-
Published On: Thu, Jul 14th, 2011

“Haddii Koonfurta Suudaan iyo Eratariya Madax-bannaani Heleen, Somaliland-na Way Heli Doontaa” Warbixin Lagaga Hadlay qaabkii Bulshooyinka Somaliland iyo Koonfurta Suudaan loola macaamili jiray Iyo Fursadaha Aqoonsiga Somaliland

Smiley face
Share This
Tags

Hargeysa(ANN) “Haddii ay Koonfurta Suudaan iyo Eratariya ay madaxbannaani heleen, Somaliland-na way heli doontaa,” hadalkan oo laga soo xigtay madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa lagu bilaabay warbixin xalay lagu baahiyey bogga

 

American Chronical oo si qoto dheer loogu faahfaahiyey sida Somaliland ugu qallanto madaxbannani iyo aqoonsi caalami ah.
Warbixintan oo ciwaan looga dhigay “Somaliland: dalka 56aad ee Afrika oo albaabka taagan” isla markaana uu diyaariyey aqoonyahanka lagu magacaabo Abdulazez Al-Motairi oo in badan wax ka qoray arrimaha Somaliland, waxa uu si qoto dheer uga hadlay qaabilaadii heerkeeda diblomaasiyadeed sareeyey ee madaxweynaha Somaliland lagu qaabiley markii uu tagay Koonfurta Suudaan iyo calanka Somaliland oo ka dhex babanayey badhtamaha caasimadda Juba, arrintaasi oo qoraagu ku tilmaamay tallaabo dhiirigelineed oo ka marag kacaysa jiritaanka Somaliland iyo sidii xidhiidh fiicani u dhexmari lahaa Somaliland iyo Koomfurta Suudaan oo ah dalka 55aad ee ku soo biiray wadamada Afrika, isaga oo qoraagu warbixintiisa ku xusay in Somaliland qudheedu noqon doonto dalka 56aad ee Afrika ku soo biira.

 


Muuqaalka Sawirkani waa  Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo  iyo  Madaxweynaha Dalka Zimbabwe  Mr. Robert G. Mugabe munaasibadii dabaaldega Koonfurta Sudan.

Mr. Abdulazez Al-Motairi waxa uu isbarbar dhigay halgamadii ay xoriyadooda u soo mareen dadyawga ku kala dhaqan Koonfurta Suudaan iyo Jamhuuriyadda Somaliland iyo qaabkii loola macaamili jiray markii ay labada dalba ku hoos jireen Suudaan iyo Soomaaliya, waxaannu tilmaamay in dadka ku dhaqan Waqooyiga Suudaan ay bulshadda Koonfurta Suudaan u yaqaaneen ama ula macaamili jireen sidii muwaadiniinta heerka labaad (Second Class Citizens), halka Koonfurta Soomaaliyana dadweynaha reer Somaliland ula dhaqmi jireen muwaadiniin heerka labaad ah, taasi oo macnaheedu tahay in markasta khayraadka dalka iyo siyaasaddaba aan loo sinayn oo la kala sadbursaday. Arrimahaas oo sababay in bulshadda ku dhaqan Somaliland iyo Koonfurta Suudaan ay halgan u galeen sidii ay isaga dul qaadi lahaayeen caddaadiskii iyo guumaysigii lagu hayey, taasi oo aakhirkii keentay in Somaliland madaxbannaanideeda dib ula soo noqoto 18 May 1991, ilaa haddana aanay beesha caalamka wax aqoonsi ah ka helin, halka Koonfurta Suudaana dal madaxbannaan noqotay 9 July 2011, dalal badana aqoonsadeen.
“Maanta, Somaliland xaaladeedu waxay la mid tahay Koonfurta Suudaan, waxayna weydiisanaysaa aayo-ka-tashigooda, iyaga oo buuxiyey dhammaanba shuruudaha dawladnimo, xaaladda Somaliland aad bay uga xoog badan tahay tan Koonfurta Suudaan, maxaa yeelay markii ay madaxbannaanideeda ka qaataday Ingiriiska 26 June 1960, waxay muddo afar maalmood ah ahayd wadan madaxbannaan oom iskii u jira.

Markaa madax bannananida Somaliland kuma xad gudbayso axdiga Midawga Afrika iyo qeexida dalnimo ee Qaramada Midoobay u yaal, xuduudaha Somaliland waxay ku qeexan yihiin qodobka 4aad ee axdiga Midawga Afrika oo sheegaya in tixgelin la siinayo xuduudihii laga dhaxlay guumaystayaasha, Jamhuuriyadda Somaliland waa dal dimuqraadi ah oo hannaankiisa dawladnimo ku salaysan yahay nidaamka Liberal-ka, doorashooyin xor iyo xallaal ah ayey qabsadeen oo ay goob-joogayaal caali ahi markhaati ka ahaayeen, hannaankii nabadgelyada iyo ilbaxnimada siyaasadeed ka muuqtay ee ay awooda isugu wareejiyeen hoggaamiyihii mucaaridka oo ah madaxweynaha Somaliland ee hadda iyo madaxweynihii hore ayaa adduunka ka yaabisay.
Somaliland maaha dalkii ugu horreeyey ee si bilaa shuruud ah ula midooba wadan kale, isla markaana madaxbannaanidiisa dib ula soo noqda markii ay uu dhibaato kala kulmay midnimadii uu galay, waxa jira wadamo kale oo sidaasi oo kale ku dhacday. Dalalkaas waxa ka mid ah Masar iyo Suuriya, Senegal iyo Gambiya, Cape Verde iyo Guinea Bissau, kuwaasi oo dhammaantood ku yaal Afrika iyo Aasiya oo intay midnimo wada galeen, hadana dib u kala noqday, isla markaana hadda ka mid ah dalal kala madaxbannaan oo mid kasta iskii loo aqoonsan yahay. Dalalka Senegal iyo Mali waxay tirtitireen heshiis midno oo ay wada galeen, waxayn dib ugu kala noqdeen xuduudihii Guumaystuhu uga tagay, markaa Somaliland maanta dalalkaas kama duwana.” Sidaa waxa lagu yidhi warbixinta Abdulazez Al-Motairi diyaariyey oo Jamhuuriya turjumaad Afsoomaali ah ku soo sameeyey.
Waxa kale oo Abdulazez Al-Motairi warbixintiisa uu ku sheegay in markii Somaliland madaxbannaanideeda qaadatay 26 June 1960 ay aqoonsadeen 35 wadan oo ay ka mid yihiin Ingiriiska, Masar, Israa’iil iyo Maraykanka

https://webmail.one.com/hig/imap/info%40araweelonews.com/INBOX/643/2?uidval=1268568853

Muuqaalka Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo Madaxweynaha Erateria Asiaisa afwerki  Iyo Xoghayaha Guud ee Jamciyada Quruumaha Ka dhaxaysa Bankin mun oo wada jooga casha sharaf uu Madaxweynaha martida loo yahay  u sameeyay  Munaasibadii Juba ee South Sudan

Waxa qoraaga warbixintani soo qaatay hadal uu hore u yidhi madaxweynihii hore ee Somaliland marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, kaasi oo ahaa “Sannadkii 1960, waxaan Muqdisho geeyey wadan la yidhaahdo Somaliland oo dhaqaale wata, miisaaniyadiisuna ahayd 2.5 milyan oo ginniga Ingiriiska ah, markaa jiritaankii hore ee Somaliland, taariikhdiisii iyo waxkasta oo kaleba oo uu watay waa la tirtiray oo la masaxay.”
Waxa qoraagu sheegay sannadihii u dhexeeyey 1979 ilaa 1991 uu taliskii Muqdisho ka jiray dadka reer Somaliland u adeegsaday wax kasta oo awood ah si loo aamusiiye xoriyadii dalbashadda aayo-ka-tashiga, isla markaana aan muwaadiniinta Somaliland la siin jirin saamigooda awooda siyaasadeed iyo arrimaha bulshaddaba, iyaga oo loola dhaqmi jiray sidii muwaadiniin heerka labaad ah, waxa rayiimkii Siyaad Bare cirka ka duqeeyey magaalooyinkii Somaliland, halkaasi oo lagu xasuuqay 500 oo kun oo qof muddo lix bilood gudahood ah sannadkii 1988kii, iyada oo ciidamadii Siyaad Bare dadka kula kaceen kufsi, dil iyo barakicin dadweyne gaadha 2 milyan oo qof, balse halgan dheer kadib jabhadii SNM waxay dalka ka xoraysay ciidammadii Soomaaliya.
Abdulazez Al-Motairi waxa uu qoraalkiisa ku sheegay in Somaliland cadaawad badan kala kulmayso kooxo argagixiso ah iyo budhcad-badeed, iyada oo kooxda Al-shabaab sheegatay masuuliyada qaraxyadii lala beegsaday madaxtooyadda, xarunta UNDP iyo safaaradda Itoobiya ee Hargeysa. Waxaannu xusay in Somaliland iskaashi wadashaqayneed la leedahay Midawga Afrika, Maraykanka iyo Ingiriiska sidii loo afjari lahaa dhibaatada budhcad-badeeda, iyada oo maxaabiis badan oo budhcad-badeed ahi ku jiraan jeelasha Somaliland. Sidaa darteedna aqoonsiga Somaliland waxa uu faa’iido u yahay mandaqada oo dhan, Afrika iyo beesha caalamka, iyada oo wax badan kala qaban doonta ammaanka, dawlad wanaaga, kobcinta dimuqraadiyadda, isla markaana waxa xilligan Somaliland diyaar u tahay inay khibradeeda uga faa’iidayso sidii loo dhisi lahaa
dal dimuqraadi ah oo ka hanna qaada Koonfurta Suudaan.
Xigasho Wargeyska Jamhuuriya

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>