Hargeysa(ANN)Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdi Casiis Maxamed Samaale ayaa  Xilalkii  ay hayeen ee wasaaradda ka qaaday masuuliyiin ka tirsan Waaxda Xisaabaadka, Kasamadda Qaarkood iyo Cashuuraha Berriga ee wasaaradda Maaliyadda ee Xarunta Hargeysa iyo

 

Gobolka Togdheer.

Masuuliyiinta oo  wasiirku xilalkii ay hayeen ka qaaday  maanta waxa ka mid ah Xisaabiye ku-xigeenka Guud oo uu u reebay Xilkaas oo kaliya,  balse Xilal u wehelinayay loo magacaabay Masuuliyiin kale, sidoo kale waxa uu xubno cusub u magacaabay qaybaha kala ah Chief Examiner, Checking-ka, Fawt Book, Xisaab xidhka, Khasnada Guud, Kantaroolka iyo Xafiiska Cash-ka ee Gobolka Maroodi-jeex.

Halka uu Kastamka Burco Maamule cusub u magacaabay, xafiiska Cashuuraha Berriga ee Gobolka Togdheer-na uga magacaabay Maamule cusub oo ay hoos iman doonaan dhamaan xafiisyadda Cashuuraha Berriga ee Gobolkaasi.

Maaamulayaasha cusub ee uu xafiisyadaas u magacaabayna waxay kala yihiin:-

Xafiiska Xisaabaadka Guud

Chief Examiner Warsame Axmed C/laahi

Fawt Book(Hubinta): Cismaan Caabi Ducaale

Xisaab Xidhka: Khadra Xasan Axmed

Qasnada Guud:  Idiris Xuseen Sareeye

Qaybta Kantaroolka:  Yaasiin Ducaale Barre

Xafiiska Cash-ka Gobolka Maroodi jeex: ———-

Checking:—————–

Kastamka Burco

Maamulaha Kastamka Burco: Saalax Cawil Naxar

Maamulaha Kastamka Beer: Mustafe Cali Cabdi

Maamulaha Kastamka Caynaba:  Mustafe Maxamed Maxamud

Cashuuraha Berriga

Maamulaha Cashuuraha Berriga ee Gobolka Tog-dheer C/risaaq Jaamac Maxamud

Isku shaandhayntan ayaa ah tii ugu horaysay ee lagu sameeyo Xafiiska Xisaabaadka  Guud ee Qaranka, Cashuuraha Berriga Togdheer iyo Kastamka Burco, waxaana la filayaa in ay si dhakhso ah ula kala wareegi doonaan xilalkaa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *