Burco(ANN) Xukuumada Somaliland ayaa xaqiijisay inay gacanta ku dhigeen shan qof oo ka mid ah kooxaha loo yaqaan aragixisada, kuwaas oo doonayay inay hawlgalo lagu waxyeelaynayo nabadgelyada iyo qaranimada Somaliland ka fuliyeen dalka.  sidaana waxa warbaahinta u xaqiijiyay

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Guddaha Somaliland. Cismaan Garad Soofe
“Way jirtaaa in shan qof  ciidamadda ammaanku ku qabteen Burco, waxay maleegayeen falal argagixiso, waxaana loo gudbiyay Hargeysa.” Ayuu yidhi Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudduhu, balse faahfaahin dheeraada kamuu  bixin qabashada raggaa.

Kooxdaa oo Ciidamada amaanka habeen hore ku qabqabteen guri ku yaala magaalada Burco. Kadib markii ay ciidamada oo la socday dhaqdhaqaaqa kooxdaa lala xidhiidhay argagixisadu  ka fuliyeen halkaa Hawlgal si weyn loo qorsheeyay, kaas oo gebi ahaanba lagu qabqabtay.
Dadweynaha magaalada Burco ayaa si weyn u dareemayay dhaqdhaqaaqa ciidamada amaanka ee ka socday halkaa ka hor intii aan la qaban kooxdaa, iyadoo ay dareen shaki abuurtay Diyaarad joog  hoose ku duulaysa oo dul heehaabaysay magaalada Burco habeen hore, taas oo sida ay sheegayaan warar shebekadda Araweelonews ka heshay hawlgalkaa ay sheegayaan inay Diyaaradu ku raad joogtay kooxdaa oo qaarkood soo galeen dalka, balse ay ka war heleen in la ogaaday. Kadibna ay gebi ahaanba iska xidheen saacado baddan  isgaadhsiintii ay isticmaalayeen, laakiin  markii ay fureen xalay ee la hubsaday inay ku sugan yihiin halkaa ay ciidamada amaanka oo si weyn loo habeeyay hawlgal balaadhan kusoo qabteen shantaa Nin.

Sida ay sheegayaan wararka shebekadda Araweelonews heshay kooxdaa waxa ka mid ah Saleebaan Maxamed Xuseen (Saleebaan Good) oo magaalada Burco aad looga yaqaan, isla markaana ahaa Sarkaal ka tirsanaa Shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom qaybteeda Adeega Zaad, kaas oo gurigiisa lagala baxay.  Xogaha kale ee la xidhiidha kooxdaa ee shebekadda Araweelonews heshay ayaa sheegaya in laba ka mid ahi kooxdaa kasoo jeedaan deegaanka Koonfurta Somalia, halka labada kalena kasoo jeedaan deegaanka Puntland iyo Sool, waxayna wararku intaa ku dareen in kooxda la qabtay laba ka mid ahi ka yimaadeen dhinaca magaalada Boosaaso, halka labada kalena ka yimaadeen dhinaca Magaalada Muqdisho, balse sarkaalka ka tirsanaa shaqaalaha shirkadda Telesom uu deganaa Magaalada Burco.

Maaha markii u horaysay ee Saraakiil, ama hawlwadeenada shirkadda ugu weyn isgaadhsiinta ee Telesom lala xidhiidhiyo inay lug ku lahaayeen qorshayaal iyo hawlgalo ay kooxaha argagixisadu ka fuliyeen, ama   qorshaynayeen  inay  Somaliland ka  fuliyaan falal nabadgelyo daro, balse waxa ka mid ah dhacdooyinka la xusuusto in dhawr sannadood ka hor  2004,  lagasoo qabtay magaaladda Burco Eng. Axmed Cilmi  oo ahaa Injineerka shirkadda Telesom, kaas oo lagu eedeeyay inuu qayb ka haa dilkii 21 Oct 2003, Richard iyo  Enid  Eyeington oo ahaa Lamaane u dhashay dalka Biritain, kuwaas  oo macalimiin ka ahaa  Dugsiga Sheekh.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *