Wasiirka Macdanta Somaliland Oo Golaha Wakiiladda U Sharaxay Ahmiyada Maalgashiga Shidaalka, Heshiisyada Xukuumaddu Gashay Iyo Guulaha Uu Kasoo Hooyay Xilka Uu Qaranka U HayoHargeysa(Araweelo News Network)Wasiirka Macdanta Iyo Tamarta Dr. Xuseen Cabdi Ducaale ayaa ayaa sheegay inuu marar badan la kulmay gudida Golaha Wakiiladda ee wasaaraddiisa la xidhiidha, isla markaana uu gudidii dhowaan la magcaabay ee

 

golaha oo bedelay gudidii hore shalay kulan la yeeshay, kuwaas oo xidhiidh fiican iyo wada shaqanyn ka dhaxayso sida uu xusay.

Wasiirka oo saaka hortegey Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa sharaxaad ka bixiyay heshiishyada Xukuumaddu la gashay shirkaddaha shisheeye ee shidaalka. Sidoo kale waxa uu sharaxaad ka bixiyay ahmiyada ay heshiishyada maalgashi u leeyihiin horumarka dalka Somaliland iyo guulaha uu kasoo hooyay mudadii uu xilka hayay wasaaradda Macdanta iyo Tamarta, wuxuuna xusay ka hor intii aan laga jarin qaybta Biyaha uu dedaal dheer u galay sidii loo heli lahaa Biyo. Sidaa awgeed uu ku guulaystay in mashruuc malaayiin dolar ah oo dhinaca Biyaha uu keenay dalka, kaas oo hawshiisu hada socoto.

Dr. Xuseen waxa uu sheegay in Wasaaraddiisu markii hore ahayd wasaaradda Macdant,  Biyaha iyo Tamarta, balse lixbilood ka hor Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) sameeyay isku shandhayn, isla markaana sameeyay Wasaarado cusub oo gaar laga dhigay wasaaradda Biyaha, sidaa awgeed anaga hawshaa Biyuhu way naga wareegeen ayuu yidhi Dr, Xuseeen.
Wuxuuna xusay mudadii Wasaaraddiisa ay hoos imanayeen Biyuhu ay guul weyn kasoo hooyeen sidii loo heli lahaa Biyo iyo Ceelal Biyood.

Wasiirka arrimahaa sharaxaad ka siinaya golaha wakiiladda waxa uu yidhi, “Wasaaradda aan hada masuulka ka ahay Magaceedu waa wasaaradda Macdanta iyo Tamarta oo ay shaqadeedu ku eegtahay, markaynu ka hadlayno tamarta waxa hoos imanaya shidaal baadhis, horumarinta iyo kala xadaynta Korontada aynu isiticmaalo, dhalinteeda Gudbinteeda iyo qaybinteeda.”
Warbixin Dheer oo Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland ka jeediyay golaha wakiiladda iyo su’aalaha laga weydiiyay ee uu jawaabaha ka bixiyay halkan ka dhegayso Riix
info@araweelonews,com
jaamac132@gmail.co

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *