Hargeysa(Araweelo News Network)Wasiir ka tirsan xukuumadda Somaliland ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay dhacdooyin uu soo taagnaa oo ka mid ahaa kuwii lagu xasuuqayay shacbiga

Somaliland xiliggii dawladii Milateriga ahayd ee Maxamed Siyaad Barre ee sideetanaadkii.
Maxamuud Axmed Barre (Garaad) ah Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland oo ka qaybgalay kulan ujeedadiisu ahayd sidii loo bilaabi lahaa wareeggii  labaad ee baadhitaanka xasuuqii shacbiga Somaliland loo gaystay oo ay baadhistiisa wadaan urur caalami ah oo magaciisa loo soo gaabiyo EPAF, kaas oo baadhitaankiisa ka fulinaya xabaalo-wadareedyo ku jira Hargeysa, waxa uu si gaar ah uga warramay laba dhacdo oo ka kala dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa oo lagu laayay dad aan wax dambi ah gelin.

“Dadkii sida xaq-darrada ah loogu laayay Muqdisho waxa ka mid ahaa shan nin, kuwaas oo markii la xidhxidhay aannu isku daynay qoladayadii reer Awdal ahayd in aannu raggaas u gurmanno, annagoo leh ninkaasi ayaanu difaacaynaa, waxa dhacday shantaa nin ee xaqdarrada lagu laayey waxaannu isku daynay in aannu soo wada dayno Taliyihii Gaaska Gen. Kaahiye oo ahaa nin aad u wanaagsan warqad buu u qoray qoladii maxkamadda wuxuu yidhi ninkaasi waa askari wanaagsan, dagaalkii 1977-kii (dagaalkii dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya) qayb wayn buu ka qaatay oo darajo ayaa lagu siiyey ee fadlan ha la sii daayo.” Ayuu yidhi Garaad.

Wuxuuna isagoo ka hadlaya wadada uu sheegay in ay u mareen isaga iyo rag kale oo uu ku jiro Xildhibaan Cali Gebilay oo ka tirsan waqtigan golaha Wakiiladda Somaliland isku day ay ku doonayeen in lagu soo daayo raggaa iyo wixii ay kala kulmeen madaxdii ay u tageen yidhi, “ Aniga waxa i diray xeer-ilaaliyihii oo magaciisa la odhan jiray Cumar oo Majeerteen ahaa, wuxuu igu yidhi lacag ka soo qaad (ehelada dadka xidhan), ayaan-darro dadkii way baqayeen in lacagtoodii intay bixiyaan haddana raggii la laayo, dhawr casho ayaan noqnoqonayey oo way suurtoobiwayday, markii dambe wuxuu yidhi aniga iyo Cali Gabiley-gan iminka xildhibaan ah (Golaha Wakiillada Somaliland) oo ahaa Taliyihii maamulka lacagta ee Ciidanka Gaaska, nin kale oo bangiga joogay iyo nin kale oo isna kornayl dhakhtar reer Awdal ahaa oo la yidhaa Saxardiid, intayadaas ayaa ololahaas galnay, kadibna waxa nalagu yidhi ninkii aannu idiin siidayno, annaguna waxaannu ku nidhi ma dhacayso ee raggan sii wada daaya ama wax buu la qabiye iska daaya.” Ayuu yidhi Wasiir Garaad

Sidoo kale waxa uu sharraxay sidii loo dilay sarkaal ka tirsanaa ciidankii booliska Soomaaliya ee xiliggaa oo isaga oo aan wax dambi ah lahayn loo sameeyay kiis been abuur ah kadibna lagu khaarajiyay, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Waxa kale oo jiray nin aan dambiba gelin oo la dilay, ninkaasi wuxuu gaashaanle la odhan jiray Qorane oo wuxuu ku-sime ka ahaa qaybta booliska oo uu markaa haysto Saleebaan Cumar-ku-joo oo markaa tagay Xamar, waxa dhacday maalintii qoladii SNM soo galeen buuraha ayuu Qorane kaxaystay Daraawiishtii oo uu tagay buurtii, waxa jiray nin khabiir ah oo annaga nala shaqaynayey oo isna subaxaasi u kallahay Berbera ayaa baabuurkii uu watay ayey kaxaysteen (SNM) oo buurta la galeen, baabuurkiina halkii baa lagaga tagay, markii uu soo noqday Qorane wuxuu soo kaxeeyey baabuurkii, waxaannu keenay warbixintii oo uu leeyahay buurta ayey galeen qoladii SNM, kadibna Gaani ayaa la soo hadlay ninkii aabbaanduulaha ciidammada ahaa oo warbixintii siiyey, wuxuu ku yidhi yaa ku siiyey warbixintan? Wuxuu ku yidhi Ku-simihii Taliyaha Booliska ayaa warkan noo keenay, Gaani wuu ka cadhooday arrintaasi oo muu jeclaysan oo wuxuu ku yidhi adigoo abbaanduulihii ciidammada ah sidee baad u tidhaa booliska ayaa war ii keenay?

Qorane arrintii ayaa colaad loogu qaaday, kadibna waxa loo sameeyey kiis. Qorane wuxuu hayey 45 isku-joog oo dirayskii Daraawiishta oo u hore u qabtay, dirayskaasi waxa loogu talogalay oo ku  dagaallamayey Hawiyaha iyo Majeerteen-ka si Daraawiishta la iskaga dhigo, waxay arrintaasi saamayn ku lahayd Taliyihii Guul-wadayaasha oo Hawiye ah, dabadeed waxa lala soo hadlay Gaani oo waxa lagu yidhi kiis baanu ku haynaa Qorane oo waa la xidhay, Gaani wuxuu ku yidhi ninkaasi haddii aydaan kiis cad ku hayn ha qabanina, Alle ha u naxariistee Qorane oo lagu tirin jiray xagga dawladda waxa loo sameeyey kiis been abuur ah sidaa ayaana lagu khaarajiyay sarkaalkaa.” ayuu yidhi Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadu Maxamuud Axmed Barre (Garaad) oo ka mid ahaa saraakiishii la socday xaaladihii iyo dhacdooyinkii xasuuqa ka jiray geriyaga Somaliland iyo dadka ku abtirsada ee isir nacaybka loo dilayay waqtigaa.

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *