Hargeysa(ANN) “Walaalayaal dadka lacagta leh ee awoodi karaya inay keligood cusbitaal dhisaan waxay awoodi kari waayeen inay qof xanuunsanaya hayaan, kuwaas qaar eheladooda ka mid ahi halkan ayey ku jiraan,  ama ay ka baxeen, bal maxaad u malaynaysaa

 

qofka saddex boqol oo caruur ah haya, bal eeg sida ay u eegyihiin iyo sharafta ay leeyihiin.” Sidaa waxa yidhi Sh Aadan Siiro oo ka hadlayay munaasibad loo qabtay  45 dhallinyaro ah oo  baratay xirfadaha gacanta, kuwaas  oo ka qallinjibiyey xarunta lagu daryeelo dadka qaba xannuunka dhimirka ee SAHAN oo ku taal magaalada Hargeysa.

Ardaydan oo ah dufcadii 3aad ee ka qallinjebisa xarunta SAHAN oo lagu hayo dhawr boqol oo ka mid ah dadka xannuunka dhimirku maskaxda ka haleelay, ayaa waxay barteen xirfadaha laydhka, kombiyuutarka, dawaarka iyo xirfado kale.
Xaflad ballaadhan oo shalay lagu qabtay xarunta dhexe ee ururka SAHAN oo ku taal Waqooyi/galbeed ee caasimadda Hargeysa, waxa ka qaybgalay Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Dr. Axmed Xaashi Oday, siyaasiga Cali Maxamed Warancadde, Sheekh Aadan-siiro, Suldaan Xasan Sul. Cabdillaahi, xubno qurba-joog ah, aqoonyahan, waalidiniin iyo marti sharaf kale oo badan.


Guddoomiyaha ururka SAHAN Bashiir Maxamed Jaamac oo munaasibadaasi ka hadlay, ayaa ka waramay xaalada guud xarunta iyo duruufaha dadka bukaanka ah ee lagu hayo oo uu sheegay in aanay daryeel fiican ka helin dhinaca shacabka.
Mr. Bashiir waxa uu sheegay in bukaanka xaruntooda la keenaa helaan, dawo, daryeel iyo xannaanayn gaar ah, taas oo ishooda ka muuqata, iyadoo dhallinyaradii xannuunka loo keenay ay ka qallinjabinayaan xirfado dhinaca gacanta ah oo ay barteen, isla markaana ay bulshada uga baahan yihiin shaqo-abuuris.
“Xaruntan SAHAN waa meel lagu xannaaneeyo dadka dhimirka qaba, waxa maanta (shalay) ka qallinjabinaya dufcadii 3aad ee barata xirfadaha gacmaaha, waxayna barteen dawaarka, laydhka iyo kombiyuutarka, waxaad arkaysaan sida ay u eegyihiin. Waxa kale oo jira in xaruntan marka laga yimaado caafimaadkooda iyo daryeelka aannu barno Qur’aanka kariimka ah, kuwo aan hore fursad waxbarasho u helina waxaanu halkan ku barnaa af soomaaliga,” ayuu yidhi Mr. Bashiir.
Guddoomiyuhu waxa uu dardaaran u diray waalidiinta iyo ehelada dhallinyarada xirfadaha bartay, waxaannu yidhi, “Waxaan waalidka kula dardaarmayaa inay marka ay soo dhamaystaan waxbarashada iyo nasashada aanay dib suuqa ugu celin ee ay isku dayaan inay la shaqeeyaan oo camal u fidiyaan, annaguna ma jeclin in uu tacabkayagu khasaaroee waxaanu isku dayeynaa in qolooyinka laydhka iyo dawaarlayaasha ay muddo la shaqeeyaan.”
Sheekh Aadan Maxamuud Xiiray (Aadan-siiro), ayaa isaguna hadal uu halkaasi ka jeediyey, waxa uu ku ammaanay waxqabadka iyo horumarka xarunta SAHAN samaysay oo uu ku tilmaamay dad mutadacawiin ah oo bulshada ka furtay hawl aad u culus oo aan cid kasta oo lacag lehi qaban karayn.
“Walaalayaal dadka lacagta leh ee awoodi karaya inay keligood cusbitaal dhisaan waxay awoodi kari waayeen in ay qof xanuunsanaya hayaan, kuwaas qaar eheladooda ka mid ahi halkan ayey ku jiraan ama ay ka baxeen, bal maxaad u malaynaysaa qofka saddex boqol oo caruur ah haya, bal eeg sida ay u eegyihiin iyo sharafta ay leeyihiin.
Waxna waa wax la arki karo,  waxna waa wax la taaban karo, jaamacada marka aad tigtid sidaa kuwan oo kale ku dhagaysan maayaan, waadiga arkaya siday u fadhiyaan, tacab ayaa galay dadkaasi,  wax iska yimid maaha, waxaanu leenahay xaruntan ha la taageero, dawlada waxa loo igmaday inay ummadeeda u adeegto. Waxaanu leenahay cida ay khusayso iyo Madaxweynaha Somaliland dawladnimadeenu waxay ku xidhan tahay kolba sida aynu dadkeena jilicdasan aynu wax u tarno, waad ogtihiin xanuunkaasi aynu qaadka ka qaadnay way ku badan yihiin dalka, waxa loo baahan yahay in xarumahan laga shaqeeyo.”
“Haddii aynu Hargeysa oo qudha nidhaa qof kasta kun shilin ha bixiyo, bishii waxay noqonaysaa sagaal boqol iyo konton milyan, meel walba waynu dhisan lahayn, wax badana waynu qafsan lahayn. Ganacsatada waxaan leeyahay boqolkiiba toban ha ku caawiyaan,” ayuu yidhi Sheekh Aadan-siiro.
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Duulista Hawadda Cali Maxamed Waran-cade oo isna xafladaas ka hadlay, ayaa si wayn ugu amaanay masuuliyiinta xarunta dhimirka ee Sahan dedaalka iyo hawsha balaadhan ee ay soo kordhiyeen iyo sida ay wax ugu qabteen dadkii bukaanka ahaa ee loo keenay kuwaas oo uu sheegay in yihiin tusaale lagu dayan karo.
Waxa kale oo madashaasi hadalo ka jeediyey Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Dr. Axmed Xaashi Oday, Dr. Cabdisalaan Muuse Cali, Faysa Maxamed Maxamuud iyo haween qurbo jooga ah, waxaanay dhammaantood ammaaneen horumarka ururka mutadawiciinta SAHAN sameeyey iyo weliba sida loogu baahan yahay in bulshada iyo dawladduba taageero.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *