araweelonewsLaascaanood(Araweelo News Network) Ciidamada Somaliland oo kaashanaya kuwa dalka Ethiopia ayaa gacanta ku dhigay saqdii dhexe Madixii Hawlgalada Al-shabaab u qaabilsanaa Somaliland iyo Puntland. Kadib

 

markii dhaq-dhaqaaqa sarkaalkaa oo ay indhaha ku hayeen ciidamada Amaanka Somaliland xalay lagu weeraray guri ku yaalay Tuulada Xidh-xidh oo qiyaastii 50km dhinaca galbeed kaga beegan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Cabdullaahi Axmed Maxamed oo lagu naanayso (Carabay) ayaa lagu qabtay hawlgalkaa oo ay ciidamada Somaliland fuliyeen, isla markaana ay dhinaca xadka ka taageerayeen ciidamada Somaliland, iyadoo loo gudbiyay xabsiga magaalada Burco.
Somaliland iyo Ethiopia ayaan wax wara kasoo saarin hawlgalkaa, balse qaar ka mid ah dadka deegaanka Xidh-xidh ayaa u sheegay shebekadda Araweelonews in hawlgalkaa lagu qabtay Cabdullaahi Carabey oo ay walaalo yihiin xildhibaan Dhakool oo ka tirsan golaha wakilada Somaliland, kaas oo marar hore si weyn loogu eedeeyay qaraxyo iyo shirqoolo ka dhacay xarunta gobolka Sool ee Laascaanood oo ay ku nafwaayeen saraakiil isugu jira Ciidamada iyo Hay’addaha dawlada Somaliland ee ka hawlgala gobolka Sool.
“Way jirtaa in la qabtay Ninkaa, balse ma maqal cid kale oo lala qabtay, waxa igu maqaalo ah in keligii la qabtay oo ay baxsadeen raggii kale ee la socday” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadweynaha Laascanood oo kacudur-daartay in magaciisa la shaaciyo sababo dhinaca amaanka ah.
Sidoo kale qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in Sarkaalka la qabtay iyo koox uu watay ay mudooyinkii u danbeeyay maqlayeen in ay ku dhuumaalaysanayaan deegaanka xidh-xidh ee duleedka dhinaca galbeed ee Laascaanood, waxayna wararka qaar sheegayaan in kooxda la socotay Cabdullaahi Carabay ay u baxsadeen dhinaca Buuralayda Gal-gala ee duleedka Boosaaso oo ay ku sugan yihiin Al-Qaidada Buuraha Sil-silada ee uu hogaamiyo wadaadka lagu magcaabo Maxamed Attam, kaas oo weeraro ka fuliya gudaha magaalada Booosaaso, isla markaana marar badan dagaal ku dhexmaray Buuralayda Gal-gala ciidamada maamulka Garoowe ee Puntland.

Dhinaca kale waxa jira warar sheegaya in sarkaalka la qabtay uu mudo dhawr bilood ah oo uu ku sugnaa deegaanka Xidh-xidh iyo Buuhoodle uu doonayay sidii uu xukuumadda Somaliland isugu soo dhiibi lahaa, isagoo doonayay inuu ka baxo kooxda Al-shabaab oo khilaaf sanadkii hore soo dhexgalay, balse ma jiraan warar madax-banaan oo xaqiijinaya inuu watay qorshahaa uu kaga tanaasulay mabda;ii Al-shabaab.
Si kastaba ha haatee sarkaalka la qabtay oo magiciisa rasmiga ah uu yahay Cabdullaahi Axmed Maxamed (Carebey), waxa suurta gal ah in uu lahaa magacyo badan oo qaarkood uu ku hawlgeli jiray sida kooxda Al-shabaab iyo Ururweynaha Al-qaida isticmaalaan, waxaana lagu tiriyaa xubnaha ugu khatarsan dhinaca hawlgalada ay fuliyaan Al-shabaab, iyadoo la rumaysan yahay inuu yahay hogaamiyihii hawlgalada galaaftay in ka badan 30 qof oo isugu jira dad shicib ah iyo saraakiil Ciidamo iyo Hay’addaha dawlada eek a hawlgala xarunta gobollka Sool ee Laascaanood, kuwaas oo ku nafwaayay qaraxyo iyo dilal qorshaysan oo laga fuliyay  Laascaanood intii u dhaxaysay 2009 ilaa 2012.

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *