Hargeysa(ANN)Ciidanka Milateriga  Somaliland ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen oo ay fashilyeen hawlgal koox argagixiso ah oo qorshaynayay weerar  aragagixiso, kaas oo sida ay sheegeen la doonayay in laga fuliyo Biriishka labaad ee magaalada Hargeysa ee duleedka huteelka

Hargeysa Clup.
Sidaana waxa  maanta shaaca ka qaaday  maanta  Maxamed Cabdi Cali Shiine  oo ah Hogaanka sahanka Milateriga Somaliland oo saxaafada usoo bandhigay qalabka iyo walxaha la doonayay in lagu qarxiyo halkaa.  Sarkaalkaa ayaa sheegay in laba Nin oo aan la aqoonsan kooxda ay ka tirsan yihiin iyo kuwa ay yihiin, balse la rumaysanyahay inay yihiin kooxaha argagixisadu xalay caweyskii halkaa yimaadeen si ay u rakibaan qorshaha hawlgalkooda. Laakiin ay baxsadeen markii mid ka mid ah Ciidanka Milateriga qaybtiisa wardoonka oo arrintaa la socday kusoo baxay, wuxuuna sheegay sarkaalka u hadlay milateriga Somaliland in labadaa Nin midkood sitay jalaabiibka dumarku xidhtaan oo uu naag iska dhigayay.
“Nin ka mid ah Ciidankayaga ayaa dabagalay, waxay ahaayeen laba Nin oo mid sito Jalaabiibka Dumarka , waxay doonayeen inay halkaa biriishka cusub ee Hargeysa dhigaan waxyaabaha Qarxa ee aad halkan ku aragtaan, balse askarigaa markii ay arkeen ayay yaaceen Nimankii oo midba meel u cararay, wayna ka carareen wixii ay doonayeen inay meesha dhigaan.” Ayuu yidhi Sarkaalkaasi.

Mar la weydiiyay sida ay ku ogaadeen in mid ka mid ahi xidhnaa Jalaabiibka dumarka maadaama ay baxsadeen labadaa Nin ee ay sheegeen iyo waxay ula socodsiinwaayeen  ciidamada Booliska, wuxuu sheegay inuu askarigaasi u xaqiijiyay in Ninka alaabta qarxaysa sitay ahaa ka jalaabiibka xidhan oo uu arkay markii uu alaabta dhigayay, waxa uu sheegay inay Baastoolado ay siteen cabaysteen oo ay  iska tageen meeshii,  isla markaana aanu Askariga daba socday  hubaysnayn. Kadibna  uu  Ciidanka soo wargeliyay iyagiina ay baxsadeen oo  midba dhinac u cararay, isagoo dhinaca kalena sheegay in sababta ay ciidamada amaanka ula socodsiinwaayeen ay tahay iyagoo Milateri ahaan ku baddan aagaa oo ay xarumo ku leeyihiin.
Sarkaalkaa ayaa ku dooday in shandada yar ee ay siteen labadaa nin ay waxyaabaha ku jiray  dhalinkaraan qarax balaadhan oo waxyeelo weyn geysan lahaa haddii  aanay gacanta ku dhigin. Biriishka, Guriga Madaxweyne ku-xigeenka iyo agagaarka Hotelka Hargeysa Club.

Dhinaca kale qaar ka mid ah saraakiisha amaanka oo shebekada Araweelonews wax ka weydiisay arrintaa iyo waxa ay kala socdaan ayaa sheegay in aanay waxba kala socon arrintaa oo ay calaamatu su’aal saareen, waxayna sheegeen inay shaki abuurayso sababta wardoonka Milaterigu ula socod siin waayay wararka noocaa ah ee ay sheegeen inay mudo daba socdeen, taas oo ay sheegeen  inay xaqiijinteeda ku raad joogaan.
Dhacdadan ayaa dhinaca kale su’aalo ay iska weydiinayaan qaar baddan oo ka mid ah qaybaha bulshada caasimada hargeysa, waxayna dad baddan xusuusiy sheekooyin sidan u eeg oo ay maqli jireen xiliyadii xukuumaddii Daahir Rayaale oo sheekooyin sidan oo kale ah laga maqli jiray ciidanka Booliska iyo kuwa sirdoonka, kuwaas oo inta baddan noqon jiray mashaariic siyaasadeed, balse tani waa markii u hiraysay ee ciidanka milaterigu sheegaan dhacdo sidan oo kale ah oo ay gacanta ku dhigaan, koox qorshaynaysay weerar argagixiso oo wax lagu yeelayo amaanka  iyo qaranimada Somaliland.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *