Hargeysa(ANN)Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland Dr. Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa ka gubtay eedo wasiirka maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi u jeediyay oo nuxurkoodu ahaa inuu si gaara u lunsaday lacag qaranku leeyahay, balse Wasiirka macdanta Somaliland ayaa markii u

horaysay ka hadlay eedahaa, wuxuuna uu waxba kama jiraan ku tilmaamay eedahaa, isagoo sharaxaad ka bixiyay lacagahaa oo sida uu sheegay saxaafada Somaliland qaarba cadad ku tilmaameen.
Wasiirka macdanta iyo Biyaha Dr. Xuseen Cabdi Ducaale oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa waxa uu sheegay in eedaha wasiirka Maaliyaddu u jeediyay  inay yihiin kuwo aanay waxba ka jirin, isla markaana aanay labadoodu weli wax lacag ah ka wada hadlin,  balse aan isaga waxba loola hadhin ee uu ku badbaaday daacadnimadiisa.  Sidoo kale Dr. Xuseen wuxuu  shirkaa Jaraa’id kaga  waramay heshiisyo ay sii ambo qaadeen oo ay ka dhaxleen xukuumaddii hore.
Wuxuuna isagoo sharaxaad ka bixinaya ujeedada shirkiisa Jaraa’id yidhi, Waxaan maanta shirkan jaraa’id u qabtay bal inaan ka jawaabo waxyaabo badan oo beryahan soo noqnoqonayay oo saxaafaddana aad ugu jiray waxaasi wixii uu ku salaysnaa iyo halka ay ka timid inaan idiin faah faahiyo ayaan jecelahay, mudadii tobanka maalmood ahayd ee arrimahani soc-socdeen Saxaafadda waxa ku jirtay arrintan lacag lunsigu waan ka hadli kari lahaa, laakiinse waxaan doorbiday inaan sugo inta uu ka go’aan gaadhayo hanta dhawrihii uu u diray madaxweynuhu oo marka ay soo afjaranto baadhistu aniguna wixii fikir ah ee aan ka qabo aan ka waramo.”
Wasiirka Macdanta iyo Biyuhu wuxuu sheegay inaanu jirin wax uu lunsaday isagoo  yidhi,  “Runtii waa nasiib darro in laygu tuhmo tuugonimo iyo lacag lunsi iyadoo aanay arrintaasi waxba ka jirin,eedaasina ay ka timid masuul aniga oo kale ah, waa eed aad u culus waxaanad lunsan marka lagugu eedeeyo waxay ahayd inuu Wasiirka maaliyaddu ka fiirsado arrintaasi oo uu anigana wax iga weydiiyo, mar qudhana waxba igama uu weydiin arrintaasi. Eedaha noocaas ah markaad qof masuul ah ku oogtid ee ay run noqon waydo markaa adiga laftaada ayaa fal dambiyeed ku jira waana wax maxkamad la iskula gali karo.”
Wuxuuna isagoo dareenkiisa eedahaa loo jeediyay ka hadlaya  yidhi,  “Waxaan idiin sheegayaa daacadnimadda ummadda loogu shaqaynayaa kuma koobna oo qudha masuul kaliya oo dawlada ka shaqeeya, Wasiirka maaliyadda waxba iilamuu hadhin haddii uu arrintaa aadka u culus igu eedeeyay ee waxa iga badbaadisay daacadnimadeyda oo qudha. Waxaana  mar kale ummadda u cadaynayaa inaanay waxba ka jirin eedaha la ii soo jeediyay oo aanan waxba ka lunsan qarankan. ”
Dr. Xuseen Cabdi Ducaale waxa uu ka waramay sidii baadhista hanti dhawruhu ku timi, wuxuuna  yidhi,  “Waxaan u malaynayaa inaan ka duulaayo warbixintii uu shalay saxaafadda u baahiyay hanti dhawraha guud ee qaranku oo ku saabsanayd baadhistii uu ku sameeyay wasaaradda macdanta iyo biyaha, way jirtaa oo hanti dhawruhu masuuliyadiisa weeye inuu qaranka xoolihiisa ilaaliyo. Waxaanu xaq u leeyahay inay markay doonaan baadhaan Hay’addaha dawladda. Laakiin baadhitaanka  shalay soo afjarmay ee hantidhawruhu ka waramay waxay ka timi. Maalintii khamiistii ee shirkii Golaha Wasiirrada ee 15-kii bishan waxa aniga I soo gaadhay in la igu eedeeyay lacag lunsi uu Wasiirka Maaliyaddu igu eedeeyay oo intuu madaxweynaha u tagay ku yidhi,  Wasiirka macdanta iyo biyaha waxaanu ku haynaa lacago uu lunsaday, lacagtaasi oo uu ku shubtay account- dibada ah oo la yidhaahdo DCA oo uu isagu gaar u leeyahay, markii arrintaasi dhacday ayaa haddana waxa I soo gaadhay inuu Wasiirka maaliyaddu sidaasi si leeg u sheegay lix Wasiir oo kula jira Guddida qaban qaabada Miisaaniyada sanadka soo socda oo uu ku yidhi,  waxaan wasiirka macdanta ku hayaa lacago xatooyo ah.”
“ Shirkii ugu dambeeyay Golaha Wasiirrada ee khamiistii hore waxa jiray falanqeyn lagu darsayay heshiis iyo wax ka bedel aan keenay oo ku saabsan shiidaal,markaa arrintan lafteedu way soo noqnoqotay oo hadalkiina way soo gashay. Shirkana waxa fadhiyay 27 Wasiir oo aan anigu 28 ku ahay. Waxa Wasiirka maaliyaddu uu shirka ka sheegay inaan musuq-maasuq ku kacay. Markaasi hantidhawrku baadhistiisa uu shalay soo afjaray waxa amray madaxweynaha Somaliland markii Wasiirku warkaasi keenay. Waxaana daruuri noqotay in si rasmi ah baadhitaan loogu sameeyo wasaaradda. Hanti dhawruhu wixii uu xog ku helay baadhistiina isagaa idiinka waramay,”ayuu yidhi Dr. Xuseen Cabdi Ducaale.
Wuxuuna isagoo ka hadlaya heshiisyada iyo qaabka lacaguhu kusoo galeen yidhi, “Waxaan doonayaa inaan ka hadlo lacagaha wasaaradda soo galay ee khaladka laga sheegay horta wasaaraddu wax heshiis ah oo cusub oo ay gashay ma jirto ee waxay sii ambo qaaday heshiisyadii hore ee aanu ka dhaxalay dawladii naga horeysay, heshiisyadaasi wax ka bedel ayaanu ku samaynay si aanu u dhiiri gelino shaqo hor leh uga bilowno baadhitaankii shiidaalka, markaa heshiisyadaasi wax ka bedelkooda ayuun baanu samaynay, balse maanaan gelin heshiisyo cusub oo aanu shirkado la saxeexanay, waxa weeye lacaguhu waxay ku qeexan yihiin heshiisyada aanu wax ka bedelka ku samaynay waana kuwo u xaroonaya dawladda. Dawladuna lacagaha ay xaqa u leedahay ee ah inay qasnadeeda gashana waxa la yidhaahdaa Royality oo ah waxaynu u naqaano xaqul qalinka taasi oo ah wax aynaan shaqo ku lahayn oo ku dhacda qasnadda dawladda, waxa kale oo jira wax la yidhaahdo ( Service Rent) oo ah kiradda dhulkan ay joogayaan in laga kireeyo,”ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirka oo ka hadlayay lacagan lagu eedeeyay cadadkeeda iyo sidii ay ku timi, ama meelaha ay ka timi wuxuu yidhi,  “Waxa heshiisyada aanu dhaxalay ku qeexan kuna qoran sadex heshiisba lacago yar yar oo loogu tallo galay tayaynta wasaaradda macdanta oo aan aad u badnayn oo ah (Capacity building) oo ah waxay wasaaraddu ku shaqayso si ay horumar u samayso, awoodna u yeelato hawl galadeeda shaqo, runtii lacagtanna oo maalmihii u dambeeyay saxaafadda midba dhinac u jiiday oo ay qaarkood marinayeen nus malyuun iyo Dollar, lacagta laga hadlayaana waa Capacity building laba sanadood is gaadhay oo ah laba meelood oo midiiba tahay konton kun  oo  dolar oo shirkad ka timi, iyo lacag $ 75 kun ah oo iyana shirkad kale ka timi, lacagahaasi isu geyntoodu  waa $ 175 kun oo Dollar markii ay yimaadeen lacagahaasi waxay si toos ah ugu soo dhaceen bangiga dhexe oo Guddoomiyaha baanka ayaa qabtay, aniguna kumaan shuban account gaar ah oo ka furan Djibouti. Lacagtii waxay ku xarootay account wasaaraddu leedahay, hawsha ay wasaaraddu ku qabsanaysaana waa wax iyada u yaalla.” Ayuu yidhi Dr. Xuseen Cabdi Ducaale.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *