-
Published On: Wed, Jul 13th, 2011

Wasiirka Maaliyada Somaliland Oo Sheegay Inay Xeer Ilaalinta U Gudbiyeen Liiska Ganacsatada Aan Cashuurta Bixin Iyo Qorshe La Doonayo Inu Warbaahinta Lagu Baahiyo In Ka Badan Labaatan Kun Oo Gaadhi

Smiley face
Share This
Tags

Hargeysa(ANN)Wasiirka maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa ku dhawaaqay inay xisaabtan iyo cashuur bixin kala quusteen tujaarta waaweyn ee dalka, isla markaana ay xilligan dacwadooda u gudbiyeen maxkamadda. Eng. Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu sidaa kaga dhawaaqay

kulan Wasaaradda Maaliyadda, shalay ku soo bandhigtay waxqabadkeedii lixdii bilood ee u horreeyey sannadkan 2011 oo ay ka soo qaybgaleen Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Ismaaciil Cabdillaahi (Saylici), Shirguddonka Golaha Wakiillada, hay’adaha dawladda ee wadashaqaynta la leh wasaaradda maaliyadda iyo shaqaalaha wasaaradda maaliyadda.
Wasiirka Maaliyaddu Eng. Maxamed Xaashi waxa uu sheegay inay waqtigan ku guda jiraan ku talagalkii miisaaniyadda 2011-ka, taas oo uu sheegay inaanay waqtigan samaynin miisaaniyad qaran, balse ay ku talajiraan sannadka 2012 inay diyaariyaan miisaaniyad qaran, waxa kale oo uu iftiimiyey inay dadka ganacsatada ah ee tujaarta ah ugu taag la’ yihiin la xisaabtankii, isla markaana ay waqtigan arrintooda u gudbiyeen maxkamadda si wax looga qabto.
“Waxaanu imika ku gudo jirnaa oo aanu bilaabaynaa tallo-galkii miisaaniyada 2011-ka, miisaaniyada qaranku waa mid dawlad hoose iyo mid dhexeba isku wadajira, markaa miisaaniyad qaran ma samaynee waxaanu samaynaa miisaaniyad wasaarada maaliyada ah, laakiin waxaanu u soconaa inaanu miisaaniyad qaran samayno 2012-ka insha allaah, miisaaniyadaasi waxay noqonaysaa mid qaran. Waxa kale oo aannu damacsanahay inaannu diiwaangelino wax alla waxay dawladdu hanti leedahay oo haddii ay miisaaniyadu noo dhamaystiranto aannu ku darno.
Cashuur bixintu runtii dadka way ku adag tahay, dib ayaannu ugu yara noqonay 2008-dii dadka tijaarta ah ee waaweyn waxa lagu yeeshay lacag gaadhaysa hal milyan oo doollar wax ka badan oo cashuur ku baaqatay ah, kaalaya nala xisaabtama ayaannu ugu taag la’ nahay, imikana waxaannu u wareejinay maxkamadda,” ayuu yidhi wasiirka maaliyadu.
Waxa kale oo wasiirku soo bandhigay tirakoobka gaadiida dadweynaha ee aan wax cashuur ah bixin, isaga oo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Gaadiidka oo maanta gaadhaya ilaa afartan kun oo gaadhi markii Kombuyuutarka la galiyay ee la soo qaatay sannadadii 2008, 2009, 2010, gaadiidka aan waxba bixini waxay noqdeen 22,094 (labaatan iyo laba kun, sagaashan iyo afar) oo gaadhi, lacagta ku baaqatayna waxay noqotay 23,200 (labaatan iyo saddex kun iyo laba boqol) oo doolar, markaan waxaannu damacsanahay inaannu liiskooda soo saarno oo dadka gaadiidkaas leh aannu jaraa’idka ku qorno oo meeshii ay joogaanba lagu qabto, dadweynahana waxaanu leenahay cashuurta idinku waajibtay iska bixiya, waa wax dalku u baahan yahay.”
Wasiirka Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, waxa uu si qoto dheer uga warramay guulaha ay gaadhay iyo waxqabadka ay muujiyeen muddaday xilka hayeen, waxaannu tilmaamay inay fuliyeen ballanqaadkii xisbiga KULMIYE, isaga oo xusay in xukuumaddii ka horreysay ee maxdaxweyne Rayaale ay ku fashilantay inay bixiso mushaharooyinkii shaqaalaha, isla markaana ay dumi lahayd haddii aanay doorahsooyinku ka soo gaadhi lahayd, waxa kale oo uu xusay in xukuumaddii hore u musuqmaasuqeedu cirka isku shareeray, taas oo sababtay inay bixin kari waayaan mushaharka ciidammada iyo shaqaalaha kale, waxaannu yidhi; “Ballanqaadkii xilligii uu xisbiga KULMIYE ee ahaa in isbbeddel la samayn