Muqdisho(ANN)Qaar ka mid ah Dadweynaha ku nool magaalada Muqdisho ee dagaalada aafeeyeen ayaa maanta isku deyey bilawga banaanbaxyo ay maalmihii u danbeeyay qorshaynayeen oo ay ku doonayaan inay kaga hortagaan ciidamada dawladda taagta daran ee Somalia iyo xarakada

 

Al-shabaab ee ku dagaalama halkaa. Waxaana saaka ay isku dayeen kumanaan qof inay isugu soo baxaan dhismaha Tiyaatarkii hore ee Muqdisho oo ah duleedka xarunta Villa Somalia ee fadhiisinka u ah dawladda taagta daran, balse waxa halkaa durbadiiba soo gaadhay kolanyo ka tirsan ciidanka dawladda TFG, kuwaas oo rasaas ooda kaga qaaday banaanbaxayaash.
Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya magaalada muqdsiho dadkaa oo u badnaa haween iyo caruur waxa rasaas ku kala kexeeyay ciidamada ka amar qaata Sh. Shariif,

Saraakiisha caafimaadka ee gurmadka ded dega ah ayaa laga soo xigtay inay ugu yaraan todoba qof ku dhinteen rasaastaa, iyadoo cusbutaalada loola cararay ku dhowaad laba dersin oo dadkii ka qaybgalay isu soo baxaa ah.

Banaanbaxaa oo dhawrkii maalmood ee u danbeeyay laga abaabulayay magaalada Muqdsiho, isla markaana ujeedadiisu tahay sidii loo samayn lahaa gedood shacbi oo ka dhan ah ciidmada dawladda taagta daran ee Somalia iyo kooxda Al-shabaab oo ku dagaalama halkaa ayaa ka dhashay muuqaalada ficilka ay shacbiga Tuuniisiya iyo Masar maalmihii ina dhaafay xukunka kaga tuureen hogaamiyayaashii dalalkaa ee laga daawanayay warbaahinta dunida.
Banaanbaxa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa wararka qaar sheegayaan inuu ahaa mid uu iclaamiyay Guddoomiyaha gobolka Banaadir Mr. Tarsan oo ugu  baaqay inay shacbigu isugu soo baxaan banaan bax, si looga hortago kooxda Al-shabaab, balse warar kale ayaa sheegaya inay dawladda ku meelgaadhka ahi ka baqday inuu isu soo buxu noqdo mid iyaga lagaga hortegayo oo ay dabada ka wadaan kooxaha islaamiyiinta ee Al-shabaab iyo Xisbul Islaam. Lama hubo inuu banaanbuxu ahaa kii ay ku baaqeen kooxo dhalinayaro ah oo ku nool magaalada Muqdsiho laba maalmood ka hor, kuwaas oo qorshaynayay banaanbaxyo lagaga hortago ciidamada TFG, AMISOM iyo Al-shabaab.

Masuuliyiinta dawladda ku meelgaadhka ah iyo kooxaha kasoo horjeeda eek u dagaalama halkaa ayaan weli ka hadlin sababta rasaasta loogu furay dadka shacabka ah ee banaanbaxayay, isla markaana waxa jira warar sheegaya in markii ay dadkii mudaharaadayay kala yaaceen dhawaaq rasaaseed ka bilaabmay goobtaa, iyadoo ay wararka qaar sheegayaan inay fooda isku dareen ciidamo ka tirsan dawladda oo ahaa kuwii dadka rasaaseeyay iyo kooxo ka tirsan xarakada Al- shabaab.
Araweelonews Mobile
Mogadishu Somalia  Office
E-mail info@araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *