Hargeysa(ANN)Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu muddo sadex todobaad ah lagu dawaynayay cisbitaal milatari oo ku yaala wadanka Jabuuti. Wasiirka maaliyadda oo maanta ka soo degay



madaarka Hargeysa waxa halkaasi ku soo dhaweeyay Wasiirrada Waxbarasharadda, Duulista iyo Hawadda, Marwadda Madaxweynaha, Shirgudoonka Golaha Wakiilada, Salaadiin iyo boqolaal ka mid ah dadweynaha magaaladda Hargeysa. 
Eng. Maxamed Xaashi oo kaga hadlay xaalladiisa caafimaad waxa uu  yidhi “Xaaladayda caafimaad aad iyo aad ayay u wanaagsan tahay,  waxaanan u mahad celinayaa Wasiirka waxbarashada oo kaalin weyn ka qaadatay qaadistaydii Jabuuti, Maxamed Aw- Siciid oo ii soo diray diyaarad deg deg ah, Jaamac Maxamuud Xayd iyo masuuliyiinta dawlada Jabuuti iyo cisbitaalkii la igu dawaynayay oo aan mahad weyn ka sheeganayo.waxa kale oo aan ammaan u soo jeedinayaa Axmed Cismaan Geelle iyo Jaamac Xayd.”
Sidoo kale Wasiirku wuxuu u mahad celiyay dadweynaha Somaliland ee ka wer-wersanaa xaalladiisa caafimaad, kuwaas oo boqolaal ka mid ahi kusoo dhoweeyeen  Madaarka Caalamiga ah ee Hargeysa.
Wasiirka Maalaiyada Somaliland Eng: Maxamed Xaashi Cilmi ayaa horaantii bishan loola carary dhinaca dalka Djibouti. Kadib  markii xaalad caafimaad-daro ah soo waajahday, iyadoo ay  masuuliyiinta xukuumadda Djibouti ku qaabileen halkaa, kadibna   la geeyay Cusbitaal uu leeyahay Milateriga Faransiisku oo ku yaala Djibouti, halkaas oo loogu sameeyay  gurmad deg-deg ah oo caafimaad. 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *