Nairobi(ANN) Qaramada Midoobay ayaa markii u horreysay shaacisay in xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ay qabsadeen culimo aan waxba ka duwanayn kooxda Al-shabaab, kuwaas oo ah koox lagu Magcaabo Aalla Sheekh, isla markaana

 

gacanta ku dhigay awoodda madaxtooyada Soomaaliya. Sidaa waxa ku dhawaaqay ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador Agustine Mahiga.
Ergeyga Qaramada Madaxweynaha dawladda taagta daran ee Somalia Sheekh Shariif ayaa si kulul uga jawaabay eedo iyo dhaleecayn kaga timi wakiilka qaramada Midoobay ee arrimaha Somalia Augustine Mahinga. Kadib markii uu sheegay in Madaxtooyada Somalia u gacan gashay koox wadaado aan hore loo ogayn oo ka khatarsan kooxda Al-shabaab.Midoobay ee Somalia iyo Somaliland,  ayaa carabka ku dhiftay in   aanay  kooxda uu sheegayo ee lagu magcaabo Aalla Sheekh ogolayn khariidadda nabadda Soomaaliya, isagoo yidhi, “Madaxtooyada Soomaaliya afgembi ayaa ka dhacay. Culimada Aalla Sheekh ayaa awooddu  kusoo noqotay, waana arrin aan la dhayalsan karin,” ayuu yidhi .
Mr. Mahinga, waxa uu sheegay in aanay  culimadaasi dooneyn  qorshaha dib u heshiisiinta ee Road Map-ka iyo isbbeddellada la doonayo, balse jecel yihiin in muddada loo kordhiyo dawladda Sheekh Shariif marka waqtigeedu dhammaado bisha August ee sannadkan 2012.
Sidoo kale mar uu sharaxaad ka bixiyay Mahinga kooxdaa Waxa uu sheegay in culimada Aalla Sheekh aanay fikir ahaan waxba ka duwaneyn kooxda Al-shabaab, isla markaana qodobka qudha ee ay ku kala duwan yihiin yahay in aanay hubaysnayn, isaga oo culimada Aalla Sheekh ku sifeeyey inay yihiin asal raac, mabda’ooduna yahay siyaasad gooni ah, waxaannu xusay in culimadaasi dhawaan samaysteen urur-diimeed oo ay ku doonayaan inay xisbi siyaasadeed ku beddelaan si ay xukunka ugu qabsadaan wejiyo kale.
Hase ahaatee, waxa hadalka wakiilka si kulul uga jawaabay Sheekh Axmed Cabdi Dhicisow oo ka mid ah culimada Aalla Sheekh, wuxuuna Qaramada Midoobay ka codsaday inay beddesho Mahiga oo uu ku eedeeyey inuu faraha la galay arrimaha diinta Islaamka iyo dhaqanka Bulshada Soomaalida oo ku kacay waxyaabo aan shaqadiisa ahayn. “Hadalka Mahiga waa mid ka baxsan hawlaha uu u xilsaaran yahay. Aala-shiikh oo ka kooban culimaa’udiin Soomaaliyeed oo caan ah weligoodna aan ka shaqeyn dhibaatada ummadda ayuu ku tilmaamay inay la mid yihiin Al-shabaab oo waxay yihiin la yaqaan waa aflagaado cad iyo ku xadgudub aan geedna loogu gabban oo lagu sameeyey culimada Soomaaliyeed,” ayuu yidhi Sheekh Dhicisow.

Dhinaca kale Madaxweynaha dawladda taagta daran ee Somalia Sheekh Shariif ayaa si kulul uga jawaabay eedahaa  iyo dhaleecaynta  kaga timi wakiilka qaramada Midoobay ee arrimaha Somalia Augustine Mahinga, wuxuuna si kooban u yidhi, “warkaa haddii uu yidhi Mahinga waxan u arkaa inay maradaa ka dhacday intaana uma dhaafayo,” ayuu yidhi Madaxweyne Shariif oo maanta saxaafada kula hadlay deegaano woqooyiga magaalada Muqdisho oo  ay qabsadeen, ayaa jawaabtaa kooban ka bixiyay mar la weydiiyay waxa ka jira eedaynta  Mr. Mahinga.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *