Hargeysa(ANN)Wasiirka Ciyaaraha iyo Dhalinyarada Somaliland Cabdi Siciid Faahiye ayaa fariin cad oo hanjabaad ah u diray shirkadaha ku loolamaya suuqa ganacsiga Somaliland. Wasiirkaa oo ka hadlayay munaasibad Carwo ay Shirkadda Isgaadhsiinta Somtel kusoo bandhigtay qalab casri ah iyo adeeg

 

cusub oo lagu qabtay GaroonkaTimacade ee magaalada hargeysa doraad  ayaa sheegay inay wasaarad ahaan kaga qaybgelayaan tartanka suuqa ganacsiga ee shirkaduhu ku loolamayaan awooda iyo cududa dhalinyarada oo ah  jiilka cusub ee ay doonayaan inay shirkaduhu adeegyadooda iyo ganacsigooda ku socodsiiyaan.
“Anigoo ah Wasiirka Ciyaaraha iyo dhalinayarada waxaan marka hore usoo jeediniyaa mahad shirkadda Somtel ee adeegan iyo qalabkan  kusoo bandhigtay carwada. Waxa lagu tartamayaa waa jiilasha dhalinyarada. Anaguna wasaarad ahaan Dhalinayarada ayaanu kaga qaygelaynaa tartanka oo shirkadii wax nagu soo celisa ayaanu tixgelinaynaa. Shirkadan Somtel waa shirkad wadani ah Garoonkan  iyadaa dhistay Timacade, Garoonka weyn ee  Hargeysa Stadium iyadaa kafaala qaadatay dib u dhiskiisa, markaa waa shirkad wax kusoo celisay dhalinyarada oo u dhega nugul dalabka codsiyada dhalinyarada ee loola tago shirkadda Dahabshiil oo ay Somtel mataano yihiin. Sidaa awgeed waxay naga mudan tahay amaan. Laakiin waxaan shirkadaha kale usoo jeedinayaa inay sidaa oo kale sameeyaan oo wax kusoo celiyaan dhalinyarada, waana in aanay baahida iyo dalabka codsiyada dhalinyarada iska dhega tirin.” Ayuu yidhi Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland oo ka faa’idaysanayay fursada tartanka suuqa ganacsiga ee u dhexeeya shirkadaha Isgaadhsiinta gaar ahaan Somtel iyo Telesom oo laba munaasibadood oo kala duwan mid waliba gaarkeeda ugu soo bandhigtay magaalada Hargeysa adeegyo cusub iyo qalab cusub.
Koox wasiiro oo uu ka mid yahay wasiirka Ciyaaraha ayaa labadaa munaasibadood oo meelo kala duwan lagu qabtay ka qaybgalay, kuwaas oo hadalo kooban ka jeediyay.


Waxayna Wasiirada qaarkood u muuqdeen inay ku dayoobeen carwooyinka kala duwan iyo bandhigyada shirkadaha. Labada wasiir ee Wasaaradaha Cadaaladda iyo Hawlaha Guud oo labadaa munaasibadood isaga dabqaaday ayaa markii ay ka hadlayeen madasha carwada Somtel kala garanwaayay xilalkoodii. Kadib markii mikirifoonka lagu soo dhoweeyay  Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Prof. Muumin Aare, balse   uu soo kacay wasiirka cadaaladda  Xuseen Axmed Caydiid oo dhowaan wasaaradaa Madaxweyne Siilaanyo ka bedelay.
Iyadoo uu Wasiirka Hawlaha Guudna dhinaciisa kasoo kacayLaakiin waso hadal kooban ka jeediyay madasha ayaa sheegay in tiknoolijiga casriga ah loo baahanyahay in laga faa’idaysto oo ay tahay fursad wanaagsan. Laakiin aanay ahayn isgaadhsiintu “xageed joogtaa iyo halkaad maray” oo sheekooyin aan macnalahayn ah, wuxuuna xusay inay in haddii aan la gaadhsiin dadka Miyiga isgaadhsiinta casriga ah ay iman karto inay kala luno bulshada magaalada iyo ta miyiga oo aynu is afgaran waayaan  mustaqbalka.
Si kastaba ha ahaatee wasiiradda ayaa u muuqday kuwo ku   asqoobay loolanka shirkadaha isgaadhsiinta oo si weyn looga dareemayay todobaadyadii u danbeeyay warbaahinta.
Araweelonews Mobile Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *