Breaking News

Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa caawa samayeeyay magcaabis xilal wasaaro wasaarad cusub iyo wasiir ku xigeeno. waxaana

 

saaxada siyaasada ee golaha wasiirada xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo kusoo biiray  oo xil wasiirnimo loo magacaabay hoggaamiyihii hore ee Kooxdii SSC  Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye).

Madaxweynuhu waxa uu Dr Saleebaan Ciise u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta Somaliland, wasiirkii hore ee wasaaraddaasna waxa uu u magacaabay wasaaradda Warshadaha oo uu ku cusub hay’addaha wasaaradaha Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, taas oo hore uga tirsanayd ganacsiga.

Warsaxaafadeed xambaarsan digreetada madaxweynaha oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa digreetooyin uu soo saaray ku magacaabay wasiir iyo wasiir ku xigeen cusub, isla markaana wasiirkii hore ee Dib-u-dejintana u magacaabay wasaarad cusub.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, faqradiisa (2)aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda

Somaliland,

Markuu Tixgeliyey:  Ahmiyadda wayn ee ay  Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha

Qaranka,

Markuu Arkay:  In baahi loo qabo buuxinta jagadan hoos ku xusan,

Markuu Ka Fiirsaday:  Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,

Markuu ku Qancay:  In uu hanan karo xilka loo magacaabay,

Wuxuu go’aansaday

1.         In Mudane, Saleeban Ciise Axmed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta ee JSL.
2.      In Mudane, Cabdirasaaq Cali Cismaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Warshadaha ee JSL.
3.      In Mudane, Cabdisalaan Maxamed Xasan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Macdanta, Biyaha iyo Tamarta ee JSL.” ayaa lagu yidhi qoraalka.
Dhinaca kale C/risaaq Khaliif oo ahaa wasiirkii Ganacsiga iyo Wershedaha, ayaa loo reebay ganacsiga oo kaliya, iyadoo dhowaan Madaxweyne Siilaanyo wasaaraddaa ka saaray waaxdii dalxiiska oo lagu daray Ciyaaraha, isla markaana wasaaradda Ciyaaraha laga qaaday Hidaha iyo dhaqanka oo lagu daray war faafinta.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *