Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha Gudidda Diiwaan gelinta Ururadda siyaasadda iyo ansixinta Axsaabta qaranka Cabdirisaaq Jaamac Cumar (Ciyaale), ayaa soo bandhigay tiradda ururada siyaasadda ee is diiwaan geliyay, iyadoo mudadii sharciga ahayd ee loo qabtay ku ekayd shalay 28 Dec 2011.

Ururada ay sheegeen gudidu inay is diiwaageliyaan, kuwaas oo midkiiba shubay $25,000(shan iyo labaatan kun) oo Dollar oo cashuur ah, taas  oo  xeerku waajibinayay inuu bixiyo ururka doonaya inuu ka qaybgalo tartanka doorashada golayaasha deegaanka iyo asxaabta qaranka.
Guddoomiyaha gudidda diiwaangelinta Ururada iyo ansixinta axsaabta qaranka C/risaaq Ciyaale  oo maanta xafiiskiisa ugu waramayay Saxaafaddu wuxuu sheegay inay shalay la soo gabogabeeyay diiwaan gelintii ururadda siyaasadda oo, taas oo  dib loo furi doono toban sanadood ka dib.
Guddoomiyaha Gudidda Diiwaan gelinta Ururadda siyaasadda iyo ansixinta Axsaabta qaranka Mr.  Cabdirisaaq Jaamac Cumar (Ciyaale), wuxuu sheegay oo ka hadlayay magacyada ururadda is diiwaan geliyay ee fursadaa ka faa’idaystay, isagoo  yidhi,  “Waxa buuxiyay foomkii diiwaan gelinta isla markaana bixiyay cashuurtii ururada magacyadoodu yihiin sidan WADANI,DALSAN, UDHIS, NASIYE,NDB, UMMADDA,GURMAD,JAMHUURI,DAMAL,BADBAADO,HORYAAL,RAYS,SSCD,XAQSOOR iyo NUUR.”
Mr. Ciyaalle waxa kale oo uu sheegay inay u gudbayaan wajigii labaad ee lagu sii kala naaqishayay 15 ka urur ee is diiwaan geliyay, waxaanu tilmaamay in laga doonayo inay gobolada dalka ku yeeshaan xafiisyo shaqeynaya oo gobolkiiba ay u diiwaan gashan yihiin illaa kun qof oo xubno ka ah ururadda.
Dhinaca kale tan iyo markii Somaliland lagaga dhawaaqay in dib loo furay tartanka Ururada siyaasada iyo axsaabta qaranka, waxa lagaga dhawaaqay dalka magacyadaa Ururo tiro baddan oo ku dhowaad labaataneeyo ah, balse waxa hada muuqata inay 15 ka mid Ururadaa oo buuxiyay shuruudihii xeerku tilmaamay ee wejiga koowaad ee diiwaangelintu shubeen lacagtii looga baahnaa. Kadib markii ay mudadii xeerku sheegayay ku dhamaatay shalay 28 Dec, 2011.
Waxayna qaar ka mid ah Ururada hore loogu dhawaaqay ee aan bixin lacagta diiwaangelinta maalmihii u danbeeyay qaarkood ku biireen kuwo iyagu shibay lacagtii oo is diiwaangeliyay, waxaana la filayaa in ka hor doorashada golayaasha deegaanka ee la filayo inay dalka ka qabsoonto April 2012, kuwo kale oo hada haysta warqada diiwaangelintu isku biiraan si ay u yeeshaan cudud ay tartanka doorashada ku galaan, iyadoo ay xisbiyadii hore ee qaranka  oo sadex ah la tartami doonaan doorashada golayaasha deegaanka, isla markaana sadexda % 20 ka hela ama tirooyinka ugu baddan afar gobol oo ka mid ah  lixda gobol ee dalka.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *