Hargeysa(ANN)Waasiirka Maliyadda Somaliland Eng  Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa  sheegay inay mudanayaal ka tirsan Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilladu u soo gudbiyeen  qoraal ay kaga codsanayaan in mushaharooyinka loo kordhiyo 

 Mudanayaasha Wakillada iyo Guurtida,isla markaana  hoos loo eego mushaharooyinka Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku-Xigeenka  somaliland.
Eng Maxamed Xaashi Cilmi oo  xalay khadka telefonka kula soo xidhiidhay wargayska Jamhuuriya , isagoo  daba socday war wargaysaka ku soobaxay  nuxurkiisuna ahaa”19 Mudane oo  shirgudoonka Golaha Wakiilada u gubiyey mooshin  falladh kulul ku noqotay Xukuumadda Siilaanyo oo mushaharooyinka  loo kordhinayo  shaqaalaha Dawladda iyo Ciidamadda.
Mooshinka ay Wakiilladu soo gudbiyeen oo ka naxiyey Wasiirka Maliyadda  waxaa  uu sheegay in haba  yaraatee  aanu arag mooshin mudanayaashu ku dalbanayaan mushahar kordhinta  shaqaalaha  oo lasoo gaadhsiiyey , balse waxa uu xusay  in ay todobaadkan  u yimaaden saddex mudane  oo ka tirsan Guddida dhaqaalaha ee Wakiiladda  oo ka dalabaday in mudanayaasha loo kordhiyo mushaharadda ay qaataan ,kuwaas oo uu  tilmaaay in uu ka diiday.
Waxaanu yidhi wasiirku “Warkan ku soo baxay wargayskiina ee  odhanaya  Wasiirka maliyadda  oo  ka naxay mooshin mushaharka loogu kordhinaayo   shaqaalaha Dawlada iyo Ciidamadda  idinkaa og meesha aad ka keenteen  mooshin aan arkay iyo cid aanu ka wada  hadalnayna ma jirto ,kordhinta mushaharooyinka iyo shaqaalaha Dowlada iyo Ciidamaduna  waxaa ay ku jiraan barmaamijkii  siyaasadeed ee Xisbiga KULMIYE .
Waxaa aniga ii yimi saddex mudane oo ka tirsan Gudidda Dhaqaale ee Wakiillada oo kala ah Maxamed Cumar Xaashi , Saleebaan Bukhaari iyo mid kale oo aanan  hada magaciisa xasuusnayn .
Waxaa ay ii keeneen qoraal oo ay ku codsanayaan in labada gole ee baarlamaanka (Wakiillada iyo Guurtida)  mushaharooyinka loo kordhiyo,mushaharka Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku-xigeenkana hoos loo eego waxaan ku idhi arrintaa mushahar kordhinta waad ku ceeboobaysaane ka jooga  oo shaqaalahii Dowlada iyo Ciidamadii oo jooga waxba lay din kordhinmaaye.
 “Waxaanan nimankaa xildhibaanada ah u sheegay in wixii mushahar la kordhinaayo kala ogaan doono 15 november, 2010 markaan ogaano dakhliga ina soo geli kara,  markaa saddexda mudane uun baanu is aragnay ee cid kale oo mooshin ka hadlaysa is maanu arag ,mooshinkaan shaqaalaha loogu kordhinaayo ee aad sheegaysaana shalaybaanu maqalnay ,wax aan ka naxayna  ma jirto” Sidaa waxaa yidhi Wasiirka Maaliyadda Somaliland  Eng Maxamed Xaashi Cilmi oo cadeeyey in ay Xildhibaano Wakiillada ka tirsani  ka codsadeen in mushaharooyinka loo kordhiyo.
 
Xigasho: Jamhuuriya

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *