Hargeysa(ANN)Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi gelinta Somaliland ayaa ka hadlay cabasho  ka soo yeedhay 58 shaqaale ah oo ka tirsan TV-ga  Qaranka,  kuwaas oo ka cabanayay in mushaharkoodii laga hakiyay,  ka dib markii

ay saxeexi waayeen buug  ay dhawaan wasaaraddu soo rogtay in shaqaaluhu saxeexaan, balse ay shaqaaluhu ku doodeen in la doonayo in la musuqmaasuqo mushaharkooda, taas oo muran ka dhex abuurtay shaqaalaha iyo masuuliyiinta wasaaradda, gaar ahaan agaasimaha TV-ga qaranka.
Hase yeeshee qoraal saxaafada loogu tala galay oo aan cidina ku saxeexnayn ayaa  laga soo saaray Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi gelinta maanta, kaas  oo  lagu sheegay in mushaharka shaqaalaha loo hakiyay si loo hubiyo kuwa shaqadooda ka soo baxa iyo kuwa sag-saaga ah.
waxa kale oo wasaarada Warfaafintu ay ku hanjabtay inay talaabo adag ka qaadi doonto wax ay ugu yeedheen shaqaalaha aan xilkooda gudan.
War-saxaafadeedkaasina  wuxuu u qornaa sidan:-
“Iyadoo la tixgelinayo lana raacayo nidaamka isbedel ee saacadaha shaqada la soo galo, loona baahan yahay in waxqabad dhab ah oo la taaban karo ay ka muuqdaan wasaaradda warfaafinta iyo wacyi -gelinta hawlaheeda kala duwamn , ayaa waxa lagama maarmaan noqotay in wasaaraddu soo saarto war-saxaafadeed ku lug leh arrintan oo u dhigan sidan.:
War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta , waxa uu farayaa dhammaan shaqaalaha iyo madaxda wasaaradda inay dhawraan saacadaha shaqada , gaar ahaan ta wasaaradda oo hawlaheeda shaqo ku saleysan yihiin kaltan shaqo, sidaa darteed waxa looga digayaa in cid allaale cidii u gudan weyda hawsha loo xilsaaray sida ay tahay laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan. War-saxaafadeedku waxa uu intaa ku darayaa in shaqaalihii laga hakiyey mushaharka ee Telefishanka ay ujeeddadu ahayd in la kala hubiyo qofka shaqeeyey iyo ka aan sooba shaqo tegin , waxana la siiyey digniin intii gudan weyday xilkooda, waxanu warsaxaafadeedku uga digayaa in aanay dib dembe xil gudasho la’aan ugu kicin.” Ayaa lagu yidhi qoraalka.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail. info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *