Hargeysa(ANN)Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madaw), ayaa la filayaa dacwadiisu ka bilaabanto Maxkamadda gobolka Hargeysa maalinta beri ee 24 April. Dacwada Boqor Cismaan Buur-madaw ayaa si weyn indhaha loogu hayaa, iyadoo ay danaynayaan saxaafada iyo  qaybo baddan oo

 

ka mid ah bulshada.
Maxkamadda Gobolka Hargeysa, ayaa bishii hore qoraal ay Hay’addaha baadhista denbiyada iyo xeer ilaalinta ku amartay in dacwada Boqor Cismaan oo ah mid xaasasi ah todobaad gudihii lagu keeno eeddaymaha loo haysto maxkamadda si loo guda galo dacwadaa oo si weyn indhaha loogu hayo gudo iyo debedba. Hase yeeshee dhawaaqa maxkamadda kadib ayaa 8 April markii u horaysay la hor geeyay Boqor Buur-madaw maxkamadda xili hore, balse waxa dib loogu celiyay markiiba xabsiga dhexe iyadoo aanu la furin dacwadaa oo aanay maxkmaddu dhegeysan.

Sida ay sheegeen qaar ka mid ah Ehelada Boqor Cismaan waxa la filayaa in subaxnimada hore la geeyo maxkamadda, iyadoo aan ilaa hada si cad loo ogayn nooca ay yihiin eeddaha loo haystaa.
Boqor Buur-madaw  oo ah hogaamiye dhaqameed caan ah oo beesha caalamku u aqoonsantahay hogaamiye nabadeed waxay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo xabsiga u taxaabtay  15 March 2012, isagoo kasoo degey garoonka diyaaradaha ee Cigaal International  ee magaalada Hargeysa, waqtigaa oo dhinaca dalka Imaraadka carabta ka yimi, halkaas oo mudooyinkii u danbeeyay deganaa.

Boqor Cismaan Aw Maxamuud  wuxuu mudo ku dhow laba bilood ku xidhnaa xabsiga dhexe ee Hargeysa, iyadoo aanay jirin wax denbi ah oo lagu soo oogay iyo xukun Maxkamadeed oo ku dhacay, waxaana xadhigiisa canbaareeyay dad baddan oo isugu jira siyaasiiyiin, aqoonyahan, Odayaal iyo madaxdhaqameed iyo sidoo kale hay’addaha caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha, isla markaana dublamaasiyiin shisheeye ayaa marar baddan kala hadlay xadhiga Boqor Buurmadaw Xukuumadda Madaxweyne  siilaanyo, balse waxay ka dhega adaygtay dhamaan baaqyadaa, mana jirin mudadaa  ilaa hada cid dacwad kusoo oogtay, isagoo mudadhaaf ku ah xabsiga, taas oo ah mid baalmarsan dastuurka dalka iyo qawaaniinta caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha, basle waxa la dhawrayaa dhegeysiga dacwadan oo la filayo inay ka furanto maalinta beri maxkamadda gobolka, taas oo aan laga warqabin in saxaafada iyo dadka kale ee danaynaya iyo qoyskiisaba loo ogolaanayo.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *