Hargeysa(ANN)Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madaw), ayaa saaka la keenay  Maxkamadda gobolka Hargeysa. Kadib markii uu mudo ka baddan Afartan maalmood ku xidhnaa xabsiga dhexe ee Hargeysa. Boqolaal qof ayaa saaka isugu yimi xili hore barxada hore ee

Maxkamadda, iyadoo ay ciidamada amaanku xidheen dhamaan wadooyinka soo gala Maxkamaddaha, kuwaas oo celinayay gaadiidka iyo dad baddan oo danaynayey dhegeysiga dacwadaa. Boqor Cismaan Aw Maxamuud ayaa la keenay 8:00 subaxnimo, waxaana saacad ka dib soo gaadhay Maxkamadda garsooraha dacwada qaadayay C/rashiid Duraan, isagoo  ku amray inay ciidanka Boolisku soo daayaan  ehelada iyo dadka danaynaya dhegeysiga dacwada ee iyagu subaxnimadii hore galay barxada maxkamadda horeteeda ka hor intii aanay ciidamada Boolisku xidhin wadooyinkaa. Laakiin saxaafada ayay ciidanka Boolisku ka hor istaageen inay dhegeystaan kiiskaa, iyadoo goobta joogeen suxufiyiin baddan oo ka socday warbaahinta caalamiga ah iyo ta dalka oo danaynayay dhegeysiga dacwadaa.
Garsooraha ayaa sheegay inay Maxkamaddu furantahay, wuuxuna akhriyay qoraalka gal dacwadeedka eeddaha loo haysto Boqor Cismaan Aw Maxamuud oo xeer ilaalintu ku eeddaysay inuu sameeyay kicin uu Bulshada kaga horkeenayo xukuumadda, isla markaana fidiyay dacaayado ka dhan ah siyaasada iyo xidhiidhka arrimaha debeda isagoo jooga dalka debediisa. Sidoo kale waxa eeddahaa ku jiray inuu kicintaa iyo abaabulkaa u adeegsaday warbaahinta Somaliland. qaarkood oo isagoo  madaxdhaqameed ah uu ku kacay dacaayadahaa iyo kicintaa uu faafiyay sidaa awgeed uu ku gefay qodobada 212XQG iyo 2i5XQG,  kuwaas sida ay dacwadeeda kusoo gudbisay xeer ilaalintu uu denbiyada ay tilmaamayaan ku eedaysan yahay Boqor Cismaan Buur-madaw.
Garsoorahu markuu akhriyay eeddahaa, wuxuu Boqor Buur-madaw weydiiyay inuu qabo, balse wuxuu ku jawaabay inuu dood ka leeyahay ka hor inta aan la gaadhin ma qabtaa mise ma qabtid, waxaana ka jawaabaya ayuu yidhi Qareenadayda, kuwaas oo hareera fadhiyay, isla markaana galay doodo ay isaga daba noqdeen Garyaqaan Maxamed Jaamac oo ah Xildhibaan ka tirsan golaha wakiilada, Garyaqaan Maxamed Siciid  iyo garyaqaan kale, kuwaas oo sharaxaad ka bixiyay qodobada xeer ilaalintu ku salaysay eeddaha lagu eeddeeyay Boqor Cismaan iyo waxyaabaha ay nuxur ahaan ka hadlayaan.
Doodaha Garyaqaanada Boqor Buur-madaw, waxay gebi ahaanba daadefeeyeen eeddahaa oo ay ku tilmaameen kuwo aan qaanuunka sharciga waafaqsanayn, isla markaana ciddii soo samysay ee Maxakamadda usoo gudbisay ay ahayd in la xidho, maadaama aanay noqon karin eeddo si cad denbi u tilmaamaya, isla markaana meel ka dhac ku ah qaranka iyo Hay’addaha garsoorka, waxayna qodob qodob u sharaxeen qodobada lagu eedeeyay Boqor Buur-madaw oo ay ku doodeen inaanay wax xidhiidh ah la lahayn dacwada. Sidaa awgeed la laalo gebi ahaanba dacwadan oo Maxkamaddu go’aan ka gaadho oo xoriyadiisa loo celiyo Boqor Buur-madaw, ama maxkamadda la keeno haddii wax denbi ah loo haysto.
Sidoo kale waxay Qareenada difaacaya Boqor Buur-madw sheegeen inaan la garanyn cida muduciga ka ah eeddaha loo soo jeediyay Boqor Cismaan, waxayna sadexda qareenba si isku mid ah ugu doodeen inaan maxkamadda la keeniin qodobo cad oo sheegaya denbiga uu galay. Sidoo kalena aanay qodobadu ahayn kuwo ka turjumaya qoraalka ay xeer Ilaalintu ku sheegtay dacwada. Sidaa awgeed maadaama Boqor Cismaan oo ah Madaxdhaqameed uu xabsiga ku jiray intaa iyadoo aan maxkamad la keeniin, isla markaana qaab aan sharciga waafaqsayn loo qabtay oo uu xanuunsanayo loo soo celiyo xoriyadiisa, haddii kale damaanad lagu sii daayo inta maxkamadda dacwada go’aan ka gaadhayso.
Hase yeeshee dacwad oogaha ka socday xafiiska Xeer Illaalinta ayaa qiray inay dacwadooda wax ka khaldan yihiin, wuxuuna sheegay inay xaq u leeyihiin inay soo bedelaan.
Garsooraha ayaa markaa kadib ku dhawaaqay inay Maxkamaddu xidhantahay, wuxuuna sheegay inay go’aan kasoo saarayaan, isagoo aan sheegin nooca qaraarku yahay iyo in maxkamaddu mar kale dhegaysanay kiiskaa.
Dhegeysiga dacwada ayaa socday kudo ku dhow laba saacadood, iyadoo dooduhu ku socdeen jawi degan.
Hase yeeshee Boqor Cismaan Aw Maxamuud oo suxufiyiintu barxada Maxkamadda horteeda markii kiiska laga soo dareeray ay ku weydiiyeen arargtidiisa, wuxuuna isagoo dhoola cadaynaya sheegay inay si fiican u socoto dacwadu, isla markaana wuxu ku dooday in aanu  jirin denbi uu galay,  balse uu u xidhanyahay oo keliya arrin siyaasadeed. Laakiin aan gacajuglayn waxba lagaga qaadi doonin oo uu guulaysanayo,  Somaliland-na guulaysanay, wuxuuna usoo jeediyay xukuumadda inay siyaasada ka deyso garsoorka oo aanay siyaasad soo dhexgelin ee madax-banaanidiisa loo daayo garsoorka.
Dhegeysiga dacwadaa oo si weyn loo danayay ayaa markii maanta la gudagalay wejigii hore oo qaab degan ay u socdeen dooduhu, waxa doodaha Garyaqaanada u doodayay Boqor Buur-madaw iftiimiyeen inaanay xukuumaddu hayn wax denbi noqon kara oo uu galay Boqor Buur-madaw, waxayna kiiskaa ku sifeeyeen mid siyaasadeed oo aan loo hayn wax denbi looga dhigo.

 

Araweelonews Mobile
Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *