Download Gaas Mcaw...JPG (43.0 KB)

Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ka qeyb galay Aaska Marxuum Jaamac Gaas Macaawiye oo Alla Haw naxariistee ahaa  Wasiirkii Hore ee Gaashaan-dhiga xilal kala duwana kasoo qabtay dawladihii Somalia iyo xukuumaddihii

 

kala danbeeyay ee  Somaliland.
Marxuum- Jaamac Gaas Mucaawiye oo ahaa siyaasi caan ka ah inta baddan dhulka Soomaalida oo magaciisa aad looga yaqaanay, waxa maanta si heer qaran ah loogu aasay xabaalaha Naaso-hablood ee magaalada Hargeysa ka dib markii uu xalay ka geeriyooday  gurigiisa oo ku yaala magaalada Hargeysa, halkaas oo uu la jiifay xanuun mudooyinkii u danbeeyay.
Aaska Marxuumka Madaxweynaha Somaliland ka sokow waxa ka qeyb galay xubno Wasiirro ah, Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eg. Faysal Cali Waraabe, Guddoomiye Ku Xigeenka UCID  Aadan Maxamed Mirre (Waqaf) ,  masuuliyiin ka socday xisbiyada Kulmiye  iyo UDUB iyo Boqolaal ka mid ah dadweynaha ku dhaqan caasimada Hargeysa.
Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID. Faysal Cali Waraabe oo  ka hadlay  aaska marxuumka ayaa sheegay in marxuumku uu ahaa nin mudakar ah oo dalkiisa taariikh badan ku lahaa isla markaana ka qeyb galay hanaankii dib u dhiska qaranimada Somaliland. Wuxuuna dhambaal tacsi ah u diray qoyskii uu ka baxay marxuumku,  waxaanu ILAAHAY uga baryay inuu naxariistii jannadii  ka waraabiyo,  qoyskiisiina samir iyo iimaan ka siiyo.

Taariikh Nololeedkii Marxuumka oo Kooban :-
Marxuum Jaamac Gaas Mucaawiye Waxa sanadii 1933kii ku dhashay Demada  Balidhiig ee Gobolka Togdheer, isagao oo waxbarashadiisiina ku qaatay isla gobolkaa, wuxuuna  sanadii 1951-kii tegey wadanka Engiriiska,  halkaas oo uu ka noqday Badmareen  ama (Badmaax ), sanadii 1957-kii waxa uu Jaamac Gaas ku biiray dhaqdhaqaaqii Gubonimo doonka Somaliland Portectorete,  isaga oo wakhtigaa ku  sugnaa wadanka UK, sannadkii 1960kii ayuu Jaamac Gaas tegey wadanka Ruushka,  isaga oo ka mid ahaa Arkadydii Somalida ee Ruusha siyaasada ku soo bartay, isla markaana mabaadiidii hantiwadaaga ee nidaamka  shuuciyada loo soo tababaray..
Marxuum Jaamac Gaas Mucaawiye waxa uu dalkii Soomaaliya laysku odhan jiray ku soo noqday sanadii 1965kii isaga oo qabatay shaqooyin kala duwan, sanadkii 1979kii ayaa Jaamac Gaas loo magacaabay Gudoomiyhii Boorama, sanadkii 1977kiina waxa loo magacaaabay Gudoomihyihii Gobolka Bakool, intaas wixii ka dembeeyey waxa uu dawladii Maxamed Siyaad Barre ka soo qabtay xilka kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Wasiir iyo wasiir ku xigeen, wuxuuna ahaan Oday Firfircoon oo ka mid ahaa xubnihii ugu magaca dheeraa maamulkii Maxamed Siyaad Barre
Markii ay Somailand Madaxbaaanideeda ku dhawaaqay waxa uu Marxuum Jaamac Gaas xilal kala duwan oo wasiir iyo la Taliye Madaxweyne kasoo noqday xukuumadihii Somaliland eek ala danbeeyay. Wuxuuna soo maray wasaaradaha Gaashaandhiga, iyo Boosaha iyo isgaadhsiinta, waxa kale oo uu Soo noqday  Talayahii Arimaha Gudaha  ee Madaxweynihii hore ee Somaliland. Daahir Rayaale iyo xiligii Marxuum Cigaal. 
Marxuum Jaamac wuxuu guursaday dumar baddan sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka aqoonta u lahaa, wuxuuna ifka kaga tegey qoys balaadhan. Alla hawnaxariistee Marxuumku wuxuu ahaa Oday bulshada Soomaalidu aad u qadariso, isla markaana qunyar socod ah.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office     
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com    
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *