Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa Wasaaraddaha dawlada ku amray inay dukumantigooda ay ka daabacdaan oo kaliya Wakaalada Madbacada Qaranka, si loo dardargeliyo hawlaha ay

Madbacadu u xil saaran tahay qaranka.
sidaana waxa lagu sheegay wareegto uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo soo saaray maanta oo loo  kala diray Dhammaan Wasaaraddaha iyo Ha’yadaha madaxa banaan ee dawliga ah, wuxuuna madaxweynuhu ku faray in aanay meel aan ahayn madbacada qaranka ka daabacan karin dukumantiga kala duwan. Waxaana qoraalka wareegtadaasi oo soo baxday 11-kii bishan ay u qornayd sidan:-

“Mudaneyaal iyo Marwooyin, Aniga oo ka duulaya waajibaadka ay madbacada qaranku u xil saaran tahay, waxaan farayaa Wasaaradaha Dawlada iyo Ha’yadaha Dawlada in laga bilaabo taariikhda wareegtadan wax kasta oo ay daabacanayaan ay ka daabacdaan Madbacada qaranka, waxa reeban in meel kale wax laga soo daabacdo.

Waxaan ku adkaynayaa Baanka, Hantidhawraha iyo Xisaabiyaha Guud in aanay bixin kharash daabacadeed oo lagu tallo galay in meel kale wax laga soo daabacdo. Hadaba, waxaan idin rajaynayaa in aad tix gelin dheeraad ah siindoontaan Wareegtadan.”

Wareegtadan ayaa sida la sheegay soo baxday in qaar ka mid ah
Ha’yadaha iyo Wasaaradaha dawladu ay dukumantiyadii ay ku shaqayn jireen ka soo daabacdeen Madbacadaha gaarka loo leeyahay ee ku yaala Magaalada Hargeysa.

Madbacada Qaranka oo la aasaasay sanadkii 1998-kii ayaa kooto ku haysata daabacaada dukumantiga dawlada hase yeeshee waxay dhawrkii sanadood ee la soo dhaafay ay wajahday kaacaakuf dhaqaale iyo maamul oo dabar ku xidhay waxqabadkeedii, balse talaabadan ayaa laga yaabaa inay wax badan ka bedesho mushkiladii curyaamisay madbacada qaranka oo dhawr jeer oo hore xiligii xukuumadii tan ka horaysay albaabada loo xidhay.
Somaliland ayaa ku hawlan dardar gelinta Madbacada qaranka. By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *