Hargeysa(ANN) Mujaahid Maxamed Axmed Coofiye oo ka mid ahaa mujaahidiintii SNM ee xoraysay dalka  ayaa dab qabadsiyay Dukaan yar uu ku haystay suuqa nka dib badhtamaha magaalada Hargeysa. Kadib markii uu ka murugooday hawlagalka maalmihii u danbeeyay dawladda Hoose ee

 

Hargeysi ka wadeen suuqyada iyo wadooyinka magaalada.
Ganacsadahaa ayaa go’aanka uu ku gubayo gebi ahaanba meheradiisa qaatay. Kadib markii digniintii ugu danbaysay ay ugu sheegeen inuu ka guuro goobta ay ku taalay meheradiisu ee badhtamaha magaalada Hargeysa dhismaha xawaalada Qaran ee la xidhay oo dhinaca woqooyi kaga beegan Cadaani Cafeteria.
Dad goob joog ah ayaa u sheegay Weriye ka socday shebekadda Araweelonews oo goobta tegey inuu Ninkaasi Batrool iyo dab qabadsiiyay dukaankiisa, isla markaana dhaawac kasoo gaadhay gacanta, balse ay dadkii goobta ka dhowaa ku guulaysteen inay bakhtiiyaan dabkaa.


Ciidanka Booliska ayaa goor danbe goobta yimi, iyadoo uu baxsaday Muj. Coofiye intii lagu guda jiray bakhtiinta dabka oo ay kusoo xoomeen dad badani.
Dhacdadan ayaa ku soo beegantay xili ay maalintii afaraad hawl-gal wado banyan ah ka socdaan  jidadka Magaalada Hargeysa, kuwaas oo  wadooyina hareerahooda laga raray Boqolaal Xoogsato ah oo ku ganacsan jiray, waxayna dadkaa danyarta, kuwaas oo  cabasho xoogan ka muujiyay hawl-galkan lagaga raray  goobihii ay ku ganacsan jireen, iyadoo aanay jirin wax qorshe ah oo loo sameeyay dadkaa.
Mid ka mid ah Mujaahidiinta aqoonta u lahaa ninkaa  oo ku sugnaa goobtaa markii la bakhtiiyay dabka ayaa u  sheegay weriye ka tirsan Araweelonews  in Muj. Maxamed Axmed Coofiye oo ah ninka falkaa ku kacay  nin ka mid ahaa mujaahidiintii SNM ee xoraysay dalka, isla maraakana uu ka mid ahaa qoysas dhowaan lagaga raray Cusbataalkii hore ee ja-jabka ee duleedka   Cusbitaalka Hargeysa, isla markaana 17 February 2012. La xidhay xarunta xawaalada Qaran oo uu ka shaqayn jiray. Sidoo kale Mujaahidkaa oo ay saaxiiibo ahaayeen ayaa xusay in Ninka falkaa ku kacay ay dhowaan geeriyootay xaaskiisii, isagoo gacanta ku hayay waqtigan caruurta rajada ah ee Hooyadaasi u dhashay oo uu nolol maalmeedkooda la xarbiyay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *