Berbera (ANN)Maamulka Gobolka Saaxil, ayaa saaka kulan albaabadu u xidhanyahay la yeeshay saraakiil ka tirsan ciidammada la dagaalanka budhcad-badeedka Ingiriiska ee ku sugan xeebaha Badda cas ayaa maanta booqasho ku yimi magaalada Berbera.kadib markii laba

ka mid ah Maraakiibta dagaalka ee Britain yimaadeen duleedka Dekedda Berbera.
Saraakiisha Britain ayaa kulamo kula  yeeshay halkaa masuuliyiinta gobolka Saaxil, iyadoo  kullanka labada dhinac dhexmaray oo ka dhacay xarunta Taliska Ilaalada Ciidammada Badda Somaliland ee magaalada Berbera. Sida ay sheegayaan wararku  waxa dhinaa Somaliland uga qaybgalay Taliyaha Ciidamadda Ilaalada Xeebaha Gen. Axmed Aw- Cismaan, Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Booliska C/Raxmaan Liibaan (C/Raxmaan Fooxle), Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) iyo Duqa Magaalada Berbera Cabdalle Maxamed Cali.

Inkasta oo aan saxaafadda loo ogolayn kulanka labada dhinac wada yeesheen, hadana, Kooxda ka socotay Milateriga Britain  oo watay laba markab oo kuwa dagaalka ah, ayaa la sheegay inay masuulliyiinta Saaxil iyo booliskaba kala hadleen dhinaca nabadgelyada, gaar ahaan kooxaha budhcad-badeedka ah ee ka qawlaysata xeebaha dalka.
Dhinaca kale waxa jira warar sheegaya inay Saraakiisha milateri ee Britain ay wadeen qalab iyo gaadiid ay hore ugu balanqaadeen ciidamadda Badda ee Somaliland oo ay ku jiraan Laashashka dheereeye ee Badda, iyagoo hore u keenay deeq gawaadhi ah oo ay bishii ina dhaaftay ku wareejiyeen ciidamadda Ilaalada xeebaha Somaliland, balse ma jiraan warar xaqiijinaya inay deeqdaa ay hore u balan qaadeen sideen saraakiisha Britain ee yimi Magaalada Berbera, isla markaana xukuumadda Somaliland ayaan wax wara kasoo saarin booqashada wefdiga Milateriga ee Biritain ku yimaadeen halkaa iyo ujeedada socdaalkooda. 

Maxkamadda Gobolka Saaxil, ayaa marar badan xukunno kala duwan ku riday qaar ka mid ah budhcad-badeedka oo soo galay xeebaha Somaliland oo aad u ballaadhan, iyadoo ciidanka baddu aanay haysan agab iyo dhaqaale ku filan oo ay ku hawlgalaan, hadana waxay marar badan ku guulaysteen inay soo qabtaan kooxo budhcad ah iyo kalluumaysato si sharci darro ah ugu soo xad-gudba xeebaha Somaliland.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *