Cabdiriqaas1Washington(Araweelo News Network) Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka mid ahaa Raii’salwasaaraashii soo maray Somalia lixdanaadkii ayaa ku geeriyooday dalka Maraykanka. Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo

 

haatan dadiisa lagu qiyaasay sagaashan jir, wuxuu maalmihii u danbeeyay ku jiray Cusbitaal ku yaal cariga Maraykanka.

Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ahaa siyaasi si weyn looga yaqaanay geyiga Somaalida, ayaa Maydkiisa maalmaha lakeeni doona magaalada Muqdisho, iyadoo aas qaran loo samaynayo.

Wuxuu Raysal Waasare ka noqday dawladii 1964-tii kadib markii ay dal weynihii laysku odhan jiray Jamhuuriyadii Somalia ay ka dhacday doorashdii guud ee 1964-tii, taas oo Madaxweyne lagu doortay Adan Cabdulle Cismaan.

Raysl Wasaaraha geeriyooday waxa xukunka kala wareegay Cabdirishiid Cali Sharmaarke, oo Ra’iisalwasaare ahaa markii xornimada la qaatay 1960-kii. Cabdirisaaq Xaaji Wuxuu xukunka haayay laba sanno iyo badh ilaa1967dii.
Ka hor intii aanu Ra’iisalwasaare noqon wuxuu noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha, iyo Wasiirka Boostaha iyo Isgaadhsiinta markii xornimada la qaatay 1960kii.

Raysal Wasaare Cabdirisaaq Xaaji Xueen ayaa kasoo jeeday deegaanka Gaalkacyo, balse wuxuu ku dhashay deegaanka Nugaal ee dhinaca Sool, wuxuuna ka mid ahaa dadkii siyaasada kasoo galay xisbigii SYL ee dalka xukumay, kaas oo ay inta badan dadka xubnaha iyo xilalka ka haya ee isu balaadhiyay xilalkii qaranka u badnaayeen kuwo aan waxna qorin waxna akhiriyin, wuxuuna SYL ka ka noqday  gudoomiye.

Dadka aqoonta u lahaa Marxuumka ayaa sheegay inuu mudadii uu xilka hayay isku dayay inuu la dagaalamo musuq-maasuqa iyo inuu wax ka bedelo sida dowladda ay u shaqayso, balse waxa arrintaa si weyn uga horymi cunfigii iyo guuldaradii majar habaabisay midnimadii aan heshiishka lahayn ee u dhaxaysay Koonfurta Talyaanigu gumaysanayay  iyo Somaliland oo markii ay xoriyadeeda ka qaadatay Boqortooyadii Britain, caqabadaha iyo lugooyadii ay Somaliland kala kulantay midnimadaa ayaa sababtay inqilaabkii dhicisoobay ee 1964, kaas oo ay isu dayeen saraakiil kasoo jeeda Somalilad.
Siyaasiga geeriyooday Cabdiriraaq Xaaji Xuseen ayaa ka mid ahaa siyaasiyiinta iyo shaqsiyaadka kasoo jeeda Somalia ee sida weyn uga soo horjeeda jiritaanka iyo qaranimada Somaliland, wuxuuna dhowaan mar uu ka hadlayay wadahadalada u socda Somaliland iyo Somalia ee beesha caalamku taageertay ku tilmaamay kuwo gef ah, isagoo canbaareeyay in dawlada Somalia wadahadal la yeelato Somaliland, taas oo uu ku tilmaamay mid aqoonsi ah oo cadaynay in ay dawlada Somalia u aqoonsatay Somaliland dal ka go’an Somalia.
Sidoo kale waraysiyo uu  marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xuseen marar badan ka bixiyay Idaacada BBc-da laanteeda Af-soomaaliga, waxa uu ka jeediyay weedho aanay shacbiga Somaliland jeclaysan oo u muuqday xaqiraad ku waajahan qaranimadooda iyo roolkii ay ku lahaayeen midnimadii burburtay iyo dhacdooyin kale oo siyaasadeed.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *