Hargeysa(ANN) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland. Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa qoraal uu ku cayimay muadada kama danbaysta ah ee looga baahan yahay inay gudbiyaan kharashaadka ay u baahan yihiin u gudbiyay Xisaabiyaha Guud ee Qaranka, madaxda wasaaradaha iyo hay’addaha

kale ee dawladda.
Qoraal ka soo baxay xafiiska Wasiirka Maaliyadda oo ujeeddadiisu ahayd waqtiga bixinta kharashaadka daruuriga ah, waxa madaxda wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda lagu amray inay inay ugu dambayn 20-ka bil walba Xisaabiyaha Guud ee Qaranka u gudbiyaan kharashaadka daruuriga ah ee la xidhiidha socodsiinta hawlaha qaranka sida mushaharooyinka iyo gunnada hawlwadeennada qaranka, raashinka ciidammada, jeelasha iyo cusbitaallada iyo shidaalka, iyadoo Xisaabiyaha Guudna lagu wargeliyey inuu kharashaadkaas bil walba 25keeda u gudbiyo baanka.
“Ujeeddo: Waqtiga Bixinta Kharashaadka Daruuriga ah:
Waxa jira kharashaad daruuri u ah hawl socodsiinta qaranka, kuwaas oo u baahan in waqtiga ugu horreeya ay baxaan, kharashaadkaasna waxa ka mid ah:-
Mushaharka iyo gunnada hawlwadennnada qaranka;
Raashinka ciidammadda, jeelasha iyo cusbitaallada;
Shiddaalka.
Sidaasawgeed, waxa madaxda wasaaradaha iyo hay’addaha dawladda ee warqaddu ku socoto lagu wargelinyaa inay kharashyada kor ku qoran u soo gudbiyaan Xafiiska Xisaabiyaha Guud ugu dambayn 20-ka bil walba. Sidoo kale Xisaabiyaha Guud ee warqadadni ku socoto isna waxa lagu wargelinyaa inuu kharashyada kor ku xusan Baanka u gudbiyo ugu dambayn 25 ka bil kasta,” ayuu Wasiir Samaale ku yidhi wareegtada uu ku socodsiiyey madaxda wasaaradaha, hay’addaha dawladda iyo Xisaabiyaha Guud ee Qaranka.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *