Hargeysa(ANN)Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa sharaxaad ka bixiyay  Odoroska miisaaniyada qaranka ee sannadka 2012,  kadib markii  uu maanta hortegey fadhigii golaha wakiilada oo shalay loo qaybiyay miisaaniyada.Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed

Cabdullaahi ayaa Mudanayaasha ku wargeliyay fadhigii maanta inay warbixin ka dhegaysteen Wasiirka Maaliyada iyo saraakiisha wasaarada, si ay  sharaxaad uga siiyaan mudanayaasha.
Eng. Maxamed Xaashi waxa uu ka hadlay korodhka sannadkan ee Odoroska miisaaniyada, wuxuuna xusay inay ku dedaaleen sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen cashuuraha  Beriga oo uu tilmaamay inay yihiin dakhliga ugu badan ee dalka soo gala.
Wasiirka Maaliyadu waxa uu sheegay in qorshayaashooda ugu waawayn ay ka mid tahay sidii ay shaqaalaha iyo ciidamada qaranka ugu kordhin lahayeen markale mushaharka, isagoo yidhi, “Waxaanu kordhinay dakhli soo saarkii, waxaanu samaynay diiwaangelin. Dhibaatooyinka yaallay waxa ka mid ahaa shaqaalaha iyo ciidamada oo mushahar aad u yar qaata, waxaanu  isla qaadanay xukuumad ahaaan  in ciidamada iyo shaqaalaha ahmiyad wayn la siiyo, markaa waxaanu kordhinay mushaharkii 100%, inkasta  oo aanu wali ku filnayn, insha allah waxaanu samayn doonaa  kaabis miisaaniyadeed sannadka badhkii haddii ay noo suurogasho si ciidamada iyo shaqaalaha loogu kordhiyo mushaharka.” ayuu yidhi Wasiirku Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi.
Mar uu ka hadlayay  dhakhliga gala xarunta Madaxtooyada, waxa uu sheegay inuu qoran yahay kharashkaasi oo madaxweynaha maalinta la badelo uu ka qaadan karo dharkiisa iyo wixii u gaar ah  oo keliya, isagoo arrintaa sharaxayana wuxuu yidhi, “ Madaxtooyada qalabkeedu wuu  diwaangashan yahay, ilaa malqacada wax lagu cunaa  way qoran tahay, maalinta Madaxweynaha la badelo waxa uu qaadan karaa  dharkiisa iyo wixii u gaar ah oo keliya. Sidoo kale marka  wasiir cusubi  yimaado wasiirka  uu xilka kala wareegayo wuxuu ka tirsanayaa  liis qoran oo hore u yiilay,  oo ay ku wada jiraan wixii qalab ahaa iyo wixii uu masuulka ka ahaa si loo hubiyo inaan waxba lumin ama aanu wasiirkaa la bedelay wax ku takri falin.” Ayuu yidhi. Eng. Xaashi

Wasiirka Maaliyada Somaliland oo si kooban uga hadlay sababta Miisaaniyadda oo la filayay in golaha Wakiilada la hordhigo bishii December ee sannadkii hore, waxa uu yidhi, “ Miisaaniyadan aan maanta idiin keenay ee 2012 habsan  yar baa ku yimi, oo waxa ay ahayd in December laydiin keeno, habsankaa  waxa sababay tirakoobkii ciidamada Qaranka, hadday yihiin ciidanka milatariga , Booliska , Asluubta, Ciidanka Badda iyo ka Madaxtooyadda , ciidamadaa oo tirakoobkoodii dib u dhacay, qayb  weyna ka qaata  miisaaniyada, ayaa dib noo riixay sida runta ah. laakiin waanu ka soo horaynay sidii dhici jirtay”ayuu yidhi.
Eng Maxamed Xaashi Cilmi  waxa uu sheegay inay xukuumad ahaan fuliyeen inta baddan balanqaadyadii madaxweynuhu balanqaaday, isagoo tusaale usoo qaatay, kordhinta mushaharooyinka,  Dugsiyada hoose dhexe oo ay lacag la’aan ka dhigeen, Lacagtii laga bedelay Burco iyo waxyaabo kale.

Dhinaca kale Xisaabiyaha Guud ee Qaranka  Maxamed Cabdi Bedde iyo  Agaasimaha Guud Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Maaliyada oo la socday wasiirka markii uu maanta golaha wakiilada horyimi ayaa dhinacooda sharaxaad  ka bixiyay heerarkii ay soo martay miisaaniyadu iyo sida ay u  korodhay  intii Xukuumadda cusubi jirtay, iyagoo xusay saraakiishaasi in  sannad kasta ay wax ku kordhayeen miisaaniyada, isla markaana  sannadki u dambeeyay ay Odoroska miiyasaaniyadu korodhay 21%.
Sidoo kale waxay Xisaabiyaha guud iyo Agaasimaha waaxda qorshayntu xuseen  in hay’addihii madaxa banaanaa dhamaantood miisaaniyadoodu la socoto sannadka 2012, sida madbacada qaranka wakaaladaha Biyaha, Dekeda Berbera iyo Wakaaladda  Korontada.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *