Hargeysa(ANN)Guddoomiye Ku Xigeenka xisbiga mucaaridka ah ee UDUB, isla markaana ahaa  Madaxweyne xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa sheegay  inay dardar gelinayaan hawlihii xisbigooda oo ay wadaan qorshayaal dib loogu habaynayo xisbigooda . Axmed Yuusuf

 

Yaasiin oo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xaruna dhexe ee xisbigaa ee magaaladda Haregeysa  wuxuu yidhi,  “Xisbiga UDUB oo beryahan oo dhan ku jiray dib u dhis maanta ayay arrintaasi noo dhammaatay, waxaanu kala dirnay Guddiyadii hawsha kicinayay. Hawlna haddii aan lagu rafaadin ma hir gasho gudiyadan maanta la hirgeliyay waxaanu u gelinaynaa tijaabo saddex bilood ah oo laga yaabo ninkii yar gaabiya in dib looga joojiyo. Waa guddiyo xoogaa ah oo aanu ugu tallo galay inay ka shaqeeyaan, waxaana ka mid ah Gudiyadii Siyaasadda, dhaqaalaha, anshaxa iyo qaar kale oo badan.”
Gudoomiye Ku Xigeenka xisbiga UDUB ayaa sheegay inay hoosta ka soo dhiseen xisbigawaxaanu yidhi “Waxaanu xisbiga ka soo dhisnay hoos illaa kor si uu xisbigu u hano qaado. Xisbi mucaarid ah oo toosiya wixii kaga aadan arrimaha qaranka, waxaan filayaa maalmaha soo socda in xisbigu si fiican wadanka ula jaan qaadi doono. In badan ayaad na tabayseen laakiin noqon mayno xisbi caytama waxaanu noqonaynaa xisbi toosinaya qaranka. Wadankan waa loo soo dhintay hawl badan baa qarankani in gacmaha la qabto ma rabno in qarankeenu inaga burburo. Dadku mucaarid waxay u yaqaanaan mid wax duminaya waxaanu noqonaynaa mucaarid wax dhisaya.”
Axmed Yuusuf Yaasiin waxa kale oo uu sheegay in Guddoomiyaha xafiiska siyaasada oo todobaadyadii la soo dhaafay muran ka taagnaa loo magacaabay Wasiir Ku xigeenkii hore ee Wasaarada cadaaladda Yuusuf Ciise Ducaale (Talaabo).
Todobaadkii hore ayay ahayd markii Cismaan C/llaahi Cigaal (Cismaan Hindi) oo Huteelka Crown ee magaaladda Hargeysa kula hadlay saxaafada  sheegay in dib u habayn  lagu sameeyay xisbiga UDUB, isla markaana isaga loo magcaabay Af-hayeenka xisbigaa, balse maalin ka dib ayuu hadana sheegay inuu ka noqday xilkaa oo aanu wax xil ah u qabanayn xisbigaa, taas oo muujisay inuu jiro khilaaf garabyo iyo kooxo aan weli si cad usoo shaacbixin oo uu xisbiga UDUB ee ku hagaasay doorashadii u qaybsan yahay.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *