Hargeysa(ANN)Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xuseen Xoog) ayaa raaligelin ka bixiyay cabashooyin dad bukaan ahi la hortageen  cusbitaalka guud ee Hargeysa, kuwaas  oo ka cadhooday  lacag toban dollar ah oo ay sheegeen  in laga qaaday, iyagoo doonayay

 

inay la kulmaan dhakhaatiir u dhashay dalka Iran  oo adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ah ka fulinaya cisbitaalkaa guud.
Dhakhaatiirtan oo cisbitaalka Hargeysa ka hawl geli doona muddo dhawr maalmood ah waxay u socdaan inay qaliino iyo dawayn bilaash ah u sameeyaan dad ka cabanaya xunuuno kala duwan.

IMG_3122
Hase yeeshee dad danyar ah oo awoodi waayay qadar lacageed ee maamulka cisbitaalku ugu tallo galay inay ku diiwaan geliyaan bukaanka  doonaya inay la kulmaan  dhakhaatiirtaa ajanabiga ah, ayaa maanta cabashadooda gaadhsiiyay wasiirka wasaaradda caafimaadka oo ay u sheegeen inaanay awoodi  Karin lacagta adag ee la weydiiyay, waxayna  ka dalbadeen inaan dadka danyarta ah laga lumin fursaddan ay heleen.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr. Xuseen Muxumed Maxamed, oo la hadlay dadkan oo u badnaa haween ayaa sheegay in arrintani khalad tahay, waxaanu amar ku bixiyay in dadkii laga qaaday 10-ka dollar loo celiyo. Wasiirku wuxuu sheegay in hore ay u qorsheeyeen in bukaanka u socda dhakhaatiirtan laga qaado shan kun oo shilin oo diiwaan gelin ah, qofkii aan haysana laga daayo.
Dr. Xuseen Xoog wuxuu dadkaas bukaanka ah ka raali geliyay tallaabadan ay qaadeen hawl wadeenadda cisbitaalka ee ka hoos shaqeynaya kooxdan dhakhaatiirta ah, hase yeeshee muu carabaabin inuu wax tallaabo ka qaadi doono shaqaalihii ku dhaqaaqay inay lacagtaa  oo ay u bixiyeen diiwaangelin dadka ka qaadaan.
IMG_3121
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *