breakingnews1Muqdisho(Araweelo News Network)Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia iyo sidoo kale Afhayeenka Madaxtooyada iyo Wasiirka Warfaafinta Somalia Mustafa Dhuxuloow oo warbaahinta la hadlay ayaa

beeniyay warar ilaa maanta isa soo taraya oo sheegayay in uu geeriyooday Madaxweynihii Dawlada Federaalka Somalia Xasan Sheekh oo si deg deg ah xaalad Caafimaad loo geeyay dalka Turkiga todobaadkan.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa sheegay in warkaa aanay waxba ka jirin, isla markaana ay daba gelayaan ciddii warkaa faafisay, wuxuuna xusay in Madaxweyne Xasan Sheekh xaaladiisa caafimaad wanaagsantahay.
Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta Somalia Mustafa Dhuxulow oo ka hadlaya wararka sheegaya geerida Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa yidhi,”Aniga ayaa idiin xaqiijinaya xaaladda caafimaad ee madaxweynaha aad bay u hagaagsantahay”ayuu yidhi Dhuxuloow oo warbaahinta Muqdisho lahadlay.
Masuuliyiinta Xukuumadda Somalia ayaa maanta kulan deg deg ah ku yeeshay dhismaha ay Madaxtooyada ee Villa Somalia, kulankaa ayaa wararka qaar sheegayaan in uu sii xoojiyay wararka sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh xaaladiisa wax iska bedeleen oo uu geeriyooday.
Inkasta xukuumadda Somalia beenisay wararka sheegaya geerida Madaxweynaha, balse weli waxa jira dareeno sii xooginaya wararka sheegaya geerida madaxweynaha oo si weyn Magaalada Muqdisho looga hadal hayo, waxaana masuuliyiinta beeniyay warkaa oo siyaabo kala duwan warbaahinta uga beeniyay hadaladoodu abuureen shaki iyo aanay xaaladu ahayn sida ay wax u sheegayaan, balse waxaynu eegi doona wararka danbe ee kasoo kordha warka sheegaya geerida Madaxweyne Xasan Sheekh oo wararka qaar sheegayaan inuu u geeriyooday dhiig madaxda kaga furmay todobaadkan, taas oo sababtay in loola cararo dalka Turkiga oo lagula tacaalayay xaaladiisa caafimaad cusbitaal ku yaal dalkaa.
ainfo@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *