Hussein-SpeechINDAPA(1)Hargeysa(Araweelo News Network)Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Mudane Xuseen Cabdi Ducaale oo kusoo laabtay dalka kadib markii uu ka qaybgalay shirweynaha Caalamiga ah ee

 

Macdanta Aduunka oo ka dhacay todobaadkan dalka Koonfur Afrika, ayaa ka waramay waxyaabaha uu kala kulamay, guusha uu kala soo laabtay iyo waxyaabaha ka yaabiyay ee uu qaar ka mid ah dadkii shirka ka qaybgalay weydiiyeen.

Hussein-Speech indaba-3
Sidoo kale waxa uu sheegay in mudadii uu shirka joogay ka sokow qudbad uu ka jeediyay halkaa ay waraysiyo ka qaadeen qaar ka mid ah kuwa ugu caansan warbaahinta aduunka oo ku sugnaa madasha shirkaa, isla markaana uu ku martiqaaday dalka Somaliland shirkadaha ka qaybgalay shirkaa qaarkood iyo madaxda Ururka qaban-qaabiyay shirka Macdanta Aduunka.
somalilandHussein-Speech Indapa-2
Eng.Wasiir Xuseen Cabdi Ducaale oo waxa uu arrimahaa iyo kuwo kaleba kaga waramay markii uu maanta dalka dib ugu soo laabtay , isagoo kasoo degay Madaarka Magaaladda Hargeysa, oo ay ku soo dhaweeyeen, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda iyo shaqaalaha Wasaaraddiisa oo ay hor kacayaan agaasimeyaasha waaxyaha iyo shaqsiyaad kale oo ay asxaab yihiin.
Somaliland minister Hussein-Speech-4

Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale oo qolka nasashada kula kulamay warbaahinta, wuxuu isagoo ka warbixinaya shirkaa iyo guulaha Somaliland uga soo kordhay yidhi,  “Aad ayaan ugu farax sanahay inaan dalkayga  ku soo noqdo anagoo guulweyn ka soo helnay shirkii Dalka Koonfurta Afrika ee aanu tagnay,  waxaanuu ahaa  markii ugu horraysay ee shirkaas  heer dawladeed la inoogu soo marti qaaday oo illaa dhawr iyo sodon Wasiir oo Afrika ah oo macdanta ah ay ka soo qayb galeen,  halka 17 ka mid ah fursad loo siiyey inay ka hadlaan macdanta dalkooda.
Magaaladda Cep Town  ayuu ka dhacay shirku waana mid sannadkiiba mar ka dhaca,  waxaana ka soo qayb galay illaa sagaal kun oo qof y, kuwaas oo isagu jira Dawladdo, Shirkaddo iyo Maal-gashadeyaal, waana shirkii 20-aad ee adduunka ugu weyn ee macdanta ah, waxaana farxad weyn inoo ah inaynu ka  mid noqonay dawladahaas oo calankoodu ka dhex muuqday,  waana wax aad loogu farxo runtii, iyada oo aynaan ahayn dal la aqoonsan yahay in heerkaas la inoogu macsuumo shirka  oo aynu waliba ka hadalno oo aynu waliba ku soo dhowayno shirkadaha ka soo qayb galay wixii khayraad ah ee dalkeena ku jira”

Eng. Xuseen Cabdi Ducaale waxa uu sheegay in mudadii uu joogay halkaa uu waraysiyo siiyey warbaahinta caalamka, isla markaana fursad u helay inuu kulamo uu qadiyada Somaliland ku sharaxayo la yeesho madaxda, maalqabeenada iyo shirkadaha ka qaybgalay, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Waxaana i waraystay warbaahin caalami ah intii aan joogay shirka, kowaas oo ay ka mid yihiin CBC tv oo Telefishan Caalami ah, cctv oo ah tv China laga leeyahay, waxa sidoo kale i waraystay wargeysyo caalami ah, waxaana wax weyn ah in markii ugu horraysay la maqlo dal la yidhaahdo Somaliland shirkaa,  macdantu ma hawl yara oo dawladaha afrika oo dhan ayaa ku loolamaya inay shirkadahaasi waddamadooda  maal gashadaan, laakiin inagu markii ugu horraysay ayeynu ahayn ee aynu ka qayb galnay shirkaasi,  waana shir  fagaare weyn ah oo mageceenu uu baxayo weeyaan,  waxyaalaha la inagu aqoonsanayana waxyaalahaas ayaa ka mid ah, in fagaareyaasha caalamiga ah la inaga helo oo aynu badheedheheena ka sheeganno, runtii taasi way noo suura gashay oo aad ayaan ugu farax sanahay,  in aynu meel aynaan dawlad ahaan hore u gaadhin aynu gaadhnay”

Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta  Xuseen Cabdi Ducaale oo ka hadlayey madaxda uu kulamada la soo yeeshay iyo buug laga qoray shirka oo ay Somaliland ku jirto waxa uu yidhi “Buug ayaa laga qoray shirka oo lagaga hadlayey illaa 17 dal oo ka mid ah dawladaha ka soo qayb galay shirka oo afrika ah oo lagaga hadlayey khayraadka waddankooda, kuwaas ayeyna Somaliland ka mid ahayd,  waxaana somaliland laga diyaariyey qoraal aad u fiican oo lagaga warramayo Somaliland iyo khayraadkeeda.  Shirkaa waxaynu ka helnay muuqaal aynaan hore u lahayn, sababtoo ah waa maal gashi oo fagaare siyaasaddeed ma ahayn aad ayaana la iiga soo dhoweeyey, baaq ayaanan u diray inay dalkeena soo eegaan oo ay il gaar ah ku eegaan, anaga oo ka duulayna inaan wixii la siyaasadaynin, baaq ayaan shirkadaha u soo jeediyey inay dalka maal gashadaan, waxaanan la kulmay madaxdii ka soo qayb gashay oo aan uga warramay Somaliland oo wakhti la siiyey in la wada hadlo, aad ayaanan ugu sharaxay oo qaar ayaa i waydiiyey Somaliland waa xaggee?, markaa waxaan u sheegay in Somaliland tahay dal jira oo muddo 22 sanno jiray, waxaana isoo casuumay hoggaanka shirkaa oo aanu hore isku aragnay oo sidaasi igu soo casuumay, waxaanu sidoo kale is aragnay guddoomiyaha midawga Afrika oo ah haweenay Koonfur Afrikaan ah, waxaanan kala hadlay inay kursi sharafeed Somaliland siiyaan, markaa taasna Wasiirka Khaarajiga ayaan kala hadlayaa,  taas oo aan fursad u helay in aan qadiyadda Somaliland uga warramo” ayuu yidhi Wasiirka Macdanta Somaliland.

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *