Berbera(ANN) Madaxweyne xigeenka Somaliland  C/raxman C/llaahi Ismaacill (Saylici) ayaa  ka qayb galay xaflad si weyn loo agaasimay oo loo qorsheeyay Maxrajka Xoolaha ee shirkada Indhadeero Group, kaas  oo maanta si rasmi ah looga furay

Magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil. Kadib markii uu xadhiga ka jaray Madaxweyne xigeenka Somaliland.
Furintaanka munaasibada Maxrajkaa oo ah kii labaad ee laga furo Magaalada xeebta ah ee Berbera, waxa ka qayb galay  masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland  oo uu hogaamimanayo Madaxwayne ku xigeenka S/land C/raxmaan C/llaahi Saylici oo ay wheliyeen  Wasiiradda Xanaanada Xoolaha Dr. Axmed  Xaashi Oday,  Ganacsiga C/risaaq Khaliid Ahmed, Badhasaabka G/Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Rubaax), Duqqa Degmeda Berbera Cabdalle Maxamed Carab, Salaadiin, Ganacsato, warbaahinta somaliland suxufiyiin ka socday warbaahinta  caalamiga ah, ganacsato ka timi dhinaca kililka shanaad ee Ethiopia oo uu hogaaminayay ganacsade  Axmed Nuur Maxamed  iyo boqolaal qof oo ka socday qaynaba kala duwan ee Bulshada.
Madaxwayne xigeenka Somaliland C/raxmaan C/llaahi Ismaacill (Saylici) oo ka hadlay munaasibadaa ayaa  u mahadnaqay Shirkadda Indhadeero Group, isagoo  ugu hambalyeey guusha ay gaadheen iyo waliba hirgelinta Maxjarka Cusub,  wuxuuna xusay inay xukuumadu marwalba diyaar u tahay dhiirigalinta ganacsatada,  isagoo muwaadiniinta u soo jeediyey inay ka faaidaystaan Maxjarka. 
Wasiirka wasaaradda Ganacsiga S/land C/risaaq khaliif  Axmed ayaa  hadal kooban oo uu halkaa ka hadlay ku  sheegay inay u mahad naqayaan shirkada, isagoo balanqaaday inay wasaarad ahaan dhiirigalinayaan Ganacsiga xorta ah. Sidoo kale wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Maxamuud Xaashi Oday oo ka hadlay munaasibadaa ayaa sheegay in maxjarkan ay wixii  laga bilaabo maanta ay maamulkeeda leedahay Dawladu, waxaana meesha ka saaray in aanay  Xukuumadu marna is hortaagin furida maxjarkan,  balse ay doonayeen in la sharciyeeyo oo ogolaansho laga soo qaato Wadamada loo iib gaynayo Xoolaha, taas oo sida uu sheegay  xiligan soo dhamaatay hawshiisu. Sidaa awgeed  maanta laga bilaabo uu furan yahay Maxjarkani oo u furan yahay cidkasta oo xoolo marinaysa oo raacda nidaamka sharciga ah. Dr. Xaashi Oday waxa uu xusay  in Maxjarkaa ay  maamulayso Dawladu cidii lacagi ka gashayna loo celin doono mustaqbalka.
 Maayarka Magaalada Berbera Cabdalle Maxamed Carab oo ka mid ahaa masuuliyiinta ka hadashay munaasibadaa ayaa   sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay Furitaanka Maxjarkan cusub,  isagoo xusay  inay soo dhawaynayaan cidkasta oo maalgashanaysa Magaalada Berbera. Sidoo kale Badhasaabka G/Saaxil ayaa Mr. Maxamuud Cali Saleebaan (Rubaax), oo hadal kooban ka jeediyay furitaankii Maxrajka ayaa  sheegay inay  wax lagu daydo tahay shirkada Indhadeero Group sida ay dalkooda ugu quudheen oo ay u gashadeen Maalkooda,
Gudoomiye xigeenka Shirkada maal gelisay  maxrajkaa Mr. Naasir X. Cabdi Cawad Cali oo ah Masuuliyiinta ugu saraysa ee shirkada Idhadeero Group, ayaa  tafaasiil kabixiyey dadaaladii dheeraa ee ay u soo mareen Maxajarkaa  hirgalintiisa,  isagoo tilmaamay in Maamulaha Guud ee shirkada Indhadeero Group Mr.Mustafe Cabdi Cawad uu lahaa Fikrada Maxjarkan, isla markaana  hamigiisii kaga midha dhaliyey Hagardaamooyin badan kadib.
Mar uu ka hadlayay yagleelida Maxjarka iyo qaabka loo maalgeliyay,  waxa uu sheegay in laba shirkadood maalagashadeen,  kuwaas oo kala ah Indhadeero Group iyo Prame International Com. Oo ay leeyihiin ganacsato Carbeed, wuxuuna xusay  in Qaybta hada dhamaatay  qaadayso 250.000 (laba boqol iyo konton kun) oo adhi ah,  iyadoo lawado qayb kale oo iyana intan kabadan, taas oo ay ka hawlgelayaan  shaqaale dhan 450, kuwaas oo isugu jira muwaadiniin iyo Ajaanib.
Tan iyo markii dawlada Sucuudigu ku dhawaaqday ogolaanshaha maxrajka xoolaha ee Magaalada Berbera todobaadkii hore waxa si wey isu bedelay suuqyada seyladaha ganacsiga xoolaha Somaliland oo dhaqdhaqaaqooda iyo qiimahooduba kor u kacay, iyadoo ay dadka ka shaqeeya xooluha iyo bulshada kaleba soo dhoweeyeen dhawaaqa dawlada sucuudiga ee ogolaanshaha maxjarka Berbera, taas oo ay ku tilmaameen mid meesha ka saaray ganacsigii dhinaca xoolaha ee uu kootada ku haystay ganacsadaha carbeed ee Al-jaabiri oo ay xukuumadii lagaga adkaaday doorashadii madaxtooyada Somaliland u ogolaatay, taas oo khilaaf iyo muran dhinaca dhoofinta iyo ganacsiga xoolaha ka abuurtay Somaliland xilgaa.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *