Hargeysa(ANN)Wasiirka Wasaarada Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa sheegay in aanay xukuumaddu ku kordhin ganacsatada wax cashuur ah, balse qiimaha hore loogu sarifi jiray lacagta dollarka ee cashuurta kor loo qaaday, taas oo uu sheegay in markii hore
halka dollar ku qiimaysnaa sarifka shilinka somaliland 3500, laga dhigay 4500. Sidaa awgeed aanay jirin wax la kordhiyay oo cashuur ahi.
Eng. Xaashi wuxuu sidaa ka sheegay shir jaraa’iid oo maanta kula hadlayay warbaahinta Somaliland xafiiskaa, isagoo dhinaca kalena waxba kama jiraan k dhigay warar suuqa lasoo geliyay oo shegayay inuu is casilaad u gudbiyay Madaxweyne Siilaanyo.
Wuxuuna isagoo ka hadlaya cabashada ganacsatada yidhi, “Ma jirto cashuur aanu ganacsatada ku kordhinay, balse si uu sarrifka dollarku sarre ugu kaco waxa aanu suuqyada ku sii dhex daynay lacag, qiimaha sarifka ee la kordhiyay maaha in cashuur la kordhiyay, cashuurtana ma kordhin karno ilaa golaha wasiiradda laga ansixiyo oo golaha baarlamaanku ansixiyo.
Kordhisba maanaan samayan ee dhismis ayaanu samaynay, waxayna kala garan waayeen in aanu tacriifadii kordhinay iyo in aanu qiimihii kordhinay.” Ayuu yidhi.
Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar ay maanta baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta guduhu, kuwaas oo sheegayay in uu iska casilayo xilka uu umadda u hayo, laakiin wuxuu isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Waa war aan sal iyo raad toona lahayn, waligayna kumaan riyoon in aan iska casilo xilka.
Dacaayada ugu way nee igu socotaa waxa weeyaan ina xaashi wuxuun-buu ururiyaa ee waxba ma bixiyo, laakiin waxaan filayaa inay taasi iga hadhayso imika markaan ciidamadii iyo shaqaalihii boqolkiiba boqol u kordhiyey, labada golle ee baarlamaanka mushaharkii u kordhinay ee midkiiba 1500 doolar qaadanayo.” Ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadda Somaliland.
Dhinaca kale Ganacstada ayaa si weyn uga qayliyay qiimaha dollarka ee lacagta cashuurta lagaga qaadi jiray ee sarifkiisa la bedelay, kaas oo ay ku tilmaameen mid saamayn ku yeelanay qiimaha maceeshada oo ay si dadban ugu kordhay cashuurtii. Waxyna ganacstada waqtigan badeecaduhu ka yaaliin dekedda magaaladda berbera maanta sameeyeen shaqo joojin, iyagoo aan wax badeecad ah cashuuran.
kordhinaya Dekeda weyn ee magaalada Berbera oo manta oo kale looga bartay in ay ka bilaabmaan shaqooyin xoog leh oo ganacsatada wax kala soo degtaa kula baxayaan badeecadahooda kala duwan ee dekeda uga soo dega, ayaa gebi ahaanka maanta joogsaday.
Talaabada wasaaradda maaliyadda ayaa sababtay in aanay maanta wax dhaqdhaqaaq ahi ka jirin dekedda Berbera oo waqtigan badeecado kala duwani kasoo degayeen, isla markaana xafiisyada wasaaradda maaliyadda ayaanay shaqaalihii kasoo xaadirin dhinaca Dekedda iyo Madaarkaba. Kadib markii ay ganacsatadii loo cashuuri lahaa badeecadaha ku wargeliyeen xafiisyadaa in aanay waxba cashuuranayn ilaa inta ay xukuumaddu dhegaysanayso cabashadooda.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380