doono, waxaynu ognahay dawladdii hore haddii laba bilood gudahood ay sii joogi lahayd oo aanay doorashaduna ka soo gaadhin, waxaan qabaa inay dumi lahayd, waayo waxay gaadhay heer ay waxba bixin kari waydo oo musuqmaasuquna cirka maray oo mushaharkii shaqaaluhu uu afar bilood gaadhay oo raashinkii ciidamada loo taagi waayay.Si arrintaas looga baxo, is-bedelkii la rabay in la sameeyo ayaannu qodobadiisii wax ka taataabanaynaa, marka hore wax waliba waxay leeyihiin saldhig, dawlad kastana waxa saldhig u ah shaqaalaha iyo ciidammada, shaqaalaha iyo ciidanka waxa loo saaray guddiyo tiro-koobkooda iyo kala sooci dooda, guddidyadii way soo dhameeyeen.
Waxa kale oo aannu ku dhaqaaqnay inaannu ciidammada iyo shaqaalaha mushaharka u kordhino, waxaanannu u kordhinay 100%, welina ma dhawa oo may gaadhin meel daryeelkoodii uu ku dhammaado. Waxa kale oo aanu samaynay in dugsiyadii hoose/dhexe in aannu ka dayno lacagtii bisha laga qaadi jiray, sida uu dastuurkeennu dhigayo in dugsiyada hoose/dhexe ay bilaash noqdaan, si cid waliba u hesho dhadhamada tacliinta bilawga ah, markaannu samaynay in arrintaas dhibaatada jirtay waxay ahayd, dugsiyada dawlada danyartii ayaa looga tagey, ciddii wax haysatay waxay carruurtoodii geeyeen dugsiyada gaarka loo leeyahay, markaa arrintii waxay noqotay in ardeydii, maadaama ay lacag bixinayaan in fasalkii tiradiisii ay xadka ka baxdo oo ardeygii xumaa kii wanaagsanaaba aan loo kala eegin, markaa waxbarashadii carruurtu waxay ku dhacday meel hoose, tayadiina way luntay.
Waxa kale oo aannu samaynay 1500 (kun iyo shan boqol) oo macallin ayaannu ku darnay mushaharka dawladdu bixiso, intaa ka dib waxa jirtay in habkii aynu dakhliga u urursan jirnay uu ahaa hab gaboobay, waanannu beddelnay habkaa hore oo waxaannu tiro-koob ku wadnaa guryaha iyo meheradaha dalka, imikana waxaannu dhamaynay Hargeysa, Berbera, Burco, Ceerigaabo, Gabiley, Wajaale iyo Boorama inta noo hadhayna waa in yar oo aannu dhamayn karno.”
Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo isna halkaas ka hadlay, ayaa ka warramay ahmiyada ay cashuur bixintu u leedahay qaranka Somaliland iyo baahiyaadka aasaasiga ah ee lagu daboolaayo, isaga oo u soo jeediyey ganacsatada inay la shaqeeyaan xukuumadooda. Waxaannu madaxweyne-ku-xigeenku xusay in aannay ganacsatada iyo tujaarka waaweyni sidii loogu tallogalay u bixin cashuurta ku waajibtay.
“Hawsha maanta maaliyadu ka hadlayso ee ah cashuurta, waa hawl inoo wada taalla dhammaanteen, bani’aadamku waxa uu wada leeyahayna haddii aanu hareeraha iska taagin oo aanu qof walba xil iska saarin, waxaasi ma soo baxo, waxaynu ognahay shirkado sanadkii faa’iida laba milyan oo doolar, halkuu 10% na siin lahaa, maaha inuu 20 kun ama wax ka yar uu innamada u hoos u siiyo,”ayuu yidhi Madaxweyne-ku-xigeenku, isaga oo intaa ku daray “Waxaan qabaa qofka sidaa samaynayaa muwaadinimadiisa wax badan ayaa ka dhiman, waa inay nala shaqeeyaan baayac-mushtarigu oo ay cashuurta bixiyaan. Dawlada maanta joogta ama wasaaradana waxa looga baahan yahay xogta dhabta ah in loo gudbiyo dadweynaha,” ayuu yidhi Md. Saylici.
Md. Saylici waxa uu sidoo kale Wasaaradda Maaliyadda u soo jeediyey inay soo gudbiyaan qorshahooda ku wejahan dhaqaalaha dalka.
Waxa kale oo kulankaas ka hadlay Masuuliyiinta Hay’adaha sida tooska ula shaqeeya Wasaarada Maaliyada, waxaanay ka warameen dhammaantood, faa’iidooyinka ay cashuurta u leedahay dhismaha dawladnimo, iyagoo dhammaantood ku boorriyay dadweynuhu inay bixiyaan cashuurta ku waajibtay, isla markaana waxay ballan-qaadeen in cashuurta dadka laga qaadaa ay noqon doonto imid iyaga dib ugu soo noqota.

Araweelonews Mobile  Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>