Hargeysa(ANN)Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdi Casiis Maxamed Samaale ayaa Xilalkii ay hayeen ee wasaaradda ka qaaday masuuliyiin ka tirsan Waaxda Xisaabaadka, Kasamadda Qaarkood iyo Cashuuraha Berriga ee wasaaradda Maaliyadda ee Xarunta Hargeysa iyo
Gobolka Togdheer.
Masuuliyiinta oo wasiirku xilalkii ay hayeen ka qaaday maanta waxa ka mid ah Xisaabiye ku-xigeenka Guud oo uu u reebay Xilkaas oo kaliya, balse Xilal u wehelinayay loo magacaabay Masuuliyiin kale, sidoo kale waxa uu xubno cusub u magacaabay qaybaha kala ah Chief Examiner, Checking-ka, Fawt Book, Xisaab xidhka, Khasnada Guud, Kantaroolka iyo Xafiiska Cash-ka ee Gobolka Maroodi-jeex.
Halka uu Kastamka Burco Maamule cusub u magacaabay, xafiiska Cashuuraha Berriga ee Gobolka Togdheer-na uga magacaabay Maamule cusub oo ay hoos iman doonaan dhamaan xafiisyadda Cashuuraha Berriga ee Gobolkaasi.
Maaamulayaasha cusub ee uu xafiisyadaas u magacaabayna waxay kala yihiin:-
Xafiiska Xisaabaadka Guud
Chief Examiner Warsame Axmed C/laahi
Fawt Book(Hubinta): Cismaan Caabi Ducaale
Xisaab Xidhka: Khadra Xasan Axmed
Qasnada Guud: Idiris Xuseen Sareeye
Qaybta Kantaroolka: Yaasiin Ducaale Barre
Xafiiska Cash-ka Gobolka Maroodi jeex: ———-
Checking:—————–
Kastamka Burco
Maamulaha Kastamka Burco: Saalax Cawil Naxar
Maamulaha Kastamka Beer: Mustafe Cali Cabdi
Maamulaha Kastamka Caynaba: Mustafe Maxamed Maxamud
Cashuuraha Berriga
Maamulaha Cashuuraha Berriga ee Gobolka Tog-dheer C/risaaq Jaamac Maxamud
Isku shaandhayntan ayaa ah tii ugu horaysay ee lagu sameeyo Xafiiska Xisaabaadka Guud ee Qaranka, Cashuuraha Berriga Togdheer iyo Kastamka Burco, waxaana la filayaa in ay si dhakhso ah ula kala wareegi doonaan xilalkaa.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com