Djibouti(ANN)Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Eng, Maxamed Xaashi Cilmi ayaa maanta booqasho dhawr maalmood qaadanay  ku tegey wadanka Djibouti ka dib markii ay marti qaad ka heleen wasaarada maaliyada ee dalka Djibouti.  sida ay

u sheegeen saxaafada markii ay ka degeen madaarka Djibouti.
Weftigaa oo galabta ka degey Djibouti  waxa madaarka ku qaabilay Wasiirul dawlaha wasaarada maaliyada Djibouti  u qaabilsan Miisaaniyadda Cali Siciid iyo Cabdi Ashkir oo ka mid ah saraakiisha wasaarada maaliyada.
Ujeedada safarka wefdiga uu hogaaminayo wasiirka maaliyada Somaliland ayaan si rasmi ah loo ogayn, balse  Eng.  Maxamed Xaashi Cilmi oo markii uu gaadhay Djibouti  madaarka ugu waramayay Saxaafadda ayaa sheegay in socdaalkoodu qaadan doono muddo sadex maalmood ah isla markaana ay kulamo kala duwan la yeelan doonaan Wasaaradaha dalka Djibouti. Laakiin ma sheegin waxyaabaha ay ka wada hadlayaan ee u qorshaysan.
Eng, Xaashi ayaa ku  tilmaamay socdaalkooda  mid  ka dhashay marti qaad rasmi ah oo ay ka heleen dawlada Djibouti. Weftiga Wasiirka Maaliyada waxa xubno ka ah Wasiirka Ganacsiga, Warshadaha iyo dalxiiska C/risaaq Khaliif Axmed iyo sarkaal ka socday Rugta Ganacsiga Somaliland.
Wuxuuna wasiirka warshadaha iyo dalxiiska C/risaaq Khaliif Axmed, uga mahad celiyay masuuliyiinta wasaarada maaliyada Djibouti ee soo dhaweeyay, isagoo  sheegay in socdaalkoodu  qeyb ka yahay iskaashiga labada dale e walaalaha ah.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *