.JPG (53.2 KB)

Hase yeeshee qaar baddan oo ka mid ah dadkaa ajaanibka gaar ahaan kuwa dhinaca Ethopia oo meherado Café-ga lagu cabo iyo Doobiyada dharka lagu maydho  ka samaysatay meelo baddan ayaa hada mudooyinkan kusoo kordhiyay goobaha Timaha  lagu jaro iyo Laxooxda ay caanka ku tahay Ethiopia ee Canjeelo xabashi, kuwaas haysta suuq xaami ah, isla markaana aad loo danaynayo in wax laga cuno rag iyo dumarba oo goobahaasi noqdaan saxmad. “Qiimaha ay ku iibinayaan haddii ay Ethiopia joogaan kumay iibiyeen, waa la xidhi lahaa.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadka Ethiopian-ka ah, balse ka cadhaysan qiimaha ay ku iibiyaaan oo doonayay inuu dadka Soomaalida ah dareensiiyo, laakiin weedhahaa may dhegaysanayn dadka goobta joogay oo iyagu xiisaynayay cuntada xabashida ee mid ka mid ah goobo baddan oo magaalada hargeysa ah lagu sameeyo.

 

Download MVC-003S.JPG (50.8 KB)

 

Muwaadiniinta Somaliland ayaa marar baddan ka cawday in dadka ajaanibka ee kusoo qulqulaya dalka loo sameeyo qorshe oo ay xukuumadddu xamayso, iyagoo tilmaamaya inay dhaqaalle ahaan, caafimaad ahaan iyo nabadgelyo ahaanba khatar ku yihiin dalka, isla markaana haddii ay sidan kusii socoto ay sannadaha soo socda ka badanayaan tira ahaan bulshada ku dhaqan dalka oo ay ku doodi doonaan inay yihiin muwaadiniin u dhashay, waxayna dadka sidaa ku doodaa tusaale usoo qaataan muuqaalka dadkaa oo caruuro baddan wata oo shaaracyada buuxiyay iyo sida maalinba maalinta ka danbaysa ugu dhiiranayaan inay mararka qaar weeraro ku qaadaan xaafad kale, iyagoo isu arka in aanay cidna ka lahayn dalka.

Ma jiro xal ilaa hada loo hayo qaabkii loo qorshayn lahaa dadkaa, waxayna xukuumadda cusub ee Madaxweyne  inay xakamayso dadka ajanabiga ah ee ku soo qulqulaya dalka, kuwaasi oo culaysyo nabadgelyo iyo dhaqaale ku haya shacbiga dalka.
Maalin walba waxa nolol maalmeedka magaalooyinka waaweyn ee Somaliland dhaqan iska caadi ah ka noqday in ay dalka si sharci darro ah ku soo galaan dad shisheeye ahi, kuwaasi oo aanay wax talaabo ah ka qaadin Haa’yadaha Socdaalka dalku.

Dadka ajanabiga ah oo u badan qoomiyada oromada ee dalka Itoobaiya, waxay ka dawarsadaan jidadka waaweyn ee magaalooyinka iyo goobaha faras magaalayaasha ah, waxana ay u badan yihiin dumar iyo carruur.

Download MVC-006S.JPG (46.4 KB)

 

 

“Dadka dawarsanaya ee ka imanaya dalka Itoobiya, waxay u baahan yihiin in wax laga qabto oo lagu celiyo dalkoodii ama Haa’yadaha samo-falka iyo xukuumadu ay u furaan xeryo qaxoonti oo ka baxsan magaalooyinka dalka”Sidaa waxa yidhi  qof meherad  kuwa shaaha laga cabo ah  ku haysata goob istaan ah oo ay ka baxaan Basaska dadweynaha ee magaalada Hargeysa. “Waxaa dalka jooga shaqaale ajanabi ah oo cidhiidhi galiyey Shaqaalihii Wadanka, iyada oo maanta dalka laga dhisaayo saro-dhaadheer,  isla markaana ay shaqada gali lahaayeen  boqolaal muwaadiniin ahi” sidaana waxa yidhi Guddoomiyaha ururka Dhismaha  Cabdi Axmed oo kulan bishii May lagu qabtay Hargeysa ka hadlayay. Wuxuuna isagoo sawiraya dhibaatada mustaqbalka ee dadkaa haddii aan qorshe loo samayn yidhi,  “waxa maanta dalka inala jooga dadkii dalkan soo galay  1991 kuwaasi  oo maanda caruurtii ay ku dhaleen ay yihiin rag hana- qaada (qaan-gaadh),  isla markaana inagula dacwiyaya dalka waxaan u soo jeedinayaa xukuumada Somaliland in dadkaasi wax laga qabto”

 

Download MVC-004S.JPG (52.0 KB)

 

Sidoo kale waxay dad badani rumysan yihiin inay dadka ajaanibka ah ee sida sharci darada ah usoo geliya Somaliland ay horseed u noqon karaan xanuunada khatarta ah ee faafa oo ku baddan meelaha ay ka yimaadaan, maadaama aan cidina xataa hubinayn xaaladooda caafimaad,  “Dadka ajanabiga ahi waxay bulshada ku leeyihiin saamayn caafimaad waxana ay fidin karaan cudurada faafa, ee HIV/AIDS-ku ka mid yahay markaa waa in nalaga qabtaa” sidaana  waxa ku dooday  ka mid ah dadweynaha magaalada Hargeysa,  gaar ahaan  xaafada ay sida weyn u hanteen dadkaasi  ee  [State House] oo ah meelaha ay ugu badan yihiin dadka shisheeyaha ah ee ku sugan magaalada Hargeysa oo hoy u ah boqolaal qoys.
Dawladda Ethiopia ayaa bilihii lasoo dhaafay sheegtay inay dadka muwaadiniinta u dhashay dalkeeda ee ku sugan Somaliland yihiin ilaa 100, 0000 (boqol kun). Waxyna  xafiiska qaramada midoobay u qaabilsan qoxootiga oo kaashanaya   wasaarada arrimaha gudaha Somaliland mudadaa bilawday inay dadka qowmiyadaha Ethopia ee ku sugan  Somaliland ku sameeyaan diiwaan gelin iyagoo u sheegaya in la celinayo. Laakiin taa waxba kama suurta gelin, isla markaana xafiiska u qaabilsan wasaaradda arrimaha gudaha oo marar baddan weriyayaal ka socday shebekada Araweelonews isku dayeen inay u sheegaan wixii kasoo baxay natiijada diiwaan gelintaa iyo halka ay ku danbaysay hawshaasi ayaa ka gaabsaday inay tafaasiil ka bixiyaan arrimahaa ajaanibka ku sugan Somaliland.

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa xiligii Ololaha sheegtay inay wax ka qabanay dadkaa, waxayna bilihii lasoo dhaafay wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland abaabushay kulan ay kasoo qayb galeen hay’addaha qaabilsab qoxootiga ee dalka ku sugan, kuwaas oo ku doodi jiray in aanay qoxootiga dhinaca Somalia ka yimi u aqoonsanayn qoxooti, balse ay yihiin dad dalkooda ku barakacay, taas oo muranka ugu weyn ee Somalialand iyo hay’addahaa u dhexeeyay sannado baddan, waxaana kulankaa laysla qaatay in qorshe loo sameeyo dadkaa iyo kuwa kale ee ka yimi wadamada kale, balse xukuumadda Somaliland ayaa xeer ku saabsan ajaanibka u gudbisay golayaasha sharci dejinta,  kaas oo sida uu ku dooday wasiirka Arrimaha gudaha somaliland Dr. Gaboose oo dhowaan saxaafadu wax ka weydiisay  aan la’aantii wax qorshaha  ah iyo talaabo laga qaadi Karin ajaanibka  ku sugan dalka.
Si kastaba ha ahaatee waxa muuqata inay si xawli ah usii kordhayaan boqolaal  qof oo ajaanib ah oo kasoo gelaya Somaliland  xuduudaha, kuwaas  saamayn ku yeeshay Caafimaadka, Nolosha  iyo amaanka dalka iyo dadka Somaliland, isla markaana saamayn xoogan ku yeelan kara mustaqbalka bulshada ku dhaqan dalka oo ay suurta gal tahay inay ka tiro bataan dhawr sannadood ka dib, isla markaana gabood kasoo dhigtaan dumuqraadiyada ka hana qaaday oo ay qaakood noqdaan muwaadiniin ku tartama doorashooyinka danbe.maadaama aanay jirin wax astaan ama dukumenti ah oo tilmaamaya inuu yahay qof ajaanib ah, ama aanu jirin wax fayl ah oo meel loogu xereeyay.
Faaqidaadda Araweelonews
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

Published
Categorised as Warar

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *