Djibouti(ANN) Wasiirka Maalaiyada Somaliland Eng: Maxamed Xaashi Cilmi ayaa oo xalay caweyskii loola carary dhinaca dalka Djibouti. Kadib  markii uu muddo laba maalmood ah xaalad caafimaad-daro u yaalay  Cisbitaalka Adna, balse lagu qaaday Diyaarad khaas ah markii ay dhakhaatiirtu ku taliyeen

 

in loo qaado dhakhtar debeda ah.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Xuseen  Xoog oo ka waramay xaaladda caafimaad ee wasiirka Maaliyadda Eng.  Xaashi ayaa u sheegay saxaafada in aanay xaaladiisu aad u liidan, isla markaana uu xanuunkiisu yahay hargab xumaaday, isla markaana  waxa  uu xusay in neefashadu cidhiidhi ku noqotay wasiirka sidaana loogu qaaday Cusbitaal debeda ah.
Wasiirka Maaliyadda oo masuuliyiinta xukuumadda Djibouti ku qaabileen madaarka dalkaa ayaa la geeyay Cusbitaal uu leeyahay Milateriga Faransiisku oo ku yaala Djibouti, iyadoo loo sameeyay gurmad caafimaad, isla markaana ehelada wasiirka ayaa u sheegay saacadihii lasoo dhaafay shebekada wararka ee Araweelonews in wasiirka xaaladiisu fiicantahay oo lagu dawaynayo Cusbitaalkaa, iyadoo xanuunkiisu noqday waxa loo yaqaan Oof.\
“Illaahay mahadii xaalada wasiirku hada aad ayay u fiicantahay, waxaana u socda dawooyin.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah qoyskiisa oo ka mid ah dadka raacay wasiirka.
Eng. Maxamed Xaashi oo ah Wasiirka Maaliyadda ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayay dadku ku warheleen xanuunkiisa markii ay ku arkeen warbaahinta, gaar ahaan wargeysyada kasoo baxa Hargeysa, iyadoo ay Bulshadu aad uga xumaadeen xanuunka wasiirka Maaliyadda, isla markaana si weyn u hadal haya xanuunkiisa oo Illaahay uga baryay inuu caafimaad siiyo.

Magaalada Hargeysa waxa habeenadii u danbeeyay ka si weyn isu bedelay cimilada, iyadoo qabaw aad loo dareemayay oo dadku si weyn uga cabanaayaan ka dhacayay, iyadoo dadka qaar sheegayaan in qabawga dhaxanta noocan ah aanay hore uga dhicin Magaalada hargeysa.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *