New York (ANN/UN.Org) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku dartay Ganacsadaha Soomaaliyeed  ee Mulkiilaha Shirkadaha adeegyada isgaadhsiinta Hormuud iyo lacagaha  ZAAD. Sidoo kale waxa  liiska lagu xusay ashkhaasta  kale ee laga xayiray hantida ay haystaan

 

iyo dhaqdhaqaaqyada safaradooda.
Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal soo baxay maalintii shalay oo lagu baahiyay bogga guddida golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan la socodka cunaqabataynta iyo  hubka Soomaaliya iyo Eretria . Qoraalkan oo ku qornaa afka Ingiriisida uu nuxur ahaan  u dhignaa sidan:-
“Guddida Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay iyaga oo tixgelinaya qaraarradii 751 (1992) iyo 1907 (2009) ee khuseeyay Soomaaliya iyo Eretria, waxay maalintii shalay ee taariikhdu ahayd 17 February 2012, waxay hal qof ku soo kordhiyeen liiska xubnaha la xayiray safarradooda iyo hantidooda gaar ahaaneed labadaba.
(12) Jim’ale, Ali Ahmed Nur
AKA:  JIM’ALE, Ahmed Ali
AKA:  JIM’ALE, Ahmad Nur Ali
AKA:  JIM’ALE, Sheikh Ahmed
AKA:  JIM’ALE, Ahmad Ali
AKA:  JIM’ALE, Shaykh Ahmed Nur
DOB: 1954
POB: Eilbur, Somalia
Nationality: Somalia
Alt. nationality: Djibouti
Passport: A0181988 (Somalia), exp. 23 January 2011
Location: Djibouti, Republic of Djibouti
Ali Ahmed Nur Jim’ale (Jimcaale) wuxuu door hoggaamineed ka soo qaatay golaha maxkamaddaha islaamiga ah ee Soomaaliyeed, oo sidoo kalena loo yaqaannay midowga maxkamadaha Islaamiga ah, isla markaasna ahaa urur Islaami ah oo xagjir ah.
Xubnihii ugu xagjirsanaa ee Midawga maxkamadaha Islaamiga ah ee Soomaaliyeed waxay markii dambe samaysteen kooxda loo yaqaanno Al-Shabaab.
Guddida Golaha ammaanka ee QM ayaa bishii April 2010 Al Shabaab ku soo rogay cunaqabatayn, iyaga oo tixraacaya qaraarradii khuseeyay Somalia iyo Eretria ee summadahoodu kala ahaayeen 751 (1992) and 1907 (2009).
Guddidu waxay u diiwaangeliyeen Al-Shabaab inay tahay hay’ad ku fooggan falal si toos ah iyo si dadban ba u waxyeellaynaya ammaanka, nabadgelyada, iyo degganaanshaha Soomaaliya, kuwaas oo aan ku xaddidnayn falalka hadimeynaya dawladda ku-meelgaadhka ah ee Soomaaliya.
Marka loo eego warbixinta ku taariikheysan July 18 2011 ee Guddida Kormeerka cunaqabataymaha Soomaaliya iyo Ereteriya (S/2011/433), Jimcaale waxa loo aqoonsansaday ganacsade caan ah iyo xubin ka tirsan meertada ganacsiga dhuxusha iyo sonkorta ee Al-Shabaab, isaga oo sidoo kalena ku macaashay xidhiidhka mudan ee uu la wadaago Al-Shabaab.
Jimcaale waxa sidoo kale loo aqoonsaday inuu ka mid yahay maalgeliyeyaasha waaweyn ee Al-Shabaab, uuna taabacsan yahay afkaartooda iyo mabaad’iida ay ku dhisan yihiin. Jimcaale wuxuu dhaqaale wanaagsan iyo taageero siyaasadeedba u fidiyay Xassan Daahir Aweys oo isaga laftiisu ku jira Liiska Guddida xayiraadaha Soomaaliya iyo Eretria.
Ku-xigeenkii hore ee Amiirka Al-Shabaab Mukhtar Roobow ayaa sidoo kale laga  weriyay inuu isku hawlay xidhiidhin siyaasadeed oo ururka dhexdiisa ah intii lagu guda jiray badhtamihii 2011. Roobow wuxuu ka hawlgalay dedaal uu ku kobcinayo ujeeddooyinka midaysan ee Aweys iyo Jimcaale iyo sii-adkaynta kaalinta ay ku yeelanayaan hoggaaminta Al-Shabaab, inta uu socda dildillaaca ururku.
2007-dii, Jimcaale wuxuu Djibouti ka aasaasay shirkad u daneysa dhaqdhaqaaqyada xagjirka ah, oo loogu yeedhay: “Kooxda maalgashadeyaasha”. Qorshaha dhaw ee kooxdu wuxuu ahaa maalgelinta mintidiinta iyo iibinta hubka, si loo khalkhal-geliyo Somaliland. Kooxdu waxay kaalisay in hub yaryar oo badan laga tahriibiyo Eretria , Djibouti la sii mariyo, deetana sidaas lagu geliyo kililka 5aad ee Ethiopia, halkaas oo ay kooxaha xagjirka ahi ka heleen shixnadda.
Badhtamihii 2008, Jimcaale wuxuu sii waday inuu ka hawlgalo kooxda maalgashadayaasha. Dabayaaqadii September 2010, Jimcaale wuxuu aasaasay adeegga ZAAD oo ah lacago la isugu xawilo Moobaayllada, waxaanu heshiis kula ahaa Al-Shabaab, si lacagaha laysku dirayaa u noqdaan kuwo bilaa summad ah, iyaga ka baxsanaya in la ogaado aqoonsiyada cidda lacagta dirtay i.w.m.
Dabayaaqadii 2009, Jimcaale wuxuu yeeshay maalgelin xawaaladeed, taas oo uu ku ururiyay Zakooyin uu ku caawiyay Al-Shabaab.
Jimcaale wuxuu sidoo kale maamulaa Isgaadhsiinta Hormuud. Hormuud waa shirkad loo aqoonsan yahay inay ka mid tahay maalgeliyeyaasha ugu ballaadhan ee Al-Shabaab, isaga oo boqollaal kun oo Doollar u fududeeyay.
Hormuud waxa hawlgeliya dhawr ka mid ah saamleydii Al-Barakaat-dii hore, laakiin Jimcaale ayaa iska leh saamiga ugu badan ee shirkadda. Si taas la mid ah, maamulka Hormuud waxay adeegyo gaar ah oo isgaadhsiineed u fududeeyeen hoggaanka Al-Shabaab, sida, Sheekh Xassan Turki oo ah hoggaamiye milatari oo sidoo kale ku jira liiska xubnaha QM xayiraadda ku soo rogtay.
Hormuud waxay sidoo  kale Al-Shabaab u fidisay kaalmo dhaqaale iyo mid dhinaca  loojistikada ah oo ay ku jiraan hub, rasaas, dagaallyahan khaas ah iyo wixii la mid ah.
Afhayeen u hadlay kooxaha qunyar-socodka Soomliyeed ayaa sidoo kale uga digay dadka Soomaaliyeed adeegsiga Isgaadhsiinta Hormiid, maxaa yeelay, hawlwadeennada Hormuud waxay ka dhegaystaan wada-hadallada Teleefan ee khuseeya Al-Shabaab. Waxa intaas dheer, Hormuud waxay goysaa gebi ahaanba adeegyada Teleefannada, xilliyada ay Al-Shabaab weerarayso ciidamada Taabacsan dawladda kumeelgaadhka ah ee Soomaaliya.” ayaa qoraalka lagu soo gebagebeeyay.
Qoraalka Liiskan oo dhammaystiran waxaad ka heli kartaa:
http://www.un.org/sc/committees/751/pdf/1844_cons_list.pdf.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *