Muqdisho(Araweelo News Network)Weerar  lagu qaaday Ciidamada Djibouti ee hawlgalka nabad ilaalinta u jooga Somalia ayaa sababay khasaare. Kadib markii Kolanyo Ciidamadaa ah oo watay gaadiidka gaashaaman

jidgooyo loo galay maanta iyagoo usii jeeda dhinaca Magaalada Beled Weyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ma jiraan warar madaxbanaan oo sheegaya khasaaraha weerarkaa iyo cida ka danbaysay, balse Hawlgalka Jidgooyada oo ka dhacay duleedka Kala-baydh ayaa la sheegayaa in ay sameeyeen Al-shabaab, waxayna qaar ka mid ah warbaahinta taageerta kooxda Al-shabaab shaaciyeen in gaadhi ka mid hakuwa ciidamada lagaga gubay Ciidanka Djibouti.

Sidoo kale Qaraxan ayaa lagu beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa dawlada ku meelgaadhka ah eek u sugan Jawhar, kaas oo sababay sida ay sheegayaan wararku khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.
Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxaa ay ku dhinteen lab aka mid ah Ciidanka Dawlada, isla markaana tiro kale dhaawac kasoo gaadhay.
Qaraxaa ayaa loo qabtay dad looga shakiyay in ay lug ku lahaayeen, waxayna Ciidamada Amaanku hawlgalo ay sameeyeen qaraxa ka dib  xidheen ilaa shan qof rayid ah.

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *