Hargeysa(ANN)Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Somaliland Eng Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa maanta hortegey Mudanayaasha Golaha wakiilada, kadib markii ay dalbadeen inuu hor yimaado, si uu tafaasiil uga bixiyo qorshaha miisaaniyada xukuumadda cusub.

Eng. Maxamed Xaashi oo madasha ka jeediyay warbixin dheer waxa uu tafaasiil dheeraad ah ka bixiyay halka ay marayso mushahar kordhintii ay u balan qaadeen ciidamada iyo shaqaalaha dawlada, isaga oo sheegay inay ilaa hadda ku jiraan tiro koob guud oo ay ku samaynayaan shaqaalaha iyo ciidamada,  si miisaaniyadda sanadka soo socda loogu daro.
 
Fadhigan maanta oo uu guddoominayay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Sh. Cabdicasiis Maxamed Samaale, waxa uu Eng. Maxamed Xaashi si qoto dheer uga hadlay isbedelada xukuumada cusub ee Somaliland doonayso inay dalka ka samayso wakhtiga soo socda.
 
Eng Maxamed oo arrimahaa ka hadlaya waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Anigu shakhsi ahaan in badan ayaan wax ka qor-qori jiray lacagaha la lunsado ee aan miisaaniyadda gelin, shaqaalaha dulman in badan baan ka hadlay. Golaha Wasiiradana waan geeyay in shaqaalaha iyo Ciidamaddana dib loogu noqdo arrimahooda.
 
Laba guddi baa loo saaray mid shaqaalaha dib u habayn ku samaysa iyo mid ciidamadda labadiiba gabo-gabo ayay ku dhow yihiin waxaanu sidaasi u samaynaynay in miisaaniyadda soo socota ee 2011-ka aanu ku darro wixii aanu isleenahay waa la kordhin karaa. Waxa kale oo aanu ku dhaqaaqnay Wasaarad ahaan inaanu samayno tiro koob wixii dalka ka jira ee ganacsi ah ama diiwaan gelinta guryaha dhisan sidii Ha’yada UNHABITAT ay uga samaysay tiro koobka Hargeysa, Boorame iyo Berbera ee ay Guryihii oo dhan lambaro u siisay.”
 
Hargeysa waxay ka kooban tahay shan waaxood. Laba waaxood waa min shan xaafadood, sadexda kalena waa min afar xaafadood. Xaafad walba waxaanu jecelahay inaanu xafiis ka furno si aanu u hubino dakhliga ka soo xaroon kara ama laga soo saari karo si Kombuyuutarka loo geliyo oo Data-base loogu sameeyo.”
 
Wasiirku wuxuu sheegay in gobolada galbeedka iyo barriga dalka ay laba Wefti u kala direen oo soo qiimeeya tiro koobka dakhliga iyo tirokoobka, waxaanu tilmaamay in sidaasi ay u yeeleen ka dib markii cashuurihii bariga oo noqon lahayd ta ugu badan ay yaraatay.
 
Wasiirka Maaliyaddu wuxuu sheegay inuu Berbera todobaadkii hore la shiray Ganacsatada dalka waxaanu xusay inay ka wada hadleen sidii loo fududeyn lahaa cashuuraha ay ka cabanayeen iyo in adeegga dekada Berbera la sahlo.
 
Wasiirku wuxuu sheegay in miisaaniyada samaynteeda aanay ka dhigi doonin mid qarsoodi ah, waxaanu balan qaaday in uu ka tallo gelin doono Guddida dhaqaalaha ee golaha wakilada.
 
Eng. Maxamed Xaashi, waxa uu balan qaaday inuu ku dadaalayo sidii shaqaalaha uu mushaharka ugu kodhin lahaaa sidaa daraadeed waxa uu Mudanayaasha wakiilada ka codsaday inay ku taageeraan hawsha.
 
Ugu dambayn mudanayashu waxa ay wasiirka Maaliyadda waydiiyeen su’aalo door ah oo la xidhiidha shaqadiisa, waxaanu uga jawaabay dhammaantood si caadi ah oo aan buuq lahayn, marka laga reebo kaftanka xildhibaanada iyo ereyo duurxul ah oo mararka qaar lagu ladhay su,aalaha iyo jawaabaha wasiirka iyo xildhibaanada.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *