Berbera(ANN)Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta xadhiga  ka jaray dhisme cusub oo ah Terminalka labaad ee garoonka diyaaradaha ee Magaalada Berbera lagu kordhiyay, kaas oo

 dunsanaa  tan iyo markii dalka dib loogu soo noqday 1991-kii.
 
Socdaalka Madaxweyne xigeenka ee Magaalada Berbera waxa ku weheliyay Wasiirada Duulista iyo Hawada Md Maxamuud Xaashi Cabdi,  Warfaafinta Wacyi-gelinta Cabdilaahi Cismaan Jaamac (Geell-jire), iyo Marwada koowaad ee dalka Marwo Aamina X Maxamuud Jire (Aamina Waris).
 
 
Madaxweyne xigeenka Somaliland C/raxmaan   Saylici ayaa  hadal kooban oo uu ka jeediyey halkaa ku  sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu maanta furo Terminalka labaad ee madaarka Berbera, isagoo ugu mahadceliyey Wasiirka Duulista iyo Hawada oo uu sheegay inuu aad ugu dadaalay sidii u furi lahaa Terminalkan oo aad ay ugu baahnaayeen dadka madaarka ka dhoofaa.
 
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxa kale oo uu sheegay in xukuumada cusub ee Somaliland ay soo bandhigi doonto wax qabadkeeda marka ay dhammaadaan 100 cisho ee ay qabsatay ee ay u qorshaysay inay ku fuliso mudadaa, taas oo ka bilaamay wakhtigii ay xilka dalka la wareegtay.
 
Wasiirka Duulista iyo Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in markii uu arkay dadka ka dhoofa madaarka Berbera oo isku meel kaliya wada maraya uu go’aansaday inuu dayactiro Terminaalka labaad ee ay adeegsadaan dadka ka dhoofaya madaarka, isla markaana waxa uu tilmaamay inuu furitaanka terminalkani uu ka mid ahaa siyaasada xukumada cusub iyo balanqaadyadii boqolka maalmood ee u horeeya, maadaama oo uu xidhnaa mudo ku siman 20 sannadood. Iyadoo sida uu xusay wasiirka duulista hawadu ay dhismahaa iska kaashadeen Wasaaradda iyo Dawlada hoose ee Berbera.
 
Sidoo kale waxa munaasibada furitaanka Terminalka lagu furay ka hadlay Wasiirka Warfaafinta Wacyi-gelinta Cabdilaahi Cismaan Jaamac (Geell-jire) iyo Marwada koowaad ee Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina X Maxamuud Jirde (Aamina Waris).
 
Sidoo kale  Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Seylici  wuxuu furay Tower weyn oo isgaadhsiineed oo laga hirgaliyey gudaha Dakedda Berbera, kaas oo lagu ogaandoono wixii maraakiib,  ama dhaqdhaqaa doonyo ah ee soo gala biyaha Somaliland, kaas oo suurta gelinaya in gaadiidka meelaha durugsan maraya ee Biyaha Somaliland iyo meelo ka durugsanba lagu ogaan karo. Qalabkaa ayaa la sheegay inay ku caawiyeen xukuumadda Somaliland Midawga Yurub. Furitaanka mashaariicdan uu xadhiga ka jaray Madaxweyne xigeenka Somaliland  ayaa kusoo beegmay xili ay wax ka yar laba todobaad ka hadheen qorshaha balanqaadka boqolka maalmood ee u horeeya. 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *