Hargeysa(ANN)Wasiirka Arrimaha Debada Somaliland Dr.Maxamed Cabdillaahi Cumar ayaa  sharaxaad  ka bixiyey siyaasadda arrimaha debadda ee Somaliland ee xillagan lagu jiro iyo halka ay marayaan wadahadaladii Somaliland  la lahayd Somalia, isagoo sheegay inay

 

wasaarad ahaan arrinta wadahadalka wada shaqayn kala leeyihiin gudiyada siyaasadda arrimaha dibada ee Guurtida iyo Wakiilada Somaliland. wasiirku wuxuu sidaa ka sheegay kadib kulan uu maanta la yeeshay guddida arrimaha debadda u qaabilsan Golaha Guurtida Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Debedda Somaliland, wuxuu  faah faahin ka bixiyey kulankaa, isagoo yidhi,  “Waxaanu ka wada hadalnay siyaasada qaranka ee khaasatan ku wajahan arrimaha Soomaaliya. waxaan Golaha Guurtida Guddida u qaabilsan siyaasada arrimaha dibeda aan warbixino iyo tallo iska waydaarsanay sida ay Xukuumadd u wajahayso , waxaana meesha ka soo baxay Isfahan wanaagsan iyo iyada oo Guurtida , Baarlamaanka iyo Xukuumadu ay wada taageerayaan isku mawqifna ka yihiin Siyaasada Qaranka,”ayuu yidhi Wasiirka arrimaha debeda Somaliland .

Dr. Maxamed Cabdilaahi waxa uu sidoo kale sheegay in guddida ay kala hadleen arrimaha mandaqada, isagoo yidhi,“Waxa kale oo aanu ka wada hadalnay arrimaha Mandaqada Geeska Afrika ee aynu jaarka nahay ayaan Golaha warbixin ka siiyay iyo qorshaha Somaliland ee ku wajahan arrimaha ka socda Mandaqada oo aanu ka doonaynay tallooyin iyo in aragti laga bixiyo.”
.
Dr. Maxamed C/llaahi Cumar waxa uu sheegay  in beesha caalamku ku baaqday in Somaliland iyo Somalia uu wada hadal dhex maro,  isla markaana uu ka dalbaday Golaha Guurtida inay tallo ku soo darsadaan sida ay Xukuumaddu u waajahayso wada hadalka labada dal.

wuxuuna isagoo  ka hadlaya waxyaabaha ka soo baxay kulankaa uu la yeeshay Gudi hoosaadka Arrimaha Debadda ee Golaha Guurtida  sheegay inay isla qaateen Wada shaqayn iyo Mawqif Midaysan in lagu wada hawl galo,isagoo xusay inay sidoo  kale ka wada hadleen  arrimaha Geeska Afrika,  isla markaana uu warbixin ka siiyay qorshayaasha siyaasadeed ee Xukuumada Somaliland kula dhaqmayso wadamada Mandaqda, wuxuuna soo dhaweeyay in Mudanayaasha Golaha Guurtidu ay tallo iyo tusaale wax tar leh u soo jeediyeen.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debadda Somaliland Dr. Maxamed C/llaahi ayaa  Geba-gebadii Xubnaha guddi hoosaadka Siyaasadda arrimaha debadda ee Golaha Guurtida Somaliland su’aalo ka weydiiyeen  arrimaha wadahadalada Somaliland iyo Somalia, wuxuuna wasiirku cadeeyey in waxa laga wada hadlayaa aanay ahayn madaxbanaanida somaliland,  balse wadahadaladu ku qotomaan xidhiidhka mustaqbal ee labada dal iyo deris wannaaga labada shacab.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *