Eng. Xuseen Cabdi Ducaale1Pretoria (Araweelo News Networ) Wasiirka tamarta iyo macdanta ee Somaliland  Eng. Xuseen Cabdi Ducaale oo ku sugan dalka Koonfur Afrika ee  uu ka socdo shirka Andapa ee lagaga hadlayo qaabkii loo horumarin lahaa

 

dhaqaalaha wadamada Macdantu ku jirto, isla markaana looga faa’idaysan lahaa khayraadka dhulka hoostiisa ayaa sheegay inay wadan ahaan Somaliland horumarin doonaan nidaamka looga faa’iideysan karo macdanta iyo khayraadka dalka Somaliland.

Eng. Xuseen Cabdi Ducaale waxa uu sidaa ku sheegay waraysi uu siiyay wakaaladda wararka ee Reuters, wuxuuna xusay in ay aaminsan yihiin in dal waliba ku horumari karo kheyraadka dhulkiisa ku jira oo uu ka faa’iidaysto oo la soo baxo, laakiin gargaarka iyo kaalmada shisheeyuhu aanay ku filayn dhismaha dalka.

“Caawimadu weligeed wax horumar ah ma keento, waana cunaqabatayn la haddoodilay, lacagaha kaalmada ahina maaha dawo xal lagu gaadho…markaa annagu wax yar mooyee ma jirto deeq caalami ah oo aannu toos u helno. Imisa wadan oo Afrikaan ah ayaad garanaysaa oo horumar ku gaadhay gargaar badan oo la siiyo? (Gargaarkaasi) waa habaar, iyadoo dalalka gargaarka ugu badan helaa yihiin kuwa ugu dhibaatooyinka badan,” ayuu yidhi Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland oo waxkusoobartay dalka Maraykanka, isla markaana ku hadlaya siiiqada (American accent), ayuu yidhi weriyaha waraysiga qaaday ee ka socday wakaalada wararka ee Reuters.

Eng. Xuseen Cabdi Ducaale waxa uu sheegay in mudadii uu joogay goobta shirku ka dhacayo uu ka hawlgalay sidii uu uga dhaadhicin lahaa shirkaddaha macdanta ee caalamiga ah in ay tagaan dhulka Somaliland oo hodan ku ah macdanta iyo shidaalka.

Wasiirku waxa uu ku nuuxnuuxsaday in dadka Somaliland ay isku tashadeen. miisaniyad sanadeedka Somaliland-na ay sanad-ba ka xiga sii labanlaabmayso, taas oo ka timaada dakhliga gudaha ka soo xarooda.

Isagoo ka hadlayay mid ka mid ah tiirarka dhaqaalaha Somaliland ku xidhan yahay Wasiirku waxa uu sheegay in lacagta xawaaladaha ee ay dalkooda u soo xawilaan Jaaliyadda Somaliland ee dibadaha ku nool oo sanadkii ka badan hal bilyan oo dollar ay sare u qaaday dhaqaalaha Somaliland.
Wasiirka Macdan oo maalintii doraad gaadhay dalka Koonfur Afrika ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay, iyadoo Jaaliyada Somaliland ee Konfur Afrika u  diyaar garawday soo dhowaynta wasaiirka oo dalka Koonfur Afrika kaga qaybeglaya shir caalami ah oo lagaga hadlayay macdanta aduunka, kaas oo markii u horaysay lagu martiqaaday Somaliland.
info@araweelonews.com

jaamac132@gmail/com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *