Hargeysa(Arraweelo News)Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Eng. Xuseen Cabdi Ducaale ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay ujeedada safar uu maanta ugu baxay dalka South Afrika oo uu kaga qaybgelyo

Shirkii labaatanaad ee (INDAPA Convercenance) oo ah mid  heer Caalami ah oo lagu qabanayo dalka Koonfur Afrika,  isla markaana lagu  falanqaynayo macdanta iyo kheyraadka Dunida.
Shirkaa oo markii u horaysay si rasmi ah loogu martiqaaday Somaliland, wax aka qaybgelaya in ka badan Labaatan dal oo Afrikaan ah, sideed dal oo kuwa ugu waaweyn ee dhinaca dhaqaalaha ku horumaray iyo ku dhowaad sideed boqol oo wakiilo iyo khuburo ka socda shirkado caalami ah, maalqabeeno caan ka ah dunida iyo Aqoonyahano ku xeel-dheer dhinaca khayraadka ku jira dhulka iyo macdanta oo ka socda Machadyo caalami ah. Shirkaa oo soconaya 2 Feb, 2014, ilaa 6 Feb, 2014.

Wasiirka Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Somaliland Eng. Xuseen Cabdi Ducaale oo warbaahinta la hadlay ka hor intii aanu ka dhoofin dalka, isagoo usii jeeda dalka Koonfur Afrika ayaa sharaxaad ka bixiyay ahmiyada shirka iyo sida ay uga qeyb galeyso Somaliland, wuxuuna xusay in dunida Shirkadaha ugu waawayn ee maalgashiga macdanta iyo khubarada ugu waaweyn Caalamka ee aqoonta u leh juqraafiyada iyo macdanta dalalka Aduunka ay ka qaybgelayaan.

Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland  Eng. Xuseen Cabdi Ducaale waxa uu sheegay in shirar badan ay hore oo lagaga hadlayay Macdanta iyo khayraadka dunida ka qaybgaleen, balse uu shirkan hadda yahay mid ka duwan kuwii hore  oo rajaynayaan inuu fursad weyn u noqdo Somalialnd, wuxuuna isagoo ka hadlaya arrintaa yidhi, “Waxaan maanta idiinku yeedhay inaan halkan ka sheego Shir heer Caalami ah oo Somaliland markii u horeysay lagu martiqaaday,  Shirkaa oo ah Shirkii labaatanaad ee lagu gorfeynayo Macdanta Aduunka oo lagu qabanayo dalka Koonfur Afrika.

shirkan shirkii ka horeeyay waxa kasoo Qeyb galay dad gaadhaya sideed kun oo qof(8000) iyo ilaa kun iyo shan boqol oo Shirkadood, waxa la filayaa shirkana in ay kasoo qeyb galayaashii hore ka bato dhinaca shirkadaha iyo dadka lagu martiqaaday,waana markii u horeysay ee Somaliland lagu martiqaado si meeqaam sare ah waxa kasoo qeyb galaya todoba iyo tioban dal oo Afrikaan Wasiiradooda,ictiraafka aynu raadinaynaa iska iman maayo isagoo bileydh dahab ah saaran, waxa la inooga baahan yahay in aynu meel walba u marno oo Shir walba ka qeyb galno oo Shirarka caalamig ah ee noocan oo kale ah aad ka Qeyb gashaa”Ayuu yidhi Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland.

“Wey jireen runtii Shirar badan oo aanu ka qeyb galnay oo ahaa Shirar waaweyn oo wadamada Carabta iyo dalalka Afrika iyo Dunida kaleba lagu qabtay, kuwaas oo aan runtii laga aqoon markii hore Somaliland laakiin aan fursada uga faa,ideysanay oo aan Somaliland kusoo bandhignay sidaa
Awgeed waxyaabaha aan doonayo inaan Shirkaa (IDAPA) ka sheego ma aha kheyraadkeena oo kaliya ee waxa kamid ah Maamul Wanaageena Nabaedgelyadeena, iyo Dimuqraadiyadeena iyo Waxyaabaha wanaagsan ee hurmarka ah ee kajira dalkeena Somaliland, maanta waxa sharaf inoo ah in ay dalkeena joogaan oo aynu heshiis la sexeexanay Afar Shirkadood oo waaweyn oo ah kuwa soo saara Batroolka hadaynu qol madow wax kaga sexeexanay inoo may yimaadeen Shirkadahan Shirkadihii bartoolku meel fiican ayay noo mareysaa, wey jiraan Shirkado badan oo danaynaya in ay dalkeena yimaadaan,  wey jiraan laakiin mid walba ma ogolaanayno waxaynu u eegeynaa sida ay ina farayaan Shuruucda Caalamiga ahi inta dal ee ay kasoo shaqeeyeen,  heerkooda Maallgashiga iyo awoodoodaba waana sida uu i faray Madexweynaheena Qaranku Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo), in shuruucda lagu hagayo khayraadka iyo Batroolka dalkeenu ahaado mid Caalamiya”Ayuu yidhi Wasiirku.

Waxa kale oo Wasiirka Wasaarada Macdanta iyo Tamrta Somaliland Eng.Xuseen Cabdi Ducaale intaa ku daray in uu ku faraxsanyahay in Somaliland shirkaa Caalamiga ah lagu casuumo oo uu rajaynayo inuu guul kasoo hoyooyo.

Eng. Xuseen Cabdi Ducaale Wasiirka Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Somaliland oo ka jawaabayay su,aal laga weydiiyay asbaabaha dib u dhigay inay si rasmi ah u howlgalaan Shirkadaha Macdantu ee Wadaniga iyo ajaanibka ah, wuxuuna isagoo taa ka jawaabaya sheegay in ay dadka Reer Somaliland fikir ahaan qabaan in Macdantu ka fududahay soo saarista Shidaalka, haseyeeshee aanay xaqiiqdu ahayn sidaa maadaama soosaarista Macadantu ka howl iyo dhibaato badan tahey kana adag tahay soo saarista Shidaalka sidaa daraadeedna loo baahan yahay, in la hubiyo oo si qoto dheer loo faaqido maalgashiga ay ku samayn karaan shirkaduhu hawla habaadhista iyo soo saarista Macdanta oo uu xusay in ay tahay hawl adag sidaa awgeed ay runtii Shirkadaha ee loo bahanyahay noqdaan kuwo kharashooda iyo qalabkoodu u dhameys tiran yihiin oo natiijo fiicana ka gaadhi kara, isagoo Wasiirku xusey inaan marnaba la odhan karin waa kuwii aduunka ugu fiicnaa oo ay jiraan duruufo badan, balse ay  yihiin kuwa isku filan oo raad fiican leh.

Sidoo kale waxa isaguna Shirkan jaraa,id hadal kooban ka jeediyay Agaasimaha Waaxda Macdannta ee Wasaarada Macdanta iyo Tamarta oo Sheegay in uu hore uga qeyb galey Shir lagu qabtay dalka South Afrika, balse  aanu shirkan oo ah mid heer caalami ah ka qaybgelin.

Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Eng. Xuseen Cabdi Ducaale ayaa mudadii uu xilka wasaaraddaa hayay ka qaybagalay shirar dalal kala duwan oo dunida ah lagu qabtay, kuwaas oo dhamaantood qayb ka ahaa dedaalkiisa, isla markaana lagaga hadlayay sidii khayraadka dihin looga faa’idayn lahaa dalalka saboolka ah, balse shirkan ayaa si weyn uga duwan kuwii hore ay uga qaybgashay Somaliland sida uu xusay wasiirku, wuxuuna ku tilmaamay in ka sokow khayraadka macdanta ee lagaga hadlayo shirkaa uu qudbadiisa oo labaaatan daqiiqo ah uga faa’idaysn doono horumarka Somaliland ee dhinacyada amaanka, dumuqraadiyada iyo nidaamka dawliga ah ee ka jira oo u baahan aqoonsiga iyo taageerada beesha caalamka.
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *