Hargeysa(ANN)Wasiirka Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa maanta markii u horaysay ka hadlay qorshaha diyaarinta odoroska miisaaniyad sanadeedka 2011-ka, isla markaana waxa uu ugu hanjabay ganacsatada Somaliland in haddii ay bixin-waayaan cashuuraha lagu leeyahay

 

ee ku  waajibay  lagala noqon doono Ruqsada  ganacsi ee ay haystaan.
Eng. Maxamed Xaashi, waxa uu sheegay inaanu mudooyinkan iman xafiiska oo uu ku jiray nasasho, balse ay lagama maarmaan noqotay inuu maanta ka hadlo xaaladda Siyaasada dhaqaalle ee Xukuumadda uu ka tirsan yahay ee Somaliland.
Wuxuuna sidaa ku sheegay shir saxaafadeed uu maanta xafiiskiisa Magaaladda Hargeysa, wuxuuna sheegay in odoraska Miisaaniyad sannadeedka dawlada ee 2011-ka ay gacanta ku hayaan diyaarinteedii, isagoo yidhi, “Odoroskii miisaaniyad saneedka 2011-ka waxaanu rajaynaynaa inaanu dhawaan horgeyno Golaha Wakiilada. Waxaan filayaa  Guddida Dhaqaalaha ee Wakiiladdu (Wasaaradda) nagula naaqishaan oo ay wixii ay ku darayaan iyo wixii ay ka bedalayaanba ku sameeyaan. Ka dibna Golaha Wasiirrada laga ansixiyo si markaa ka dib loogu gudbiyo Gollaha Wakiiladda. Balan qaadkii KULMIYE ee ahaa in mushaharka la kordhiyo 300% waa la heli lahaa haddii aanay jirin dayntaasi badan ee aanu la wareegnay. Waxaanu imika kordhinay 100% sida Madaxweynuhu sheegay.” Ayuu yidhi.
“Xukuummadan maanta jirta waxay dhaxashay xaalad dhaqaale oo xun waad ogaydeen markii aan xilka halkan kula-wareegayey waxaan diiday inaan la wareego wax deyn ah. Manay jirin wax deyn ahi. KULMIYE waxa uu balanqaaday in 300% [Boqolkiiba Sadex boqol] uu u kordhin doono shaqaalaha iyo ciidamada, laakiin waxa soo baxday wax aanan fileyn, waxaanu u nimi Baankii oo madhan, oo xitaa la isticmaalay lacagihii dadku dhigteen, waxaanu u nimi shaqaalaha iyo ciidamadda oo leh Afar bilood oo mushahar ah, raashinkii jeelasha iyo ciidamadda oo lagu leeyahay xukuummadda, taas ayaa suuragelin wayday waxyaabaha qaarkood, laakiin nasiib wanaag Xisbiga KULMIYE boqolkii maalmood ee u horeeyey waxaanu bixinay mushaharkii shaqaalaha iyo ciidamadda ee isgaadhay, waxaanu dib u habayn ku sameynay nidaamka wasaaradeed si uu u soo xaroodo dhaqaaluhu si wacan”.
Wasiirka Maaliyadda Somaliland Eng. Xaashi oo  hadlayey kordhinta mushaharooyinka waxa uu yidhi,  “Xukuumadihii dalka soo maray dhamaantood waxba iskamay waydiinin in qofka shaqaalaha ah ay ku filan tahay $42 Dolar, taasina waxay keentay inaan xil la iska saarin daryeelka qofkii shaqeynayey.Xukuummadda maanta jirta waxay garoowsan tahay in ciidamadda iyo shaqaaluhu ay yihiin taayirka uu gaadhigu ku socdo oo ay ula mid yihiin Xukuummadda”
Eng. Maxamed Xaashi mar uu ka hadlayey imtixaanaadkii laga qaaday Shaqaalaha dawlada waxa uu yidhi,  “Hay’adda shaqaaluhu waxay qabatay shaqo wanaagsan, waxay sameysay tirakoob shaqaale iyo imtixaan si lookala saaro shaqaalaha da’ada kuwa da’ayarta, taasi waxay keentay inaad si xun wax u turjuntaan.iyada oo ay horkacayeen dad aanan ka filayn, muhiimadu waxay ahayd in siyaasad cad laga yeesho, isla markaana meesha laga saaro caaglaha, wixii dhintay iyo wixii gaboobay,  iyadoo Siyaasad hawlgaba loo sameynayo,  ama wixii lagu bedeli karo hawsha iyo in darajo loo sameeyo shaqaalaha.”
“Waxa kale oo aanu sameynay tirakoob ciidan, waxa jirtay in hay’ada GTZ ay sameysay diwaangelin oo ay ciidanka u kala saartay hawlgab, naafo iyo wax shaqeyn kara [Active], in Hanti la siiyo ayey balanqaadeen berigaa, maanta waxaanu lacagta u kordhinaynaa 100% [Boqolkiiba boqol] inta xooga ah, inta kale [Naafo iyo Hawlgab] waxay qaadanayaan wixii ay hore u qaadan jireen”ayuu yidhi Maxamed Xaashi Cilmi.
“Hore waxaa u diray afar kooxood oo aan ku idhi soo ogaada, inta caa’ilad dhexe nolol ahaan  ku noolaan karto, mushaharka maanta la kordhiyey kuma filna weli, laakiin  kordhisku wuu  soconayaa ilaa la gaadho heer qofka shaqaalaha ah iyo qoyskiisu ku noolaan karaan nolol dhex dhexaad ah”.
Wasiirka Maaliyada Somaliland waxa uu hanjabaad u jeediyey Ganacsatada Somaliland, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi “Markii ay dhacday in shaqaaluhu heli-waayaan mushahar ku filan waxa dhacday in ganacsatada qaarkood ay shaqaaluhu ka qaataan lacag, taas oo keentay in cashuurtii Berriga oo ah ta dawladuhu ku shaqeeyaan ay dhaafiweydo Afar million, maanta waxaanu doonayna inay  ganacsatadu cashuurta lagu leeyahay soo bixiyaan, waxa jirta rag aanu u yeedhnay oo aanu waraaqo u qornay, laakiin noomay iman, waxaan leeyahay haddii ay soo ajiibi-waayaan yeedhmadaa waxaanu la tiigsan doona sharciga, waxaanu awood u leenahay inaanu ka qaadno shatiga ganacsiga, waxaan leeyahay Ganacsatadu ha ogaadaan in cashuurtu tahay ta qaranku ku shaqeynayo ee lagu sugayo amaankooda.”
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Waxa kale oo aanu ogaysiinayna inay iska ilaaliyaan ganacsatadu inay si aan sharci aheyn u siiyaan shaqaalaha cashuuraha ka shaqeynaya lacag si looga daayo cashuurta lagu leeyahay. Waxa kale oo aanu ogaysiinayna inaanu ka rabno tirakoobkooda shaqaale oo aanay dhacayn in cashuur laga qaado ka dawlada ee musharka yar qaadanaya, ka dhowrka boqol ee Dolar qaadanayaa aan cashuur laga qaadin”. 
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *